{"id":476165,"date":"2023-02-01T05:57:04","date_gmt":"2023-02-01T05:57:04","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=476165"},"modified":"2023-02-01T05:58:43","modified_gmt":"2023-02-01T05:58:43","slug":"golaha-wasiirrada-xfs-oo-shir-aan-caadi-aheyn-ku-ansixiyey-laba-sharci-iyo-hal-heshiis","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/golaha-wasiirrada-xfs-oo-shir-aan-caadi-aheyn-ku-ansixiyey-laba-sharci-iyo-hal-heshiis\/","title":{"rendered":"Golaha wasiirrada XFS oo shir aan caadi aheyn ku ansixiyey laba sharci iyo hal heshiis"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho(SONNA):-Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa\u00a0 isugu yimid shir aan caadi aheyn, kaas oo lagu ansixiyey laba sharci iyo hal heshiis oo kala quseeya dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha.<\/p>\n<p>Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya, Farxaan Jimcaale ayaa ka warbixiyey kulankii ay Golaha Wasiiradu yeesheen oo lagu ansixiyay Sharciga La Dagaallanka Argagixisada, Sharciga Socdaalka iyo Heshiis Iskaashi Ganacsi oo Soomaaliya ay la galayso Uganda.<\/p>\n<p>\u201cShirka waxaa lagu ansixiyey laba hindise sharciyeed oo muhiim u ah dhinacyada la dagaallanka argagixisada iyo socdaalka, sidoo kale waxay wasiirradu ansixiyeen heshiis is afgarad ah oo dowladda Soomaaliya ay la gashay wadanka Uganda,\u201d ayuu yiri Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya.<\/p>\n<p>Sharciga koowaad ee caawa ay ansixiyeen golaha wasiirrada Soomaaliya wuxuu ahaa \u2018Hindise sharciyeedka la dagaallanka argagixisada oo ahmiyad gaar ah u leh dalka, maadaama lagu jiro dagaal lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada ah.<\/p>\n<p>Sidoo kale hindise sharciyeed kale oo dhinaca socdaalka quseeya ayaa lagu ansixiyey shirkii caawa, waxaana labadaas hindise sharciyeed soo diyaarisay wasaaradda amniga Soomaaliya.<\/p>\n<p>\u201cGolaha ayaa caawa si aqlabiyad ah u ansixiyey heshiis is afgarad ah oo dowladda Soomaaliya ay la gashay dowladda Uganda, heshiiskaan ayaa ku saabsan iskaashiga dhinaca ganacsiga,\u201d ayuu hadalkiisa ku sii daray Farxaan Jimcaale oo warbaahinta u faahfaahiyey shirka golaha wasiirrada.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho(SONNA):-Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa\u00a0 isugu yimid shir aan caadi aheyn, kaas oo lagu ansixiyey laba sharci iyo hal heshiis oo kala quseeya dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha. Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya, Farxaan Jimcaale ayaa ka warbixiyey kulankii ay Golaha Wasiiradu yeesheen oo lagu ansixiyay Sharciga La Dagaallanka Argagixisada, Sharciga Socdaalka iyo Heshiis Iskaashi Ganacsi oo Soomaaliya ay [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":44,"featured_media":476166,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-476165","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/476165","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/44"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=476165"}],"version-history":[{"count":3,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/476165\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":476169,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/476165\/revisions\/476169"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/476166"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=476165"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=476165"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=476165"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}