{"id":482346,"date":"2023-03-19T17:29:12","date_gmt":"2023-03-19T14:29:12","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=482346"},"modified":"2023-03-19T22:16:26","modified_gmt":"2023-03-19T19:16:26","slug":"war-murtiyeed-laga-soo-saaray-shirka-wada-tashiga-wasaaradaha-warfaafinta-heer-federaalka-iyo-d-goboleed","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/war-murtiyeed-laga-soo-saaray-shirka-wada-tashiga-wasaaradaha-warfaafinta-heer-federaalka-iyo-d-goboleed\/","title":{"rendered":"War murtiyeed laga soo saaray Shirka wada tashiga Wasaaradaha Warfaafinta heer  Federaalka iyo D\/Goboleed"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho (SONNA) Shirka wadatashiga wasaaradaha Warfaafinta Dowladda Federaalka, Dowladaha xubnaha ka ah iyo Maamulka Gobolka Banaadir waxaa uu ka qabsoomay Maagaalada Kismaayo ee Caasimadda ku meel gaarka ah ee Dowlad goboleedyada Jubbaland, 18-kiii ilaa 19 Maarso 2023, waxaa ka shir guddoomiyay Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, waxaana ka qeyb galay Wasiirada Warfaafinta Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka iyo Agaasimaha guud ee Warfaafinta gobolka Banaadir, waxaana goob joog ka ahaa Agaasimayaasha guud ee wasaradaha warfaafinta, Agaasime Waaxeedyo iyo lataliyaal.<\/p>\n<p>Shirka wuxuu socday labo maalmood waxaana looga hadlay.<br \/>\n1- Wixii ka qabsoomay heshiiskii lagu gaaray shirkii ugu dambeeyay iyo sida lagu hirgalin karo wixii aan qabsoomin<br \/>\n2- Hawlaha hor tabinta leh iyo baahiyaha wasaaradaha ee 2023<br \/>\n3- Dib u eegista siyaasadda Qaran ee Wacyi galinta.<br \/>\n4- Mideynta Hawlaha Hor tabinta leh ee wasaaradaha.<\/p>\n<p>Dood dheer iyo falanqeyn kadib waxaa shirka Wadatashiga ka soo baxay:<\/p>\n<p>1- Si kor loogu qaado fahamka bulshada Soomaaliyeed ee Dowladnimada iyo wacyiga dadweynaha ee qatarta fikradaha xagjirnimada ee kooxaha khawaarijta ah ee Al-shabaab iyo Daacish waxa ay Mas\u2019uuliyiinta isla qaateen in la xoojiyo Warbaahinta dowliga ah labadeeda heer.<\/p>\n<p>2- Mas\u2019uuliyiintu waxa ay isla garteen in la ballaariyo, goobaha ay gaaraan idaacadaha dowladda labadeeda heer, iyada oo la xaqiijinayo ka wada shaqeynta joogteynta shaqada idaacadaha.<\/p>\n<p>3- Mas\u2019uuliyiinta Wasaaradaha waxa isla qireen baahida loo qabo in si deg deg ah looga wada shaqeeyo gaarsiinta idaacado deegaanadii dhowaan laga xoreeyay khawaarijta iyo kuwa laga xoreyn doono dhowaan, si farriinta saxda ah u gaarto dadka ku nool deegaanada ay sharci darrada ku haysteen kooxaha Khawaarijta in ka badan 15 sano oo ay marin habaabinayeen.<\/p>\n<p>4- Mas\u2019uuliyiinta waxa ay isla garteen in Idaacadaha Dowladda Federaalka, Dowladaha xubnaha ka ah iyo gobolka Banaadir laga sii daayo Barnaamijyo mideysan oo ka hadlaya qatarta kooxaha khawaarijta ah iyo fikirkooda, maandooriyaha, waxqabadka dowladda labadeeda heer, laguna baahiyo lahjadaha Maay iyo Maxaa-tiri.<\/p>\n<p>5- Mas\u2019uuliyiinta waxa ay isku raaceen in si wadajir ah Warbaahinta dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir looga baahiyo Barnaamijka Xogta Dowlad goboleedyada ee ka baxa Warbaahinta Qaranka, si hormarka iyo xaaladaha gobolada ula socdaan guud ahaan dadka Soomaaliyeed, lana gaarsiiyo farriin mideysan oo muujinaysa horumarka bulshada iyo dowlad dhiska Soomaaliya.<\/p>\n<p>6- Mas\u2019uuliyiinta waxay isla qaateen mideynta Hawlaha Hortabinta leh iyo baahiyaha wasaaradaha iyo xafiiska Warfaafinta gobolka Banaadir.<\/p>\n<p>7- Shirka waxaa ka soo baxay dukuminti mideysan oo ka tarjumaya hawlaha hortabinta u leh sanadkaan wasaaradaha Warfaafinta labadooda heer iyo gobolka Banaadir iyo hannaanka loo wajahayo caqabadaha, iyo fursadaha jira.<\/p>\n<p>8- Iyaada oo laga duulayo raadadka ay argagixisadu uga tageen dadka ku nool deeganadii laga xoreeyay, mas\u2019uuliyiinta waxa ay isla garteen in si deg de ah looga hawl galo goobahaasi lagana fuliyo Barnaamijyo Warbaahineed oo la xiriira wacyi-galinta dedaalaada xasilinta.<\/p>\n<p>9- Mas\u2019uuliyiinta waxa ay isla garteen in la mideeyo dhammaan barnaamijyada wacyo-galinta ee la dagaalanka fikirka xagjirnimada ah, xasilinta . Iyo guulaha hawlgalada dib u xoreynta dalka.<\/p>\n<p>10- Mas\u2019uuliyiinta Wasaaradaha Warfaafinta iyo gobolka Banaadir waxa ay isla garteen in ay qaataan doorkooda hoggaamineed ee dhammaan hanaanka Warbaahinta iyo Wacyi-galinta dalka, waxaa ayna uga baaqayaan hay\u2019adaha kale dowladda labadeeda heer iyo deeq bixiyayaasha in lagu taageero, loogana dambeeyo.<\/p>\n<p>11- Shirku waxaa uu isku afgartay in la xoojiyo wada shaqeynta wasaaradaha Warfaafinta iyo gobolka Banaadir lana joogteeyo kulamada muhiimka u ah wasaaradaha iyo gobolka Banaadir.<\/p>\n<p>Ugu dambeyn Shirka waxaa uu u mahad celinayaan Wasaaradda Warfaafinta, Wacyi galinta iyo Dalxiiska Dowlad goboleedka Jubbaland oo marti galisa shirkan, si wacanna u soo dhwoeysay wafuudii ka soo qeyb gashay.<\/p>\n<p><img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-482372\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/IMG-20230319-WA0026.jpg\" alt=\"\" width=\"1024\" height=\"683\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/IMG-20230319-WA0026.jpg 1024w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/IMG-20230319-WA0026-300x200.jpg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/IMG-20230319-WA0026-768x512.jpg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/IMG-20230319-WA0026-330x220.jpg 330w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/IMG-20230319-WA0026-420x280.jpg 420w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/IMG-20230319-WA0026-615x410.jpg 615w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/IMG-20230319-WA0026-860x574.jpg 860w\" sizes=\"auto, (max-width: 1024px) 100vw, 1024px\" \/> <img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-482373\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/IMG-20230319-WA0025.jpg\" alt=\"\" width=\"1024\" height=\"683\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/IMG-20230319-WA0025.jpg 1024w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/IMG-20230319-WA0025-300x200.jpg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/IMG-20230319-WA0025-768x512.jpg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/IMG-20230319-WA0025-330x220.jpg 330w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/IMG-20230319-WA0025-420x280.jpg 420w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/IMG-20230319-WA0025-615x410.jpg 615w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/IMG-20230319-WA0025-860x574.jpg 860w\" sizes=\"auto, (max-width: 1024px) 100vw, 1024px\" \/> <img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-482374\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/IMG-20230319-WA0024.jpg\" alt=\"\" width=\"1024\" height=\"683\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/IMG-20230319-WA0024.jpg 1024w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/IMG-20230319-WA0024-300x200.jpg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/IMG-20230319-WA0024-768x512.jpg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/IMG-20230319-WA0024-330x220.jpg 330w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/IMG-20230319-WA0024-420x280.jpg 420w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/IMG-20230319-WA0024-615x410.jpg 615w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/IMG-20230319-WA0024-860x574.jpg 860w\" sizes=\"auto, (max-width: 1024px) 100vw, 1024px\" \/> <img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-482375\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/IMG-20230319-WA0023.jpg\" alt=\"\" width=\"1024\" height=\"683\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/IMG-20230319-WA0023.jpg 1024w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/IMG-20230319-WA0023-300x200.jpg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/IMG-20230319-WA0023-768x512.jpg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/IMG-20230319-WA0023-330x220.jpg 330w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/IMG-20230319-WA0023-420x280.jpg 420w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/IMG-20230319-WA0023-615x410.jpg 615w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/IMG-20230319-WA0023-860x574.jpg 860w\" sizes=\"auto, (max-width: 1024px) 100vw, 1024px\" \/> <img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-482376\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/IMG-20230319-WA0022.jpg\" alt=\"\" width=\"1024\" height=\"683\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/IMG-20230319-WA0022.jpg 1024w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/IMG-20230319-WA0022-300x200.jpg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/IMG-20230319-WA0022-768x512.jpg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/IMG-20230319-WA0022-330x220.jpg 330w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/IMG-20230319-WA0022-420x280.jpg 420w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/IMG-20230319-WA0022-615x410.jpg 615w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/IMG-20230319-WA0022-860x574.jpg 860w\" sizes=\"auto, (max-width: 1024px) 100vw, 1024px\" \/> <img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-482377\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/IMG-20230319-WA0021.jpg\" alt=\"\" width=\"1024\" height=\"683\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/IMG-20230319-WA0021.jpg 1024w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/IMG-20230319-WA0021-300x200.jpg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/IMG-20230319-WA0021-768x512.jpg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/IMG-20230319-WA0021-330x220.jpg 330w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/IMG-20230319-WA0021-420x280.jpg 420w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/IMG-20230319-WA0021-615x410.jpg 615w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/IMG-20230319-WA0021-860x574.jpg 860w\" sizes=\"auto, (max-width: 1024px) 100vw, 1024px\" \/> <img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-482378\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/IMG-20230319-WA0020.jpg\" alt=\"\" width=\"1024\" height=\"683\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/IMG-20230319-WA0020.jpg 1024w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/IMG-20230319-WA0020-300x200.jpg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/IMG-20230319-WA0020-768x512.jpg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/IMG-20230319-WA0020-330x220.jpg 330w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/IMG-20230319-WA0020-420x280.jpg 420w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/IMG-20230319-WA0020-615x410.jpg 615w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/IMG-20230319-WA0020-860x574.jpg 860w\" sizes=\"auto, (max-width: 1024px) 100vw, 1024px\" \/> <img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-482379\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/IMG-20230319-WA0019.jpg\" alt=\"\" width=\"1024\" height=\"683\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/IMG-20230319-WA0019.jpg 1024w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/IMG-20230319-WA0019-300x200.jpg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/IMG-20230319-WA0019-768x512.jpg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/IMG-20230319-WA0019-330x220.jpg 330w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/IMG-20230319-WA0019-420x280.jpg 420w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/IMG-20230319-WA0019-615x410.jpg 615w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/IMG-20230319-WA0019-860x574.jpg 860w\" sizes=\"auto, (max-width: 1024px) 100vw, 1024px\" \/><\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho (SONNA) Shirka wadatashiga wasaaradaha Warfaafinta Dowladda Federaalka, Dowladaha xubnaha ka ah iyo Maamulka Gobolka Banaadir waxaa uu ka qabsoomay Maagaalada Kismaayo ee Caasimadda ku meel gaarka ah ee Dowlad goboleedyada Jubbaland, 18-kiii ilaa 19 Maarso 2023, waxaa ka shir guddoomiyay Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, waxaana ka qeyb galay Wasiirada Warfaafinta [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":32,"featured_media":482374,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-482346","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/482346","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/32"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=482346"}],"version-history":[{"count":3,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/482346\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":482380,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/482346\/revisions\/482380"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/482374"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=482346"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=482346"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=482346"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}