{"id":481910,"date":"2023-03-16T14:49:37","date_gmt":"2023-03-16T11:49:37","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=481910"},"modified":"2023-03-16T15:06:20","modified_gmt":"2023-03-16T12:06:20","slug":"soomaaliya-iyo-mareykanka-oo-kala-saxiixday-is-afgarad-dhanka-horumarinta-ciidanka-xoogga-dalka","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/soomaaliya-iyo-mareykanka-oo-kala-saxiixday-is-afgarad-dhanka-horumarinta-ciidanka-xoogga-dalka\/","title":{"rendered":"Soomaaliya iyo Mareykanka oo kala saxiixday is-afgarad dhanka horumarinta ciidanka Xoogga dalka"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Gaashaandhigga xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo Safiirka Maraykanka ee u fadhiya Soomaaliya Mudane Larry Andr\u00e9 ayaa magaalada Muqdisho ku kala saxiixay is-afgarad ku aadan horumarinta iyo garab istaagga ciidanka Xoogga Dalka iyo xoojinta dagaalka Khawaarijta.<\/p>\n<p>&#8220;Waxaan maanta aniga iyo Danjiraha Mareykanka Mudane Larry Andr\u00e9 is-afgarad ku kala saxiixanay magaalada Muqdisho, kaas oo gundhiggiisu yahay dhisidda ciidamada XDS ee Danab. Waxaan Isku afgaraney xoojinta dagaalka lagula jiro Khawaarijta&#8221; ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga XFS.<\/p>\n<p>Wasiir Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in ahmiyadda is-afgaradkan uu yahay in tababbar iyo qalabeyn loo sameeyo ciidanka Danab, si loo gaaro isku filnaansho ay ciidanka xoogga dalka kula wareegi karaan guud ahaan amniga dalka.<\/p>\n<p>Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa dowladda Mareykanka uga mahadceliyay taageerada ay siiyaan dowladda Soomaaliya, gaar ahaan ciidamada Danab, isagoo intaa ku daray Wasiirku in dowladda Soomaaliya ayka go&#8217;antahay dhismaha iyo tayeynta ciidamada xoogga dalka.<\/p>\n<p>Munaasabadda ay heshiiska ku kala saxiixanayeen wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya iyo Safiirka dowladda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa waxaa goob joog ka ahaa Taliye ku-xigeenka ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Cabaas Amiin.<\/p>\n<p>Dowladda Maraykanka ayaa ka mid ah saaxiibada caalamiga ah ee Dowladda Soomaaliya ka gacan siiya dhismaha ciidamada xoogga dalka, gaar ahaan ciidanka Kumaandooska Danab.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p><img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-large wp-image-481911\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/888-1024x691.jpg\" alt=\"\" width=\"1024\" height=\"691\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/888-1024x691.jpg 1024w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/888-300x203.jpg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/888-768x518.jpg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/888-860x581.jpg 860w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/888.jpg 1080w\" sizes=\"auto, (max-width: 1024px) 100vw, 1024px\" \/> <img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-large wp-image-481912\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/666-1024x683.jpg\" alt=\"\" width=\"1024\" height=\"683\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/666-1024x683.jpg 1024w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/666-300x200.jpg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/666-768x512.jpg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/666-330x220.jpg 330w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/666-420x280.jpg 420w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/666-615x410.jpg 615w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/666-860x574.jpg 860w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/666.jpg 1079w\" sizes=\"auto, (max-width: 1024px) 100vw, 1024px\" \/> <img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-large wp-image-481913\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/445-1024x683.jpg\" alt=\"\" width=\"1024\" height=\"683\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/445-1024x683.jpg 1024w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/445-300x200.jpg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/445-768x512.jpg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/445-330x220.jpg 330w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/445-420x280.jpg 420w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/445-615x410.jpg 615w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/445-860x574.jpg 860w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/445.jpg 1079w\" sizes=\"auto, (max-width: 1024px) 100vw, 1024px\" \/><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Gaashaandhigga xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo Safiirka Maraykanka ee u fadhiya Soomaaliya Mudane Larry Andr\u00e9 ayaa magaalada Muqdisho ku kala saxiixay is-afgarad ku aadan horumarinta iyo garab istaagga ciidanka Xoogga Dalka iyo xoojinta dagaalka Khawaarijta. &#8220;Waxaan maanta aniga iyo Danjiraha Mareykanka Mudane Larry Andr\u00e9 is-afgarad ku kala saxiixanay magaalada Muqdisho, kaas [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":52,"featured_media":481914,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-481910","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/481910","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/52"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=481910"}],"version-history":[{"count":4,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/481910\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":481922,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/481910\/revisions\/481922"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/481914"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=481910"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=481910"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=481910"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}