{"id":480848,"date":"2023-03-08T09:20:27","date_gmt":"2023-03-08T06:20:27","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=480848"},"modified":"2023-03-08T09:20:27","modified_gmt":"2023-03-08T06:20:27","slug":"marwada-madaxweynaha-oo-u-hambalyo-ku-aaddan-8-da-maarso-u-dirtay-haweenka-soomaaliyeed","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/marwada-madaxweynaha-oo-u-hambalyo-ku-aaddan-8-da-maarso-u-dirtay-haweenka-soomaaliyeed\/","title":{"rendered":"Marwada madaxweynaha oo u hambalyo ku aaddan 8-da Maarso u dirtay Haweenka Soomaaliyeed"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho-(SONNA)-Marwada Madaxweynaha JFS Maamo, Qamar Cali Cumar ayaa haweenka Soomaaliyeed ugu hambalyeysay munaasabadda 8-da Maarso oo dunida oo dhan looga dabaal-dego maanta oo kale, iyadoo haweenka ka balan qaaday in door muuqda ay ku yeela doonto sidii ay qoondadooda uga heli lahaayeen hey&#8217;adaha kala duwan ee dowladda.<\/p>\n<p>Maamo Qamar Cali Cumar ayaa sheegtay in haweenka Soomaaliyeed ay door muuqda kasoo qaateen hanaanka dowlad-dhiska dalkeenna iyo samata bixinta dadkeenna oo kasoo kabanaya marxaladihii burburka.<\/p>\n<p>Sidoo kale Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Qamar Cali Cumar ayaa ku bogaadisay guud ahaan dumarka Soomaaliyeed inay muujiyaan isku duubni iyo garab istaagga dowladnimada, waxayna xuska Munaasabadda 8-Maarso awgeed ku baraarujineysaa inay sii wadaan dadaalkooda iyo taageerada ay la garab taagan yihiin ciidamada qaranka oo dagaal kula jira kooxaha Khawaarijta ah.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho-(SONNA)-Marwada Madaxweynaha JFS Maamo, Qamar Cali Cumar ayaa haweenka Soomaaliyeed ugu hambalyeysay munaasabadda 8-da Maarso oo dunida oo dhan looga dabaal-dego maanta oo kale, iyadoo haweenka ka balan qaaday in door muuqda ay ku yeela doonto sidii ay qoondadooda uga heli lahaayeen hey&#8217;adaha kala duwan ee dowladda. Maamo Qamar Cali Cumar ayaa sheegtay in haweenka [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":7,"featured_media":480849,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-480848","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/480848","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/7"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=480848"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/480848\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":480850,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/480848\/revisions\/480850"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/480849"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=480848"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=480848"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=480848"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}