{"id":482534,"date":"2023-03-21T09:20:14","date_gmt":"2023-03-21T06:20:14","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=482534"},"modified":"2023-03-21T10:48:44","modified_gmt":"2023-03-21T07:48:44","slug":"ergeyga-gaarka-ah-ee-madaxweynaha-jfs-u-qaabbilsan-gurmadka-abaaraha-oo-ka-qeyb-galay-madasha-biniaaddannimada-yurub","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/ergeyga-gaarka-ah-ee-madaxweynaha-jfs-u-qaabbilsan-gurmadka-abaaraha-oo-ka-qeyb-galay-madasha-biniaaddannimada-yurub\/","title":{"rendered":"Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabbilsan gurmadka abaaraha oo ka qeyb galay madasha Bini\u2019aaddannimada Yurub"},"content":{"rendered":"<p>Brussels-(SONNA)-Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabbilsan Gurmadka Abaaraha Md. Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ka qeyb galay Munaasabadda Madasha Bani&#8217;aadannimada Yurub (European Humanitarian Forum) oo maanta ka furantay magaalada Brussels ee dalka Belgium-ka.<\/p>\n<p>Shirkaan oo ay si wada jir ah u soo qaban-qaabiyeen komishanka Yurub (DG ECHO) iyo Dowladda Iswidhan oo hadda heysa hoggaanka Golaha Midowga Yurub, ayaa looga hadlay baahida bini&#8217;aadannimo ee sii kordheysa iyo xal u helidda caqabadaha taagan.<\/p>\n<p>Madasha waxaa qeyb ka ahaa hay\u2019adaha Qaramada Midoobay, NGOs caalamiga ah iyo kuwo maxalliga ah ee gargaarka bani\u2019aadannimada ka shaqeeya, halka dalalka garagaarka bani\u2019aadannimada loo fidiyo ay matalayeen hay\u2019ado magacooda ku hadlaya.<\/p>\n<p>Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS ayaa madasha la wadaagay farriin la xariirta sida ay Soomaaliya uga daashay gurmadka degdegga ah iyo deeq aan wax ku ool ahayn, ayna baahi u qabto mashaariicda dhisaysa adkaysiga bulshada, ka soo kabashada iyo horumarka.<\/p>\n<p>Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sidoo kale adkeeyay muhiimadda ay Soomaaliya u leedahay in lagu garab siiyo sidii ay gacan hoorsiga uga bixi lahayd oo ay khayraadkeeda kaga faa\u2019iidaysan lahayd, taasoo imaan karta haddii xoog la galiyo dhisidda awoodda iyo kartida hay\u2019adaha dawladda.<\/p>\n<p>Midowga Yurub iyo Dawladaha xubnaha ayaa ku dhawaaqay in \u20ac8.4 bilyan oo gargaar ah bani\u2019aadannimo ah dunida loo fidiyo sanadkaan 2023, xilli baahida bini&#8217;aadannimo ay gaartay heer aan hore loo arag. 339 milyan oo qof oo adduunka ah ayaa u baahan gargaar bini&#8217;aadannimo halka 23-kii qof ee adduunka ku nool hal ruux u baahan yahay gargaar degdeg ah.<\/p>\n<p>Dagaalka Ukraine, kor u kaca qiimaha cuntada ee adduunka iyo saamaynta ba&#8217;an ee is-beddelka cimilada ayaa xaaladda uga sii daray, Madasha Bani&#8217;aadannimada Yurub ayaana diiradda saareysa in iyadoo loo marayo wada-hadallo heer sare ah, doodo siyaasadeed iyo aqoon-is-weydaarsiyo wax-ku-ool ah, la soo bandhigo habab waara si wax looga qabto caqabadaha hadda jira.<\/p>\n<p><img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-482537 size-full\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/YURUB5.jpg\" alt=\"\" width=\"1440\" height=\"960\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/YURUB5.jpg 1440w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/YURUB5-300x200.jpg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/YURUB5-1024x683.jpg 1024w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/YURUB5-768x512.jpg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/YURUB5-330x220.jpg 330w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/YURUB5-420x280.jpg 420w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/YURUB5-615x410.jpg 615w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/YURUB5-860x573.jpg 860w\" sizes=\"auto, (max-width: 1440px) 100vw, 1440px\" \/> <img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-482538 size-full\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/YURUB4.jpg\" alt=\"\" width=\"960\" height=\"640\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/YURUB4.jpg 960w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/YURUB4-300x200.jpg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/YURUB4-768x512.jpg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/YURUB4-330x220.jpg 330w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/YURUB4-420x280.jpg 420w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/YURUB4-615x410.jpg 615w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/YURUB4-860x573.jpg 860w\" sizes=\"auto, (max-width: 960px) 100vw, 960px\" \/> <img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-482539 size-full\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/YURUB3.jpg\" alt=\"\" width=\"1192\" height=\"1440\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/YURUB3.jpg 1192w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/YURUB3-248x300.jpg 248w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/YURUB3-848x1024.jpg 848w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/YURUB3-768x928.jpg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/YURUB3-860x1039.jpg 860w\" sizes=\"auto, (max-width: 1192px) 100vw, 1192px\" \/><img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-482540 size-full\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/YURUB2.jpg\" alt=\"\" width=\"1734\" height=\"1734\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/YURUB2.jpg 1734w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/YURUB2-300x300.jpg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/YURUB2-1024x1024.jpg 1024w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/YURUB2-150x150.jpg 150w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/YURUB2-768x768.jpg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/YURUB2-1536x1536.jpg 1536w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/YURUB2-860x860.jpg 860w\" sizes=\"auto, (max-width: 1734px) 100vw, 1734px\" \/><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Brussels-(SONNA)-Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabbilsan Gurmadka Abaaraha Md. Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ka qeyb galay Munaasabadda Madasha Bani&#8217;aadannimada Yurub (European Humanitarian Forum) oo maanta ka furantay magaalada Brussels ee dalka Belgium-ka. Shirkaan oo ay si wada jir ah u soo qaban-qaabiyeen komishanka Yurub (DG ECHO) iyo Dowladda Iswidhan oo hadda heysa [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":7,"featured_media":482541,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-482534","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/482534","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/7"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=482534"}],"version-history":[{"count":3,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/482534\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":482543,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/482534\/revisions\/482543"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/482541"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=482534"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=482534"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=482534"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}