{"id":482418,"date":"2023-03-20T09:31:51","date_gmt":"2023-03-20T06:31:51","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=482418"},"modified":"2023-03-20T09:31:51","modified_gmt":"2023-03-20T06:31:51","slug":"wasiirka-wasaaradda-dhallinyarada-xfs-oo-kulan-doceed-la-yeeshay-dhiggiisa-dalka-ciraaq","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/wasiirka-wasaaradda-dhallinyarada-xfs-oo-kulan-doceed-la-yeeshay-dhiggiisa-dalka-ciraaq\/","title":{"rendered":"Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada XFS oo kulan doceed la yeeshay dhiggiisa dalka Ciraaq"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo cayaaraha XFS Mudane Xil Maxamed Barre Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo magaalada Jeddah ee Boqortooyada Sucuudi kaga qayb-galaya shirka Wasiirrada dhallinyarada iyo cayaaraha wadamada Carabta ayaa kulan doceed la yeeshay dhiggiisa Ciraaq Mudane Axmed Maxamed Xuseen Qaasim waxayna ka wada hadleen qodobo dhowr ah oo labada dal taabanaya.<\/p>\n<p>Qodobada ugu muhiimsan ee labada wasiir isla soo qaadeen ayaa ahaa sidii Soomaaliya ay uga faa&#8217;iidaysan lahayd khibradda Ciraaq ee la dagaalanka fikirka xagjirnimada iyo argagixisada oo dalkaasi uu natiijo wax ku ool ah ka gaaray.<\/p>\n<p>Wasiirka dhallinyarada iyo cayaaraha Ciraaq Mudane Axmed M Xuseen Qaasim ayaa la wadaagay dhiggiisa Soomaaliya Mudane Maxamed Barre Maxamuud heerarkii kala duwanaa ee dalkiisu lasoo maray la dagaalanka argagaxisada iyo fikirka xagjirnimada isagoo caddeeyay inay diyaar u yihiin inay walaalahood Soomaaliya la wadaagaan wixii khibrad ah.<\/p>\n<p>Kulanka labada wasiir waxaa ku weheliyay agaasimaha guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga JFS\u00a0 Mudane Cabdiraxiim Warsame Diiriye iyo saraakiil ka kala socotay labada wasaaraddood.<\/p>\n<p>Waxaa sidoo kale halkaa lagu soo gabogabeeyay Magaalada Jeddah ee Boqortooyada Sucuudi Carabiya shirka 46-aad ee wasiirrada Dhallinyarada iyo cayaaraha wadamada Carabta oo labadii maalmood ee la soo dhaafay ka socday halkaas.<\/p>\n<p>Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo cayaaraha XFS ayaa intii uu shirku socday ka jeediyay khudbad uu kaga waramayo marxaladda kala guurka ah ee dhalinyarada Soomaaliyeed xilligan oo cadowga Al-Shabaab laga xoreeyay inta badan gobollada iyo degmooyinka dalka.<\/p>\n<p><img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-482419 size-full\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/WhatsApp-Image-2023-03-20-at-8.49.34-AM.jpeg\" alt=\"\" width=\"1080\" height=\"810\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/WhatsApp-Image-2023-03-20-at-8.49.34-AM.jpeg 1080w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/WhatsApp-Image-2023-03-20-at-8.49.34-AM-300x225.jpeg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/WhatsApp-Image-2023-03-20-at-8.49.34-AM-1024x768.jpeg 1024w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/WhatsApp-Image-2023-03-20-at-8.49.34-AM-768x576.jpeg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/WhatsApp-Image-2023-03-20-at-8.49.34-AM-860x645.jpeg 860w\" sizes=\"auto, (max-width: 1080px) 100vw, 1080px\" \/> <img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-482420 size-full\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/WhatsApp-Image-2023-03-20-at-8.49.33-AM.jpeg\" alt=\"\" width=\"1080\" height=\"810\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/WhatsApp-Image-2023-03-20-at-8.49.33-AM.jpeg 1080w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/WhatsApp-Image-2023-03-20-at-8.49.33-AM-300x225.jpeg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/WhatsApp-Image-2023-03-20-at-8.49.33-AM-1024x768.jpeg 1024w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/WhatsApp-Image-2023-03-20-at-8.49.33-AM-768x576.jpeg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/WhatsApp-Image-2023-03-20-at-8.49.33-AM-860x645.jpeg 860w\" sizes=\"auto, (max-width: 1080px) 100vw, 1080px\" \/> <img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-482421 size-full\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/WhatsApp-Image-2023-03-20-at-8.49.34-AM-2.jpeg\" alt=\"\" width=\"1080\" height=\"810\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/WhatsApp-Image-2023-03-20-at-8.49.34-AM-2.jpeg 1080w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/WhatsApp-Image-2023-03-20-at-8.49.34-AM-2-300x225.jpeg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/WhatsApp-Image-2023-03-20-at-8.49.34-AM-2-1024x768.jpeg 1024w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/WhatsApp-Image-2023-03-20-at-8.49.34-AM-2-768x576.jpeg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/WhatsApp-Image-2023-03-20-at-8.49.34-AM-2-860x645.jpeg 860w\" sizes=\"auto, (max-width: 1080px) 100vw, 1080px\" \/> <img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-482422 size-full\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/WhatsApp-Image-2023-03-20-at-8.49.34-AM-1.jpeg\" alt=\"\" width=\"1080\" height=\"810\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/WhatsApp-Image-2023-03-20-at-8.49.34-AM-1.jpeg 1080w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/WhatsApp-Image-2023-03-20-at-8.49.34-AM-1-300x225.jpeg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/WhatsApp-Image-2023-03-20-at-8.49.34-AM-1-1024x768.jpeg 1024w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/WhatsApp-Image-2023-03-20-at-8.49.34-AM-1-768x576.jpeg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/WhatsApp-Image-2023-03-20-at-8.49.34-AM-1-860x645.jpeg 860w\" sizes=\"auto, (max-width: 1080px) 100vw, 1080px\" \/><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo cayaaraha XFS Mudane Xil Maxamed Barre Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo magaalada Jeddah ee Boqortooyada Sucuudi kaga qayb-galaya shirka Wasiirrada dhallinyarada iyo cayaaraha wadamada Carabta ayaa kulan doceed la yeeshay dhiggiisa Ciraaq Mudane Axmed Maxamed Xuseen Qaasim waxayna ka wada hadleen qodobo dhowr ah oo labada dal taabanaya. Qodobada ugu [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":44,"featured_media":482419,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-482418","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/482418","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/44"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=482418"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/482418\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":482423,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/482418\/revisions\/482423"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/482419"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=482418"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=482418"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=482418"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}