{"id":478892,"date":"2023-02-21T05:54:52","date_gmt":"2023-02-21T05:54:52","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=478892"},"modified":"2023-02-21T10:32:18","modified_gmt":"2023-02-21T10:32:18","slug":"xuska-maalinta-caalamiga-ah-ee-afka-hooyo","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/xuska-maalinta-caalamiga-ah-ee-afka-hooyo\/","title":{"rendered":"Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Afka Hooyo"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho(SONNA):-Shucuubta ku dhaqan dalalka caalamka aya maanta u dareeray xuska maalinta 21-ka Febraayo oo ah munaasabad muhiim ah oo loo dabaaldego maalinta Caalamiga ah ee afafka dunida.<\/p>\n<p>Maalintaan\u00a0 caalamiga ah waa xus sanadle ah oo loola jeedo sidii kor loogu qaadi lahaa wacyiga ku saabsan kala duwanaanshaha xagga\u00a0 luqadaha , dhaqanka iyo guud ahaan horumarinta adeegyada lagama maarmaanka u ah kobcinta\u00a0 afafka oo dhan.<\/p>\n<p>Markii ugu horreysay maalintaan caalamiga ah waxaa 17-kii Noofambar 1999 ku dhawaaqay hey\u2019adda\u00a0UNESCO ee qaabilsan waxbarashada,seyniska iyo dhaqanka,hasa yeeshee 2008-dii waxaa loo aqoonsaday Sannadka Caalamiga ah ee Luuqadaha,ka dib kolkii sanadihii u dhaxeeyay 2002-2007-dii ay soo baxeen qaraarro iyo bayaan \u00a0lagu aqoonsanaayo maalintaasi<\/p>\n<p>Muhiimadda xuska 21-ka febraayo ayaa ah in dowladaha caalamka ay u howlgalaan ilaalinta in ka badan lix kun oo luqadood,xoojinta midnimada bulshada,tixgelinta qeybaha luqadaha iyo wanaajinta xiriirka dunida, iyada oo loo marayo dhanka afafka iyo dhaqamada<\/p>\n<p>Haddaba,\u00a0dadka Soomaaliyeed,waxa ay ka mid yihiin shucuubta caalamka ee maanta u dabbaaldegaya xuska munaasabadda maalinta 21-ka Febraayo oo ah maalin ku weyn dunida oo dhan.<\/p>\n<p>Afka ama luqaddu waa adeegga ugu muhiimsan nidaamka nololeed ee aadanaha,\u00a0wuxuuna door weyn ka ciyaaraa xoojinta iskaashiga \u00a0iyo is dhexgalka bulshada ,ilaalinta hiddaha iyo dhaqanka iyo\u00a0isku xirka howlaha iyo waxqabadka kale ee ay wadaagaan guud ahaan dadyoowga dunida.<\/p>\n<p>Bishii Oktoobar Sanadkii \u00a021kii 1972-dii waa markii ugu horeysay ee lagu dhawaaqo qoraalka Afka Soomaaaliga,waxaana muddo sanad ah lagu diyaariyay\u00a0qaamuus ,buugag iyo manhajyo ku qoran\u00a0afka\u00a0Somaaliga,iyadoo\u00a0isbeddel kooban lagu sameeyay xuruuftii laatiinka ee la qaatay,sida nidaamka xarfaha, shaqallada iyo shibbanayaasha.<\/p>\n<p>Sidoo kale,21-kii \u00a0Jannaayo 1973-dii,waxaa dalka Soomaaliya ka soo baxay wargeys ku hadlaya afka Soomaaliga, waxaana \u00a0la helay Manhaj waxbarasho oo loo adeegsado dugsiyada dalka,isla markaana xambaarsan,aqoonta cilmiga maadiga ah, dhaqanka iyo taariikhda bulsho ee Soomaaliyeed.<\/p>\n<p>Af Soomaaligu waa luqad qara weyn oo looga hadlo dalalka Geeska Afrika, waana dhaxal ay leeyihiin dad ku dhow 30-milyan oo ku kala baahsan dalalka Jabuuti,Itoobiya,Kenya iyo gudaha Soomaaliya.<\/p>\n<p>Haddii la helo manhaj ku qoran afka Hooyo,,adeegyo waxbarasho oo lacag la\u2019aan ah iyo isdhexgal bulsho,waxaa cad in ay\u00a0imaan karaan koboc dhanka Afka ah iyo aqoon\u00a0waxbarashoo oo tayeysan.<\/p>\n<p>Sidoo kale ,waxaa muhiim ah in bulshada lagu baraarujiyo qoraalka afka,\u00a0isla markaan loo fududeeyo helitaanka adeegyadaasi oo ah \u00a0nidaanka\u00a0kaliya ee\u00a0lagu ilaalin karo in uusan dabar go\u2019in Afka Hooyo.<\/p>\n<p>Haddaba,Wasiirka Warfaafinta XFS Mudane Daa\u2019uud Aweys Jaamac,Wasiir ku xigeenka Mudane C\/raxmaan Yuusuf Al-Caddaala iyo Agaasimaha Guud ee Warfaafinta Mudane C\/Laahi Xayir Ducaale ,iyagoo ka faa\u2019ideysanaya xuska maalinta caalamiga ah ee 21-ka febraayo,waxay dhambaal hambalyo ah u direen shacabka Soomaaliyeed ee ku nool gudaha iyo dibadda dalka.<\/p>\n<p>Madaxdaasi waxay shacabka iyo u rajeeyeen in sanadkaan kiisa kale \u00a0ay ku gaaraan horumar iyo baraare.<\/p>\n<p><strong>Shiroos<\/strong><\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho(SONNA):-Shucuubta ku dhaqan dalalka caalamka aya maanta u dareeray xuska maalinta 21-ka Febraayo oo ah munaasabad muhiim ah oo loo dabaaldego maalinta Caalamiga ah ee afafka dunida. Maalintaan\u00a0 caalamiga ah waa xus sanadle ah oo loola jeedo sidii kor loogu qaadi lahaa wacyiga ku saabsan kala duwanaanshaha xagga\u00a0 luqadaha , dhaqanka iyo guud ahaan horumarinta [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":46,"featured_media":478931,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,82],"tags":[],"class_list":{"0":"post-478892","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-maqaallada"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/478892","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/46"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=478892"}],"version-history":[{"count":3,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/478892\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":478932,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/478892\/revisions\/478932"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/478931"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=478892"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=478892"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=478892"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}