{"id":481729,"date":"2023-03-15T13:26:02","date_gmt":"2023-03-15T10:26:02","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=481729"},"modified":"2023-03-15T13:26:44","modified_gmt":"2023-03-15T10:26:44","slug":"mareykanka-iyo-itoobiya-oo-ka-wadahadlay-hagaajinta-xiriirka-laba-dal","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/mareykanka-iyo-itoobiya-oo-ka-wadahadlay-hagaajinta-xiriirka-laba-dal\/","title":{"rendered":"Mareykanka iyo Itoobiya oo ka wadahadlay\u00a0 hagaajinta xiriirka labada dal"},"content":{"rendered":"<p>Xoghayaha arrimaha dibadda ee Dalka Mareykanka Antony Blinken ayaa magaalada Addis Ababa kula kulmay wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya, iyadoo labada dowladood ay isha ku hayaan inay hagaajiyaan xiriirka ka dib markii ay isku dhaceen sababo la xiriira dagaalkii muddo labada sano ah ka socday gobolka Tigray.<\/p>\n<p>\u201cWax badan ayaa loo baahan yahay\u00a0 in la qabto, waxana ugu muhiimsan in la sii hagaajiyo nabada ka hana qaaday waqooyiga,\u201d Blinken ayaa u sheegay suxufiyiinta ka dib kulankii maanta.<\/p>\n<p>Kulanka dhinacyadaasi kadib waxaa lagu wadaa in Blinken uu sidoo kale la kulmo ra\u2019iisul wasaare Abiy Axmed iyo hoggaamiyayaasha ciidamada Tigrayga ee dowladda federaalka kula dagaallamay dagaalladii gobollada waqooyi.<\/p>\n<p>&#8220;Waxaan leenahay xiriir soo jireen ah, waxaana la joogaa waqtigii dib loo soo nooleyn lahaa oo hore loo socon lahaa,&#8221; ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Itoobiya Demeke.<\/p>\n<p>Safarka Blinken ayaa ah kii ugu dambeeyay ee booqashooyin isdaba joog ah oo uu ku tagay qaaradda Afrika ,waxaana maamulka madaxweyne Joe Biden uu doonayaa inuu xoojiyo xiriirka uu la leeyahay wadamada qaarada iyadoo ay ku loolamayaan Shiinaha iyo Ruushka.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Xoghayaha arrimaha dibadda ee Dalka Mareykanka Antony Blinken ayaa magaalada Addis Ababa kula kulmay wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya, iyadoo labada dowladood ay isha ku hayaan inay hagaajiyaan xiriirka ka dib markii ay isku dhaceen sababo la xiriira dagaalkii muddo labada sano ah ka socday gobolka Tigray. \u201cWax badan ayaa loo baahan yahay\u00a0 in la qabto, [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":46,"featured_media":481730,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[83],"tags":[],"class_list":{"0":"post-481729","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-caalamka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/481729","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/46"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=481729"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/481729\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":481732,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/481729\/revisions\/481732"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/481730"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=481729"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=481729"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=481729"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}