{"id":479534,"date":"2023-02-26T11:30:34","date_gmt":"2023-02-26T11:30:34","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=479534"},"modified":"2023-02-26T12:26:25","modified_gmt":"2023-02-26T12:26:25","slug":"wasiir-ku-xigeenka-warfaafinta-xfs-oo-maanta-daah-furay-tartanka-hirgeli-hibadaada","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/wasiir-ku-xigeenka-warfaafinta-xfs-oo-maanta-daah-furay-tartanka-hirgeli-hibadaada\/","title":{"rendered":"kusimaha Wasiirka ahna Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS oo maanta daah furay tartanka Hirgeli Hibadaada"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho(SONNA):-.Kusimaha Wasiirka ahna\u00a0Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaalla ayaa maanta daah furay, tartanka \u201cHirgeli Hibadaada\u201d oo ay suugaanleeyda Soomaaliyeed ku soo bandhigi doonaan hibo faneedkooda.<\/p>\n<p>Wasiir ku-xigeenka warfaafinta Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaalla oo ka hadlay madasha furitaanka tartanka \u201cHirgeli Hibadaada\u201d ayaa sharxay u jeedka tartankan.<\/p>\n<p>\u201cUjeedka Tartan faneedka \u201chirgeli Hibadaada\u201d waxa uu yahay in Bahda Afmaalka ahi ay soo bandhigaan suugaanta ku saabsan wadaniyadda, maslaxadda Ummadda Soomaaliya, tilmaamidda hagardaamada khawaarijta oo dhibaato badan ka geysatay dalkeenna, iyo in ay Suugaanleeyda ay cabir guud ka bixiyaan sida aan u ilaashan karno dhaxalkeenna oo ay ka mid yihiin, Diinteenna suuban, ciideenna, calankeenna iyo Xuduudeenna<\/p>\n<p>Mudane Cabdiraxmaan Al-cadaala ayaa intaas ku sii daray in uu madaxweynaha JFS abaal marinayo cid alaale cidii ku guuleysata kaalimaha sar sare ee tartanka.<\/p>\n<p>Sidoo kale Wasiir Alcadaala ayaa tilmaamay in Khawaarijtu gumaad xun u geysatay muwaadiniinta Soomaaliyeed, iyagoo gabaad ka dhiganayo Diinta islaamka, wuxuu dhanka kale, tibaaxay in araggaxisadu ku dambeyn doonaan halaag iyo qooma-mayn.<\/p>\n<p>\u201c Waxaan ognahay in ay khawaarij yihiin,ayna waajib nagu tahay in aan u midoowno, suugaantana sida ay gumeystihii Qarnigii 20-aad ay ula dagaashay ayay hadda ula dagaalamaysaa Maleeshiyaadka khawaarijta, waana ka adkaaneynaa, waxa ay dadka uu diideen in masaajida lagu dukado, laakiin maanta Alle mahaddii iyaga ayaa gacan ku ganbasho ah\u201d ayuu yiri wasiir ku-xigeenka warfaafinta Soomaaliya.<\/p>\n<p>Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala ayaa sheegay in ay qorsheynayaan in Tiyaartaka Qaranka lagu dhigo Tartanka Qur\u2019aanka kariimka iyo barnaamijyo kale oo dadka lagu wacyi-gelinayo.<\/p>\n<p>\u201cMarka waxaad ogaataan in aan camalkeynu u niyaysano Cibaado, khawaaritu diin malaha, in la dilo ama ay wax dilaan, shahaado iyo janno ayaa lagu gaarayaa, waxaan ammaanayaa kaalinta ay faaaniinta qaranka ka qaadanayaan dagaalka lagu cirib tirayo khawaarijta gabalkeeda sii dhacayo\u201d.Ayuu yiri wasiir Cadaala.<\/p>\n<p>Madasha waxaa goobjoog ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaraadda Warfaafinta, Cabdullaahi Xayir Ducaale, Maareeyaha Tiyaatarka Qaranka Abwaan Cusmaan Cabdullaahi Guure, Agaasimaha\u00a0 Wakaaladda Wararka SONNA,\u00a0 Guddoomiyaha Abwaanada Soomaaliyeed Abwaan Xirsi Dhuux, Maareeyihiii hore ee Tiyaatarka Qaranka Abwaan Cabdi Dhuux,\u00a0 Abwaan Saciid Maxmed Harrawo, Abwaan Yaasiin sheekh Salaad iyo kooxda Waabari.<\/p>\n<p><img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-479541\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/kaas-lllllll-1-300x172.png\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"172\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/kaas-lllllll-1-300x172.png 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/kaas-lllllll-1-1024x589.png 1024w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/kaas-lllllll-1-768x441.png 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/kaas-lllllll-1-696x400.png 696w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/kaas-lllllll-1-1068x614.png 1068w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/kaas-lllllll-1-731x420.png 731w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/kaas-lllllll-1.png 1122w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/> <img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-479542\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/Capture-11-300x175.jpg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"175\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/Capture-11-300x175.jpg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/Capture-11-1024x598.jpg 1024w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/Capture-11-768x449.jpg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/Capture-11-1536x897.jpg 1536w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/Capture-11-696x407.jpg 696w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/Capture-11-1068x624.jpg 1068w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/Capture-11-719x420.jpg 719w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/Capture-11.jpg 1587w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/> <img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-479543\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/Capture-33-300x173.jpg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"173\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/Capture-33-300x173.jpg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/Capture-33-1024x590.jpg 1024w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/Capture-33-768x443.jpg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/Capture-33-1536x885.jpg 1536w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/Capture-33-696x401.jpg 696w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/Capture-33-1068x616.jpg 1068w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/Capture-33-729x420.jpg 729w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/Capture-33.jpg 1556w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/> <img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-479544\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/Capture-300x168.jpg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"168\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/Capture-300x168.jpg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/Capture-1024x574.jpg 1024w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/Capture-768x430.jpg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/Capture-1536x861.jpg 1536w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/Capture-696x390.jpg 696w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/Capture-1068x598.jpg 1068w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/Capture-750x420.jpg 750w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/Capture.jpg 1692w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/> <img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-479545\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/Capture1-300x168.jpg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"168\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/Capture1-300x168.jpg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/Capture1-1024x575.jpg 1024w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/Capture1-768x431.jpg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/Capture1-1536x862.jpg 1536w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/Capture1-696x390.jpg 696w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/Capture1-1068x599.jpg 1068w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/Capture1-749x420.jpg 749w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/Capture1.jpg 1622w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho(SONNA):-.Kusimaha Wasiirka ahna\u00a0Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaalla ayaa maanta daah furay, tartanka \u201cHirgeli Hibadaada\u201d oo ay suugaanleeyda Soomaaliyeed ku soo bandhigi doonaan hibo faneedkooda. Wasiir ku-xigeenka warfaafinta Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaalla oo ka hadlay madasha furitaanka tartanka \u201cHirgeli Hibadaada\u201d ayaa sharxay u jeedka tartankan. \u201cUjeedka Tartan [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":44,"featured_media":479541,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-479534","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/479534","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/44"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=479534"}],"version-history":[{"count":8,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/479534\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":479559,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/479534\/revisions\/479559"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/479541"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=479534"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=479534"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=479534"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}