{"id":479475,"date":"2023-02-26T07:09:35","date_gmt":"2023-02-26T07:09:35","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=479475"},"modified":"2023-02-26T07:09:35","modified_gmt":"2023-02-26T07:09:35","slug":"xuseen-axmed-colaad-qoriga-waxaan-u-qaatay-si-aan-khawaarijta-uga-aargutowarbixin","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/xuseen-axmed-colaad-qoriga-waxaan-u-qaatay-si-aan-khawaarijta-uga-aargutowarbixin\/","title":{"rendered":"Xuseen Axmed Colaad&#8221; Qoriga waxaan u qaatay si aan Khawaarijta uga aarguto&#8221;,(Warbixin)"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho.(SONNA):- Hagardaamada iyo ficillada guracan ee kooxda Khawaarijta Al-shabaab ma joojin howlgallada ka dhanka ah\u00a0 ee lagu dabar-jarayo, kuwaas oo hadda si dardar leh uga socda deegaannada fara ku tiriska ah ee ay weli kusii dhuumaalaysanayaan.<\/p>\n<p>Xuseen Axmed Colaad waxa uu qoriga u qaatay ka dhiidhinta dhibaatooyin loo geystay qoyskiisa oo kooxaha argagixisada ah ay ka dhaceen dhammaan xoolihii ay lahaayeen.<\/p>\n<p>\u201c Waxay ii geysteen dhiibaato badan, xoolihii adeerkey wey dhaceen, bil kasta waxaa laga qaadaa baad iyo waxyaabo aan macquul ahayn, waxaana maanta qoriga u soo qaatay inaan ka dhiciyo waalidkey iyo awoowahay xoolihii laga qaatay inaan kasoo dhacsado Al-shabaab, anigoo u dagaalamaya ciidamada deegaanka, halkan waxaan ka soo jeedinayaa, anigoo ku hadlaya Afka Macaawisleyda in la iska dhiciyo nimankan waxaan xabad ahayn malahan,\u201d.<\/p>\n<p>Ganeey Colow wuxuu Lixaadkiisa ku waayay dagaal uu la galay kooxda Khwaarijta welina waa uu sii baacsanayaa, sidoo kale, halgamaa Ganeey wuxuu qeyb ka ahaa saraakiishii hoggaamineysay duulaankii\u00a0 lagu xorreeyay degmada Ceeldheere iyo deegaanno hoos yimaado sida Masagawaa.<\/p>\n<p>Warbaahinta qaranka ayaa ku booqatay difaacyada hore ee Masagawaa, wuxuuna sheegay inuusan marnaba joojin doonin dagaalka ka dhanka ah Kooxda argagixisada ah ilaa laga xorreeyo dalka oo dhan.<\/p>\n<p>\u201c Meel ay ka taliyaan Al-shabaab, sheydaamintaas Khawaarijta ah iyo cid ay u taliyaan\u00a0 iyo cid ay baad ka qaadaan ma jiri doonaan inshallah inta ay naf nagu jirto, aniga dhaawacooda ayaan qabaa, cabsi-doodana ima hayso cawana kuma seexan maalina kuma seexan, haddana kuma joogo, waxaan leeyahay marka walaalayaalow walaal ma tihiinee waraabaa tihiin ummaddan loo soo dirayee, meeshii aad ka timadeen aada, dalkan iyo dadkan dadkii lahaa waa ay kaceen, madaxweynihii wuu ku dhiirageliyay dalkan in laga xorreeyo Khawaarij,\u201d.<\/p>\n<p>Sidoo kale, wuxuu sheegay in go\u2019aankii madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee ahaa in la ciribtiro Khawaariijta uu ku daray ficil , taasina ay sabab u noqotay in la wiiqo awoodii kooxda oo goobihii laga saaray dhammaantood ka dhigtay meel asaagood ka haray oo ay ka muuqdaan burbur iyo baaba\u2019.<\/p>\n<p>\u201c Waxaan Allaah (SWT) uga mahadcelineynaa gaar ahaan madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Mudane Xasan Sheekh Maxamuud\u00a0 ficilka iyo qowlka oo uu iswaafujiyay, madaxdii ka horeysay waxay dhihi jirtay waa lala dagaallaa Al-shabaab, waxay ka ahayd Af, laakiin isaga wuxuu ku daray Ficil,\u201d.<\/p>\n<p>Dhanka kale, Ganeey wuxuu wacad ku maray in ay sanadkan ku soo afjari doonaan Kooxaha Khawaarijta ee ku sugan bariga gobolka Galguduud iyo guud ahaan dalka.<\/p>\n<p>\u201c Bilaha soo socda sanadkan, bilaha ugu horeeya, waxaana rajeynayaa in meel ay ka taliyaan iy cid ay u taliyaan iyo cid ay baad ka qaataan Al-shabaab in aysan dhici doonin, inta ay naf nagu jirto, Illaahayna waxaan ka rajeyneynaa mar walba nasriga iyo guusha inuu na siiyo, waana nasiinayaa waana helaynaa, maxaa yeelay waxaan ku taagannahay xaqa,\u201d ayuu yiri Ganeey.<\/p>\n<p>Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa dib u xoreynta deegaanka waxay sabab u noqdeen in cagta la mariyo saldhigyadii ugu waa weynaa ee Kooxda Khawaarijta ay ku lahayd gobollada Shabeellaha Dhexe, Galgaduud, Mudug, iyo qeybo badan oo ka mid ah Shabeellaha Hoose.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho.(SONNA):- Hagardaamada iyo ficillada guracan ee kooxda Khawaarijta Al-shabaab ma joojin howlgallada ka dhanka ah\u00a0 ee lagu dabar-jarayo, kuwaas oo hadda si dardar leh uga socda deegaannada fara ku tiriska ah ee ay weli kusii dhuumaalaysanayaan. Xuseen Axmed Colaad waxa uu qoriga u qaatay ka dhiidhinta dhibaatooyin loo geystay qoyskiisa oo kooxaha argagixisada ah ay [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":41,"featured_media":473630,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,82,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-479475","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-maqaallada","9":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/479475","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/41"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=479475"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/479475\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":479476,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/479475\/revisions\/479476"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/473630"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=479475"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=479475"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=479475"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}