{"id":481350,"date":"2023-03-12T14:19:51","date_gmt":"2023-03-12T11:19:51","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=481350"},"modified":"2023-03-12T15:46:38","modified_gmt":"2023-03-12T12:46:38","slug":"goobaha-lagu-barto-quraanka-kariimka-oo-dayac-fara-badan-uu-ka-muuqdo-warbixin","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/goobaha-lagu-barto-quraanka-kariimka-oo-dayac-fara-badan-uu-ka-muuqdo-warbixin\/","title":{"rendered":"Qaar ka mid Goobaha lagu barto Qur&#8217;aanka Kariimka oo dayac fara badan uu ka muuqdo (Warbixin)"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho.(SONNA):- Aaska-aaska nolosha carruurnimada Soomaalida waa waxa ay waligeedba\u00a0 ahayd mid barashada Qur\u2019aanka Kariimka muhiimad gaar ah lagu siiyo, waana sababta adduunyadu ugu taqaanno \u201c Soomaalida Ahlu Qur\u2019aan\u201d.<\/p>\n<p>Balse, marka aad joogto goobaha waxbarasho ee carruurteennu ay wax ku baranayaaan gaar ahaan goobaha lagu barto Qur\u2019aanka kariimka ah, waxaad arkeysaa in ay ka duwan yihiin goobaha kale ee da\u2019yarteennu ku baranayaan waxbarashada Maadiga ah qaab ahaan iyo sidoo kale, dhisma ahaanba.<\/p>\n<p>\u201c Jaamacaddu in ay qurxoonaato, iskuulka inuu qurxoonaado, meel dadka indhahooda iyo qalbigooda soo jiidanaayo wax lagu barto oo lagu farxo in ay noqoto waa fiican tahay, laakiin cagsigeeda, Dugsiyadeennu inn ay\u00a0 jidka ku dhex yaalaan ma ahan, Dugsi Qur\u2019aanku inuu jidka ku dhex yaalo ma ahan, asna waa inuu qurxoonaadaa, oo nadiif noqdaa, oo dad meel isugu yimid wixii ay lahaan lahaayeen waa inuu yeeshaa,\u201d ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh oo ahmiyad gaar ah siinayay goobaha lagu barto Diinteenna Islaamka.<\/p>\n<p>Qaar ka mid ah macallimiinta Dugsiyada Qur\u2019aanka Kariimka ah wax ka \u00a0dhigo ayaa iyagana wax laga weydiiyay\u00a0 waxa ay la kulmaan dayaca ka muuqda Dugsiyada Qur\u2019aanka Kariimka ah iyo marka uu roobka da\u2019ayo?. Mid ka mid ah Macallimiinta wax ka dhiga Dugsiyada Qur&#8217;aanka magaalada Muqdisho oo ka Jawaabayay Su&#8217;aashi ayaa Yiri:-<\/p>\n<p>\u201c Maadaama iskuulada loo dhiso dabaqyo waxna lagu barto, Dugsiyadana ay ku yaalaan waddooyinka oo mararka qaar haddii maanta uu roob da\u2019o, dhowr iyo labaatan maalmood aan Qur\u2019aan laga dhigeynnin, sidaasi daraateed, waxaana dowladda federaalka ka codsaneynaa, Dugsiyada Qur\u2019aanka Kariimka ah in ay goobo loogu talagalay oo fiican u dhisto,\u201d.<\/p>\n<p>Cumar Yare oo ka mid ah carruurta yar yar ee wax ka barto mid ka mid ah Dugsiga Qur\u2019aanka Kariimka ee magaalada Muqdisho ayaa shacabka Soomaaliyeed ka dalbaday in ay wax ka bedelaan Dugsigiisa oo si hagaagsan aan u dhisneyn.<\/p>\n<p>Dhanka kale, qaar ka mid ah shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay muhiim tahay in xil gaar ah la iska saaro loona istaago Dugsiyada Qur\u2019aanka Kariimka ah sidii loo dhisi lahaa si carruurta ugu suurta gasho in ay si wanaagsan u bartaan Qur\u2019aanka Kariimka oo ah Kallaamka Eebe.<\/p>\n<p>Dowladda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa balan qaaday horumarinta iyo ka warqabka goobaha lagu barto Diinta Islaamka sida Dugsiyada Qur&#8217;aanka Kariimka ah, lana dhiirageliyo carruurta dhibaateysan ee isugu jira Agoonta iyo kuwa taagta daran ee aan awoodin in ay wax-bartaan.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho.(SONNA):- Aaska-aaska nolosha carruurnimada Soomaalida waa waxa ay waligeedba\u00a0 ahayd mid barashada Qur\u2019aanka Kariimka muhiimad gaar ah lagu siiyo, waana sababta adduunyadu ugu taqaanno \u201c Soomaalida Ahlu Qur\u2019aan\u201d. Balse, marka aad joogto goobaha waxbarasho ee carruurteennu ay wax ku baranayaaan gaar ahaan goobaha lagu barto Qur\u2019aanka kariimka ah, waxaad arkeysaa in ay ka duwan yihiin [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":41,"featured_media":481351,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[82],"tags":[],"class_list":{"0":"post-481350","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-maqaallada"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/481350","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/41"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=481350"}],"version-history":[{"count":5,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/481350\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":481362,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/481350\/revisions\/481362"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/481351"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=481350"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=481350"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=481350"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}