{"id":478171,"date":"2023-02-15T12:42:32","date_gmt":"2023-02-15T12:42:32","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=478171"},"modified":"2023-02-15T12:43:45","modified_gmt":"2023-02-15T12:43:45","slug":"raiisul-wasaare-ku-xigeenka-xfs-oo-daah-furay-qorshaha-qaran-ee-kobcinta-xirfadaha-haweenka-ee-ka-faaiideysiga-khayraadka-badda","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/raiisul-wasaare-ku-xigeenka-xfs-oo-daah-furay-qorshaha-qaran-ee-kobcinta-xirfadaha-haweenka-ee-ka-faaiideysiga-khayraadka-badda\/","title":{"rendered":"Ra\u2019iisul Wasaare Ku Xigeenka XFS oo daah-furay qorshaha Qaran ee kobcinta xirfadaha  Haweenka ee ka faa\u2019iideysiga khayraadka Badda"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho-(SONNA)-Ra\u2019iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Salah Jama ayaa daah-furay qorshaha Qaran ee kobcinta xirfadaha\u00a0 Haweenka ee ka faa\u2019iideysiga khayraadka Badda.<\/p>\n<p>Qorshahan qaran ayaa loogu talo galay in si wadajir ah loogu horumariyo baahiyaha haweenka ee la xiriira wax soo saarka badda, kor u qaadidda doorka hoggaamineed ee haweenka, ka qaybgalka waxbarashada iyo shaqaalaysiinta, amniga iyo fursadaha maalgashi ee la xiriira badaha.<\/p>\n<p>Ra\u2019iisul Wasaare Ku Xigeenka oo hadal ka jeediyey munaasabadda daah-furka ayaa tilmaamay in qorshahani uu wax wayn ka badeli doono shaqo la\u2019aanta iyo saboolnimada, isagoo sheegay in haweenka ay fursad u heleyaan barashada xirfado ay uga faaiideysan doonaan\u00a0 khayraadka badaha ee dalkeenna ceegaaga.<\/p>\n<p>Shirka oo ay si\u00a0 wadajir ah usoo qaban-qaabiyeen Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xaquuqal Insaanka, Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda iyo Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluuga ah, ayaa waxaa ka soo qayb galay Wasiirradda Heer Dowlad Goboleed, xubno ka socday labada gole ee Baarlamaanka, Safiiro iyo masuuliyiin ka socday hay\u2019adaha deeq bixiyaasha.<\/p>\n<p><img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-478174 size-full\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/qorshe4.jpg\" alt=\"\" width=\"720\" height=\"432\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/qorshe4.jpg 720w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/qorshe4-300x180.jpg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/qorshe4-696x418.jpg 696w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/qorshe4-700x420.jpg 700w\" sizes=\"auto, (max-width: 720px) 100vw, 720px\" \/> <img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-478175 size-full\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/qorshe3.jpg\" alt=\"\" width=\"720\" height=\"432\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/qorshe3.jpg 720w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/qorshe3-300x180.jpg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/qorshe3-696x418.jpg 696w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/qorshe3-700x420.jpg 700w\" sizes=\"auto, (max-width: 720px) 100vw, 720px\" \/> <img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-478176 size-full\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/qorshe2-1.jpg\" alt=\"\" width=\"720\" height=\"576\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/qorshe2-1.jpg 720w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/qorshe2-1-300x240.jpg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/qorshe2-1-696x557.jpg 696w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/qorshe2-1-525x420.jpg 525w\" sizes=\"auto, (max-width: 720px) 100vw, 720px\" \/><img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-478177 size-full\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/qorshe1.jpg\" alt=\"\" width=\"720\" height=\"432\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/qorshe1.jpg 720w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/qorshe1-300x180.jpg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/qorshe1-696x418.jpg 696w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/qorshe1-700x420.jpg 700w\" sizes=\"auto, (max-width: 720px) 100vw, 720px\" \/><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho-(SONNA)-Ra\u2019iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Salah Jama ayaa daah-furay qorshaha Qaran ee kobcinta xirfadaha\u00a0 Haweenka ee ka faa\u2019iideysiga khayraadka Badda. Qorshahan qaran ayaa loogu talo galay in si wadajir ah loogu horumariyo baahiyaha haweenka ee la xiriira wax soo saarka badda, kor u qaadidda doorka hoggaamineed ee haweenka, ka qaybgalka waxbarashada iyo [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":7,"featured_media":478172,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-478171","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/478171","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/7"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=478171"}],"version-history":[{"count":3,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/478171\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":478179,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/478171\/revisions\/478179"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/478172"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=478171"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=478171"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=478171"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}