{"id":479009,"date":"2023-02-21T13:22:19","date_gmt":"2023-02-21T13:22:19","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=479009"},"modified":"2023-02-21T16:01:02","modified_gmt":"2023-02-21T16:01:02","slug":"munaasabad-lagu-xusayay-maalinta-afka-hooyo-ayaa-maanta-lagu-qabtay-muqdisho","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/munaasabad-lagu-xusayay-maalinta-afka-hooyo-ayaa-maanta-lagu-qabtay-muqdisho\/","title":{"rendered":"Munaasabad lagu xusay maalinta afka hooyo ayaa maanta lagu qabtay Muqdisho"},"content":{"rendered":"<p>Munaasabad lagu xusayay maalinta afka hooyo ayaa maanta lagu qabtay xarruunta Akadeemiye Goboleedka Afka Soomaaliga AGA.<\/p>\n<p>Munaasabadda ayaa waxaa ka soo qeyb galay mas\u2019uuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya, Mamulka Gobolka Banaadir, aqoon yahano ku xeel dheer Afka Soomaaliya<\/p>\n<p>Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka Xuseen Sheekh oo ka hadlay Munaasabadda ayaa adkeeyay in ilaalinta Af Soomaaliga in uu ku jiro Hormarkeena iyo jiritaankeenna Ummadda.<\/p>\n<p>Sidoo kale, Mas\u2019uuliyiin iyo aqoon yahoo kale oo ka hadlay kulanka ayaa isku raacay in loo baahan yahay sidii loo dardar galin tayeynta Afka soomaaliga.<\/p>\n<p>Sanad kasta 21 bisha Febraayo waxaa dunida oo dhan laga xusaa maalinta Afka hooyo si sare loogu qaado ku hadalka afafka badan ee dunida ka jira..<\/p>\n<p>Maalintaan\u00a0 caalamiga ah waa xus sanadle ah oo loola jeedo sidii kor loogu qaadi lahaa wacyiga ku saabsan kala duwanaanshaha xagga\u00a0 luqadaha , dhaqanka iyo guud ahaan horumarinta adeegyada lagama maarmaanka u ah kobcinta\u00a0 afafka oo dhan.<\/p>\n<p>Markii ugu horreysay maalintaan caalamiga ah waxaa 17-kii Noofambar 1999 ku dhawaaqay hey\u2019adda UNESCO ee qaabilsan waxbarashada,seyniska iyo dhaqanka,hasa yeeshee 2008-dii waxaa loo aqoonsaday Sannadka Caalamiga ah ee Luuqadaha,ka dib kolkii sanadihii u dhaxeeyay 2002-2007-dii ay soo baxeen qaraarro iyo bayaan\u00a0 lagu aqoonsanaayo maalintaasi.<\/p>\n<p><img decoding=\"async\" src=\"https:\/\/scontent.fmgq1-2.fna.fbcdn.net\/v\/t39.30808-6\/329414254_683801600153802_706638754332193690_n.jpg?stp=cp6_dst-jpg&amp;_nc_cat=100&amp;ccb=1-7&amp;_nc_sid=8bfeb9&amp;_nc_ohc=58f1M5xCPl4AX9HVKPB&amp;_nc_ht=scontent.fmgq1-2.fna&amp;oh=00_AfDN-HRFSnSKaFddkt1EMqWG2mILWr4KSDIlggZPxpHmwg&amp;oe=63FA9CA5\" alt=\"Waxay noqon kartaa sawirka qoraal odhanaya 'ECOBOLECO.OR AGA Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga (AGA) Intergovernmenta Academy of Somali Language Xuska maalinta caalamiga ee afka hooyo Dardargelinta iyo tayaynta dib u adeegsiga Af Soomaaliga ee maamulka iyo waxbarashada 21-ka Febraayo'\" \/><\/p>\n<p><img decoding=\"async\" src=\"https:\/\/scontent.fmgq1-2.fna.fbcdn.net\/v\/t39.30808-6\/332214985_606329128005430_7795698296616437370_n.jpg?_nc_cat=111&amp;ccb=1-7&amp;_nc_sid=8bfeb9&amp;_nc_ohc=UxGtpf1jAowAX-FVE3w&amp;_nc_ht=scontent.fmgq1-2.fna&amp;oh=00_AfAL4Dm7_L7nq5MFWcdpgct82Vn91DIcl-58mLgsAbbvBQ&amp;oe=63F9F6E6\" alt=\"Waxay noqon kartaa sawirka 1 qof\" \/><\/p>\n<p><img decoding=\"async\" src=\"https:\/\/scontent.fmgq1-2.fna.fbcdn.net\/v\/t39.30808-6\/332485400_759011082013725_551100803500738881_n.jpg?_nc_cat=111&amp;ccb=1-7&amp;_nc_sid=8bfeb9&amp;_nc_ohc=q53fwA9eeX4AX-gEIk8&amp;tn=Yf7Y4rQo6p-X1fR5&amp;_nc_ht=scontent.fmgq1-2.fna&amp;oh=00_AfD2MxJXAhAxWUtoLWoGJyJgcr5Vrv9XfNXYfI-Gcw1XtQ&amp;oe=63FABC00\" alt=\"Waxay noqon kartaa sawirka 7 qof, dad fadhiya, dad taagan iyo gudaha\" \/><\/p>\n<p><img decoding=\"async\" src=\"https:\/\/scontent.fmgq1-2.fna.fbcdn.net\/v\/t39.30808-6\/332112954_928194951865719_5229744733910176679_n.jpg?_nc_cat=100&amp;ccb=1-7&amp;_nc_sid=8bfeb9&amp;_nc_ohc=v1VbmAreuM0AX9ylLwc&amp;_nc_ht=scontent.fmgq1-2.fna&amp;oh=00_AfD_eKc8u3o-hitZZfv-2GD4g-ngiFe98VKK_TLKIl08XA&amp;oe=63F9B4F7\" alt=\"Waxay noqon kartaa sawirka 8 qof iyo dad fadhiya\" \/><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Munaasabad lagu xusayay maalinta afka hooyo ayaa maanta lagu qabtay xarruunta Akadeemiye Goboleedka Afka Soomaaliga AGA. Munaasabadda ayaa waxaa ka soo qeyb galay mas\u2019uuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya, Mamulka Gobolka Banaadir, aqoon yahano ku xeel dheer Afka Soomaaliya Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka Xuseen Sheekh oo ka hadlay Munaasabadda ayaa adkeeyay in ilaalinta Af Soomaaliga [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":32,"featured_media":479010,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-479009","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/479009","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/32"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=479009"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/479009\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":479012,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/479009\/revisions\/479012"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/479010"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=479009"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=479009"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=479009"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}