{"id":476709,"date":"2023-02-05T14:09:03","date_gmt":"2023-02-05T14:09:03","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=476709"},"modified":"2023-02-05T14:09:03","modified_gmt":"2023-02-05T14:09:03","slug":"raiisul-wasaare-xamse-oo-xafiiskiisa-ku-qaabilay-wafdi-ka-socda-baanka-adduunka","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/raiisul-wasaare-xamse-oo-xafiiskiisa-ku-qaabilay-wafdi-ka-socda-baanka-adduunka\/","title":{"rendered":"Ra\u2019iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda Baanka Adduunka"},"content":{"rendered":"<div class=\"x11i5rnm xat24cr x1mh8g0r x1vvkbs xtlvy1s x126k92a\">\n<div dir=\"auto\">Muqdisho (SONNA) Ra\u2019iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda Baanka Adduunka oo ay hoggaamineysay Madaxweyne Ku Xigeenka u qaabilsan Bariga iyo Koonfurta Afrika Victoria Kwakwa.<\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<\/div>\n<div class=\"x11i5rnm xat24cr x1mh8g0r x1vvkbs xtlvy1s x126k92a\">\n<div dir=\"auto\">Kulanka waxaa si qoto dheer looga dooday mashaariicda horumarineed ee Baanka Adduunka uu ka fuliyo iyo sidii loo waafajin lahaa baahida dhabta ee dadka Soomaaliyeed ay qabaan iyo inay noqdaan kuwo ay ka muuqato in umaddu ay leedahay.<\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<\/div>\n<div class=\"x11i5rnm xat24cr x1mh8g0r x1vvkbs xtlvy1s x126k92a\">\n<div dir=\"auto\">Ra\u2019iisul Wasaaraha Xukuumadda ayaa sheegay in marka ay dowladda Soomaaliyeed dhameystirto hannaanka deyn cafinta ay u jeesaneysa fulinta mashaariicda waaweyn ee Kaabayaasha Dhaqaalaha iyo in laga faa\u2019iideysto Kheyraadka badan ee Alle ku manaystay dalka.<\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<\/div>\n<div class=\"x11i5rnm xat24cr x1mh8g0r x1vvkbs xtlvy1s x126k92a\">\n<div dir=\"auto\">Waxaa Ra\u2019iisul Wasaaruhu sheegay in dowladda ay dib u eegis ku sameyn doonto Qorshaha Horumarinta Qaranka (NDP 9), iyadoo ay halkaas ka iman doonto buu yiri, meelaha ay ahmiyadda saareyso dowladda, Bangiga Adduunkana laga rabo inuu la jaanqaado.<\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<\/div>\n<div class=\"x11i5rnm xat24cr x1mh8g0r x1vvkbs xtlvy1s x126k92a\">\n<div dir=\"auto\">Victoria Kwakwa ayaa dhinaceeda soo dhaweysay dadaalka dowladda Soomaaliya ay ugu jirto xaqiijinta dhameystirka hannaanka deyn cafinta, amniga dalka iyo daryeelka bulshada, waxayna ballanqaaday in Baanka Adduunku sii wado taageerada kala duwan ee ay u fidiso dowladda Soomaaliya.<\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<\/div>\n<div class=\"x11i5rnm xat24cr x1mh8g0r x1vvkbs xtlvy1s x126k92a\">\n<div dir=\"auto\">Waxay ku boggaadisay xukuumadda dadaalka ay u gashay meel marinta shuruucda wax ka taraysa dhiirigelinta maalgashiga iyo koboca dhaqaalaha dalka, iyadoo ballanqaaday in dowladda Soomaaliya ay kala sii shaqeyn doonaan hirgelinta mashaariic lagu xoojinayo kaabayaasha dhaqaalaha, kadib marka la dhameystiro deyn cafinta.<\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<\/div>\n<div class=\"x11i5rnm xat24cr x1mh8g0r x1vvkbs xtlvy1s x126k92a\">\n<div dir=\"auto\">Waxaa kulanka goobjoog ka ahaa Ra\u2019iisul Wasaare Ku Xigeenka Mudane <span class=\"xt0psk2\">Salah Jamac<\/span> iyo Wasiirrada Wasaaradaha ay quseeyaan mashaariicda horumarineed ee Baanku Soomaaliya ka hirgeliyo.<\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<div dir=\"auto\"><img decoding=\"async\" src=\"https:\/\/scontent.fmgq1-2.fna.fbcdn.net\/v\/t39.30808-6\/329330293_895609451755524_4511508283909475945_n.jpg?_nc_cat=101&amp;ccb=1-7&amp;_nc_sid=730e14&amp;_nc_ohc=RFrVky4Ead0AX9nFZAj&amp;tn=7tow7JyQRoLxRAC8&amp;_nc_ht=scontent.fmgq1-2.fna&amp;oh=00_AfDcClKqdT-yPqjlfms9n_GDoz7zw7oUSmUJcY2DenHVQA&amp;oe=63E544D0\" alt=\"May be an image of 7 people, people standing, people sitting and indoor\" \/><img decoding=\"async\" src=\"https:\/\/scontent.fmgq1-2.fna.fbcdn.net\/v\/t39.30808-6\/329527379_888273255824962_2562802721015062992_n.jpg?_nc_cat=106&amp;ccb=1-7&amp;_nc_sid=730e14&amp;_nc_ohc=Y8TU8aSeUc0AX_x5V86&amp;tn=7tow7JyQRoLxRAC8&amp;_nc_ht=scontent.fmgq1-2.fna&amp;oh=00_AfBCjIS8EFwodreqYBz_kN9zXd1tIX-GJr7-pULjNVS30w&amp;oe=63E445C0\" alt=\"May be an image of 8 people, people sitting, people standing and indoor\" \/><\/div>\n<\/div>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho (SONNA) Ra\u2019iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda Baanka Adduunka oo ay hoggaamineysay Madaxweyne Ku Xigeenka u qaabilsan Bariga iyo Koonfurta Afrika Victoria Kwakwa. Kulanka waxaa si qoto dheer looga dooday mashaariicda horumarineed ee Baanka Adduunka uu ka fuliyo iyo sidii loo waafajin lahaa [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":32,"featured_media":476711,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-476709","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/476709","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/32"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=476709"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/476709\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":476712,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/476709\/revisions\/476712"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/476711"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=476709"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=476709"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=476709"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}