{"id":477542,"date":"2023-02-11T07:22:16","date_gmt":"2023-02-11T07:22:16","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=477542"},"modified":"2023-02-11T08:29:49","modified_gmt":"2023-02-11T08:29:49","slug":"khawaariijta-oo-looga-adkaaday-dagaalka-fikirka-warbixin","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/khawaariijta-oo-looga-adkaaday-dagaalka-fikirka-warbixin\/","title":{"rendered":"Khawaariijta oo looga adkaaday dagaalka fikirka (WARBIXIN)"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho(SONNA)&#8211;Dowladda Soomaaliya ayaa markii ay xilka la wareegtay muddo haatan laga joogo muddo 7-bilood ah Iclaamisay in dagaal lagu qaado Kooxda Maleeshiyaadka Argagixisada ah ee Khawaarijta, kaasi oo ka kooban mid Militari, Mid Dhaqaale iyo mid Fikirka ah ama Wacyigalinta dhinaca Diinta ah, waxaana la qabtay shirar ay ka soo wada qeybgalayaan dhammaan Culuuma\u2019udiinka Soomaaliyeed kaasi oo ka kala dhacay Dalka Dibaddisa iyo gudahiisa, kuwaasi oo looga gol lahaa inay la bayaamiyo waxa ay Diintu ka qabto Kooxdaasi, waaana ka soo baxay go\u2019aanno lagu caddeynayo.<\/p>\n<p>Sheekh Cali Wajiis oo ka mid Culumada Soomaaliyeed oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa ka warbixiyay bur burinta ay kooxda Khawaarijta ah ee Al-shabaab ku hayso goobaha cibaadada sida Masaajidda, Dugsiyada Qur\u2019aanka iyo goobaha kale ee lagu barto diinteena Islaamka, waxaana uu sheegay in Khawaarijtu ay u soo jeesatay burburinta diinteena, Masaajidda, dhaqaalaha iyo goobaha waxbarashadda, wuxuuna\u00a0 adkeeyay go\u2019aanka ay dowladda federaalku ku wajaheyso soo afjarida kooxda,<\/p>\n<p>\u201cArgagaxisadu waxay u soo jeesatay burburinta diinteenna Islaamka, Masaajidda, dhaqaalaha iyo goobaha waxbarashada \u00a0waana in leyska celiyaa si taas aysan ugu rumoobin\u201d, ayuu yiri Sheekh Cali Wajiis, wuxuuna sii raaciyay, isalmarkaana Sheekhu,\u00a0 \u00a0bogaadiyay shacabka Soomaaliyeed sida ay ugu kaceen xoreynta dalka, xilli sanado badan ay dhibaato ku haysay Argagixisada dalka iyo dadka Soomaaliyeed.<\/p>\n<p>Ciidamada dowladda oo kaashanaya xoogagga kacdoonka dadweynaha ayaa ku guuleystay in ay deegaanno iyo degmooyinka badan ka xoreeyaan Khawaarijta, kuwaas oo hadda dib loogu soo celiyay adeegyadii bulsho ee muddo argagixisada hortaagneyd, sidaasi awgeed ayuu Ra\u2019iisal wasaare Xamsa ayaa sheegay in culumada Soomaaliyeed ay cadeeyeen in nimankaas cadowga ee dalka iyo dadka dhibaateeyay lala dagaallamo lagana ciribtiro guud ahaan dalka si loo helo nabad iyo kala dambeyn waarta.<\/p>\n<p>\u201c Waxyaabaha ay aadka ugu hadleen waxaa ka mid ah in nimankaas cadowga ah ee aan ka dhaqaaqi la\u2019nahay lala dagaallamo oo sidii dowladdu ay u jideysay oo ah Ciidana ahaan (Militari) loola dagaallamo, dhinaca dhaqaalaha iyo fikirkana lagala dagaallamo intaba culumada aad bay uga hadleen,\u201d ayuu yiri Ra\u2019iisal wasaaraha XFS.<\/p>\n<p>Masuuliyiinta kale ee ka hadlay arrintaasi ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Xildhibaan Jibril Abdirashid Haji Abdi, ayaa sheegay in lagu guulaystay dagaalkii dhaqaalaha ee dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku qaadday khawaarijta Argagaxisada ah ee Al-Shabaab, waxaana uu tilmaamay in gacanta lagu dhigay Talefoonno iyo Akoonno tiro badan oo lacagaha loogu diri jiray khawaarijta isaga oo ganacsatada Soomaaliyeed uga mahad-celiyey sida joogtada ah ee ay mar walba u la soo wadaagaan xogaha la xiriira meelaha lacagaha looggu diro Al-Shabaab.<\/p>\n<p>Wasiirku, wuxu sidoo kale tilmaamay in hadalkii Cali Dheere uu caddeynaayey in looga guulaystay dagaalkii dhaqaalaha ee dawladdu ku qaadday Khawaarijta Al-Shabaab kaasi oo uu tilmaamay in uu ahaa guul u soo hoyatay umadda Soomaaliyeed \u201d Cali Dheere adiga iyo Khawaarijta kale waxba la idin ka waydiin maayo ilaalinta Hantida Soomaaliyeed, cidda laga ilaalinaya waa idinka oo khawaarij ah\u201d ayuu yiri Wasiirku.<\/p>\n<p>Waxaa kaloo jira in Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diintu ay qabatay Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed ee ka socday magaalada\u00a0Muqdisho 23-26 Jannaayo 2023, ayaa waxaa laga soo saaray Warmurtiyeed dhowr qodob ka kooban, waxaa kaloo jira mid ka soo baxay wasaaraddaasi \u00a07-dii bishan Febraayo ee sanadkan, ayna ka soo saartay War-saxaafadeed ay uga hadleysay la macaamilka Kooxda Khawaarijta ah, wuxuuna u qornaa sidan:-<\/p>\n<p><img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-477543 size-full\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/lll.png\" alt=\"\" width=\"656\" height=\"816\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/lll.png 656w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/lll-241x300.png 241w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/lll-338x420.png 338w\" sizes=\"auto, (max-width: 656px) 100vw, 656px\" \/>Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa adkeeyay muhiimadda in loo midoobo\u00a0 dabar-goynta kooxaha Argagixisada ah si loo xaqiijiyo duni nabdoon, horumarsan, caddaalad ah, isla markaana si siman oo loo dhan yahay u wadaagta fursadaha jira, wuxuna hoosta ka xarriiqay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go\u2019antahay sii xoojinta xiriirka qotada dheer ee labada dowladood iyo labada shacab ee Soomaaliya iyo Talyaaniga iyada oo la iska kaashanayo dhinacyada amniga, xasilloonida iyo abuuridda jawi horumar guud oo dhan walba ah, si waafaqsan Qorshaha Horumarinta Qaranka Soomaaliya, wuxuuna sii raaciyay <strong>\u201dWaa in loo Midoobo Ciribtirka Argagixisada si loo xaqiijiyo Duni Nabdoon.\u201d, <\/strong>Madaxweynu waxa uu hadaladaasi ka sheegay mar uu Magaalada Roma hadal uga jeediyay Jaamacadda LUISS Guido Carli University ee magaalada Rome.<\/p>\n<p>Haddaba maadaama ay Dowladda Soomaaliya ay geed dheer iyo mid gaabanba u fuushay sidii loo ciribitiri lahaa Fikirka Xagjirka ah ayay qaadday tallaabooyin lagu xaqiijin lahaa arrimahaasi xaqiijintooda, Ilaah mahadii waxaa soo dhammaaday waayahooda jiritaan, waxayna dowladda mar walba soo saartaa awaamiir lagu giijinayo dagaalkooda oo kala ah, \u00a0mid Ciidan, mid Dhqaaale iyo mid Fikirka ah ama ka wacyigalinta Bulshada, waana ku wada guuleysteen dhammaantood seddexdaasi arrimood oo ay Dowladdu ku dagaal gashay, iyadoo midka ugu muhiimsan uu yahay kan Fikirka oo ay Culumaaudiinku u tilmaameen in ay Kooxda Khawaarijtu wadin ama ku dhaqmeyn wax Diin ah, sidaasi awgeed Khawaariijta waxaa looga adkaaday dagaalka fikirka, sidii looga adkaaday kii Militari iyo kii dhaqaalaba.<\/p>\n<p><strong>By:- Claahi Ruush<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho(SONNA)&#8211;Dowladda Soomaaliya ayaa markii ay xilka la wareegtay muddo haatan laga joogo muddo 7-bilood ah Iclaamisay in dagaal lagu qaado Kooxda Maleeshiyaadka Argagixisada ah ee Khawaarijta, kaasi oo ka kooban mid Militari, Mid Dhaqaale iyo mid Fikirka ah ama Wacyigalinta dhinaca Diinta ah, waxaana la qabtay shirar ay ka soo wada qeybgalayaan dhammaan Culuuma\u2019udiinka Soomaaliyeed [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":50,"featured_media":477545,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[82,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-477542","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-maqaallada","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/477542","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/50"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=477542"}],"version-history":[{"count":5,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/477542\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":477557,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/477542\/revisions\/477557"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/477545"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=477542"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=477542"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=477542"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}