{"id":481614,"date":"2023-03-14T16:20:21","date_gmt":"2023-03-14T13:20:21","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=481614"},"modified":"2023-03-14T16:23:05","modified_gmt":"2023-03-14T13:23:05","slug":"wasiirka-ganacsiga-oo-soo-xiray-shir-looga-hadlayay-hirgalinta-hannaanka-casriga-ah-ee-diiwaangalinta-ganacsiga","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/wasiirka-ganacsiga-oo-soo-xiray-shir-looga-hadlayay-hirgalinta-hannaanka-casriga-ah-ee-diiwaangalinta-ganacsiga\/","title":{"rendered":"Wasiirka ganacsiga oo soo xiray shir looga hadlayay hirgalinta hannaanka casriga ah ee diiwaangalinta ganacsiga"},"content":{"rendered":"<p>Dhuusamareeb-(SONNA)- Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS, Jibriil Cabdirashid Xaaji ayaa maanta soo xiray shir looga hadlayey hirgalinta hannaanka casriga ah ee diiwaangalinta ganacsiga oo magaalada Dhuusamareeb ka socoday maalmihii lasoo dhaafay.<\/p>\n<p>Shirkan oo u dhexeeyay Wasaaradaha Ganacsiga iyo Warshadaha ee dawladda Federaalka Soomaaliya, maamul goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir ayaa laga soo saaray qodobbo<\/p>\n<p>In la mideeyo Documentiyada ganacsiga lana qaato hal nooc oo ay bixineyso wasaaradda ganacsiga iyo Wershedaha DFS , kuwa maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir, isla markaasna ay Documentiyadu ahaadaan kuwo ka mideysan nashqadaha iyo xogta ku qoran oo ay ku kala duwanaadaan saxiixa iyo astaanta.<\/p>\n<p>In wasaaradda Ganacsiga Soomaaliya, kuwa maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir ay dib u eegis ku sameeyaan sharciga shirkadaha oo horay loo ansixiyay 2019-kii, si loogu daro qeybaha muhiimka u ah hannaanka diiwaan gelinta ganacsiyada dalka.<\/p>\n<p>In wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha DFS, Wasaaradaha Ganacsiga maamul goboleedyada iyo maamulka gobolka Banaadir ay si wada jir ah u diyaariyaan heer nidaamiyeyaasha sharciga shirkadaha iyo hannaanka loo maraayo diiwaan gelinta ganacsiyada dalka.<\/p>\n<p>In Wasaaradda ganacsiga DFS , kuwa maamul goboleedyada dalka iyo Gobolka Banaadir ay ka qeyb qaataan dib u eegista iyo horumarinta sharciga shatiyada Qaranka oo ay dhowaan wasaaradda ganacsigu kasoo celisay golaha wasiirrada XFS.<\/p>\n<p>In Wasaaradda Ganacsiga DFS ay wasaaradaha ganacsiga dowlad goboleedyada iyo maamulka gobolka Banaadir la wadaagto warbixintii qiimeynta ahayd ee laga diyaariyay diiwaan gelinta ganacsiyada kadibna aragtideeda ay ku biiriso wasaarad kasta, si loo gudo galo daadejinta hannaanka ganacsi ee Soomaaliya.<\/p>\n<p>Waxay isku raaceen wasaaradda ganacsiga iyo wershadaha Soomaaliya, kuwa dowlad goboleedyada iyo maamulka Gobolka Banaadir in la billaabo hannaanka diiwaan gelinta ganacsiyada Soomaaliya Saddex bil gudahood, laguna billaabo maamul goboleedka Jubbaland.<\/p>\n<p>In soddon maalmood gudahood lagu dhiso guddi ka kooban Sagaal xubnood oo ka kala imanaya wasaaradda ganacsiga DFS, maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadi, guddigaas oo ay shaqadiisu noqon doonto diyaarinta xeer lagu maamulo xallinta qilaafaadka ku salaysan shirkadaha isku magaca ah ee ka diiwaan gashan maamullada kala duwan ee dalka, guddigaas oo qorshe howleedkiisu uu soo dhamaytirmayo ka hor daadejinta hannaanka ganacsiyada Soomaaliya .<\/p>\n<p>Iyo in wasaaradda ganacsiga DFS ay diyaariso abla-ableynta ganacsiga hab waafaqsan jaantusyada caalamiga ah kuna salaysan tirsi lambar International Classifications Course.<\/p>\n<p>Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS, Jibriil Cabdirashid Xaaji oo soo xiray shirka ayaa tallaabo waxtar weyn u leh dalka ku tilmaamay heshiiskan ay wada gaareen wasaaradda ganacsiga, kuwa dowlad goboleedyada iyo maamulka gobolka Banaadir.<\/p>\n<p><img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-481624 size-full\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/GANACSI6.jpg\" alt=\"\" width=\"2048\" height=\"1366\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/GANACSI6.jpg 2048w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/GANACSI6-300x200.jpg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/GANACSI6-1024x683.jpg 1024w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/GANACSI6-768x512.jpg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/GANACSI6-1536x1025.jpg 1536w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/GANACSI6-330x220.jpg 330w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/GANACSI6-420x280.jpg 420w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/GANACSI6-615x410.jpg 615w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/GANACSI6-860x574.jpg 860w\" sizes=\"auto, (max-width: 2048px) 100vw, 2048px\" \/> <img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-481625 size-full\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/Ganacsi3.jpg\" alt=\"\" width=\"2048\" height=\"1366\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/Ganacsi3.jpg 2048w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/Ganacsi3-300x200.jpg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/Ganacsi3-1024x683.jpg 1024w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/Ganacsi3-768x512.jpg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/Ganacsi3-1536x1025.jpg 1536w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/Ganacsi3-330x220.jpg 330w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/Ganacsi3-420x280.jpg 420w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/Ganacsi3-615x410.jpg 615w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/Ganacsi3-860x574.jpg 860w\" sizes=\"auto, (max-width: 2048px) 100vw, 2048px\" \/> <img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-481626 size-full\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/GANACSI1.jpg\" alt=\"\" width=\"2048\" height=\"1366\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/GANACSI1.jpg 2048w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/GANACSI1-300x200.jpg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/GANACSI1-1024x683.jpg 1024w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/GANACSI1-768x512.jpg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/GANACSI1-1536x1025.jpg 1536w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/GANACSI1-330x220.jpg 330w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/GANACSI1-420x280.jpg 420w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/GANACSI1-615x410.jpg 615w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/GANACSI1-860x574.jpg 860w\" sizes=\"auto, (max-width: 2048px) 100vw, 2048px\" \/> <img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-481623 \" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/Shir.png\" alt=\"\" width=\"918\" height=\"471\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/Shir.png 754w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/Shir-300x154.png 300w\" sizes=\"auto, (max-width: 918px) 100vw, 918px\" \/> <img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-481622 size-full\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/Shir3.png\" alt=\"\" width=\"775\" height=\"400\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/Shir3.png 775w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/Shir3-300x155.png 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/03\/Shir3-768x396.png 768w\" sizes=\"auto, (max-width: 775px) 100vw, 775px\" \/><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Dhuusamareeb-(SONNA)- Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS, Jibriil Cabdirashid Xaaji ayaa maanta soo xiray shir looga hadlayey hirgalinta hannaanka casriga ah ee diiwaangalinta ganacsiga oo magaalada Dhuusamareeb ka socoday maalmihii lasoo dhaafay. Shirkan oo u dhexeeyay Wasaaradaha Ganacsiga iyo Warshadaha ee dawladda Federaalka Soomaaliya, maamul goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir ayaa laga soo saaray qodobbo [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":7,"featured_media":481621,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-481614","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/481614","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/7"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=481614"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/481614\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":481627,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/481614\/revisions\/481627"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/481621"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=481614"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=481614"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=481614"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}