{"id":481219,"date":"2023-03-11T14:34:31","date_gmt":"2023-03-11T11:34:31","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=481219"},"modified":"2023-03-11T15:19:56","modified_gmt":"2023-03-11T12:19:56","slug":"golaha-shacabka-oo-ansixiyay-labo-sharci-oo-muhiim-ah","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/golaha-shacabka-oo-ansixiyay-labo-sharci-oo-muhiim-ah\/","title":{"rendered":"Golaha Shacabka oo Ansixiyay labo sharci oo muhiim ah"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho.(SONNA):- Wasiirka wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Macallin Maxamuud ayaa maanta hor geeyay golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda federaalka xubnaha gudiga madaxa bannaan ee dib u eegista iyo hirgelinta Dastuurka KMG ah oo ay dhawaan ay soo gudbiyeen golaha wasiirada xukuumadda.<\/p>\n<p>Xubnahan oo ka kooban shan xubnood ayaa golaha waxay u qaadeen cod, waxayna ku ansixiyeen cod aqlabiyad ah, iyadoo aysan jirin mudane diiday ama ka aamusay.<\/p>\n<p>Ansixinta ka dib, wasiirka wasaarada Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS mudane Xasan Macalin Maxamuud ayaa u mahadceliyay xildhibanada golaha shacabka sida aqlabiyada leh ay u ansixiyeen xubnaha guddiga madax bannaan ee dib u eegista iyo hirgelinta Dastuurka oo ay soo gudbisay wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka.<\/p>\n<p>Xubnaha la ansixiyay ayaa kala ah:<\/p>\n<ol>\n<li>Maxamed Xasan Idiris<\/li>\n<li>Axmed Maxamuud Jaamac<\/li>\n<li>Maxamed Cabdalla Saalax<\/li>\n<li>Farxiya Muumin Cli<\/li>\n<li>Burhan Aadan Cumar<\/li>\n<\/ol>\n<p>Dhanka kale, Xildhibaanada golaha shacabka ayaa maanta ansixiyay hindise-sharciyeedka\u00a0 horumarinta iyo maareynta Kalluumaysiga Soomaaliyeed, waxaana ogolaatay 142, halka hal xildhibaan uu ka aamusay. Sharicigan ayaa waxaa soo gudbiyay Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga xukuumadda federaalka Soomaaliya.<\/p>\n<p>Wasiirka wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga Mudane Axmed Xassan Aadan ayaa uga mahadceliyay xildhibanada golaha shacabka sida aqlabiyada leh ay u ansixiyeen sharcigan oo muhiim u ah kor u qaadista Kheyraadka dalkeenna.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho.(SONNA):- Wasiirka wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Macallin Maxamuud ayaa maanta hor geeyay golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda federaalka xubnaha gudiga madaxa bannaan ee dib u eegista iyo hirgelinta Dastuurka KMG ah oo ay dhawaan ay soo gudbiyeen golaha wasiirada xukuumadda. Xubnahan oo ka kooban shan xubnood ayaa golaha waxay u qaadeen [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":41,"featured_media":481220,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-481219","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/481219","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/41"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=481219"}],"version-history":[{"count":7,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/481219\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":481228,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/481219\/revisions\/481228"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/481220"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=481219"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=481219"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=481219"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}