{"id":480687,"date":"2023-03-06T16:39:34","date_gmt":"2023-03-06T16:39:34","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=480687"},"modified":"2023-03-06T16:39:34","modified_gmt":"2023-03-06T16:39:34","slug":"wasiirka-maaliyadda-soomaaliya-oo-dooxa-kula-kulmay-dhiggiisa-qatar","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/wasiirka-maaliyadda-soomaaliya-oo-dooxa-kula-kulmay-dhiggiisa-qatar\/","title":{"rendered":"Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo Dooxa kula kulmay dhiggiisa Qatar"},"content":{"rendered":"<p>Wasiirka maaliyadda xukumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa magaalada Dooxa ee dalka Qatar kulan muhiim ah kula yeeshay wasiirka maaliyadda dowladda Qatar Cali bin Axmed Al-kuwari.<\/p>\n<p>Shirka ay yeesheen wasiirka maaliyadda Soomaaliya iyo dhiggiisa Qatar ayaa looga hadlay horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya iyo dadaalada barnaamijka deyn cafinta Soomaaliya.<\/p>\n<p>Wasiirka maaliyadda Soomaaliya ayaa dhiggiisa Qatar warbixin ka siiyey heerka uu marayo hannnaanka dib-u-habeynta maaliyadda Soomaaliya iyo dadaalada deyn cafinta.<\/p>\n<p>Wasiirka maaliyadda Qatar ayaa soo dhaweeyey dadaalada dowladda Federaalka Soomaaliya ee dib u habeynta maaliyadda iyo dadaalada ay ugu jirto in laga cafiyo deymaha lagu leeyahay.<\/p>\n<p>&#8221; Waxa aan maanta magaalada Dooxa ee xarunta dalka Qatar kulan miro-dhal ah kula yeeshay dhiggayga easiirka maaliyadda dowladda Qatar mudane Cali bin Acmed Al-kuwari.<\/p>\n<p>Waxa aan ka wada hadalnay arrimo badan oo quseeya Horumarka dhaqaalaha Soomaaliya, waxaana ka mid ahaa, qorshaha dib u habeynta hannaanka Maaliyadda Soomaaliya iyo xoojinta xiriirka iskaashiga dhaqaalaha Qatar iyo Soomaaliya&#8221;. Ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Wasiirka maaliyadda xukumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa magaalada Dooxa ee dalka Qatar kulan muhiim ah kula yeeshay wasiirka maaliyadda dowladda Qatar Cali bin Axmed Al-kuwari. Shirka ay yeesheen wasiirka maaliyadda Soomaaliya iyo dhiggiisa Qatar ayaa looga hadlay horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya iyo dadaalada barnaamijka deyn cafinta Soomaaliya. Wasiirka maaliyadda Soomaaliya ayaa dhiggiisa Qatar [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":47,"featured_media":480688,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[83,94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-480687","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-caalamka","8":"category-gudaha","9":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/480687","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/47"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=480687"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/480687\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":480689,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/480687\/revisions\/480689"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/480688"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=480687"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=480687"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=480687"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}