{"id":476045,"date":"2023-01-30T18:38:36","date_gmt":"2023-01-30T18:38:36","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=476045"},"modified":"2023-01-30T18:40:10","modified_gmt":"2023-01-30T18:40:10","slug":"kulan-wadatashi-ah-oo-ku-aadan-nidaamka-ka-jawaabista-deg-dega-ah-ee-xasaradaha-cunada-oo-muqdisho-lagu-soo-gabagabeeyay","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/kulan-wadatashi-ah-oo-ku-aadan-nidaamka-ka-jawaabista-deg-dega-ah-ee-xasaradaha-cunada-oo-muqdisho-lagu-soo-gabagabeeyay\/","title":{"rendered":"Kulan wadatashi ah oo ku aadan nidaamka ka jawaabista deg dega ah ee Xasaradaha cunada oo Muqdisho lagu soo gabagabeeyay"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho-(SONNA)-Kulan wadatashi oo heer farsamo ah oo looga arrinsanayay sidii loo nidaamin lahaa \u201chore-uga-jawaabista xasaradaha haqab-beelka cunnada soomaaliya\u201d oo ay ka qeyb galeen hay\u2019adaha, wakaaladaha iyo saaradaha kala duwan ee wadajirka uga howlgala arrimahan, deeqbixiyeyaal iyo hay\u2019ado ka shaqeeya arrimaha bani\u2019aadamnimada iyo horumarinta ayaa magaalada Mudisho lagu soo gabogabeeyay.<\/p>\n<p>Kulanka oo muddo saddex maalin ah socday ayaa salka ku hayaa wadatashiyo laba-geesood ah oo ay dowladdu qabatay dhowrkii bilood ee la soo dhaafay si loo horumariyo Qorshaha U Diyaargarowga Xasaradaha Cuntada ee Soomaaliya (FSCPP) oo ay hoos-tagayaan wasaaraddaha beeraha iyo waraabka; Qorshaynta, Maalgashiga, iyo Horumarinta Dhaqaalaha, lalana kaashanayo Bangiga Adduunka iyo saaxiibada kale iyadoo loo marayo Mashruuca Soo-kabashada Dhibaatooyinka Soomaaliya (SCRP).<\/p>\n<p>Shirka wadatashi oo ay ka qeyb galeen mas&#8217;uuliyiin ka tirsan dowladda oo isugu jira kuwo farsamo iyo kuwo siyaasadeed ayaa looga hadlay wada-shaqeyn dhanka farsamada ah, ayadoo sidoo kale intii kulanku socday fursad la siiyey hay&#8217;adaha dowladda iyo daneeyeyaasha caalamiga ah si ay uga wada shaqeeyaan sidii dib u eegis loogu sameyn lahaa qorshaha qabyo-qoraalka ah ee hadda lagu shaqaynayo, gacana ka geystaan sidii loo hagaajin lahaa qeybaha diyaarsan ee la soo jeediyey iyo sidii loo dhisi lahaa is-afgarad qeexaya tallaabooyinka xiga iyo waqtiga lagu hawlgelinayo qorshaha.<\/p>\n<p>Agaasimeyaasha guud iyo wakiillo farsamo oo ka kala socda Wasaaradaha Dowladda, Waaxyaha iyo hay\u2019adaha beeraha iyo waraabka, qorsheynta, maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha, Hay\u2019adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliya, xannaanada xoolaha iyo dhirta, kalluumeysiga iyo dhaqaalaha buluugga ah, xafiiska tirakoobka qaranka Soomaaliyeed, iyo sidoo kale saaxiibbo ka socday FAO, UNICEF, iyo ururada bulshada rayidka ah, ayaa ka qayb galay Kulanka.<\/p>\n<p>Geeddisocodka qorshaha horumarineed waa mid ay leedahay ummadda Soomaaliyeed, isla markaana dowladdu hoggaamiso, daneeyeyaashana u oggolaanaya ka qeyb noqoshada iyo la socoshada. Sidoo kale qorshahan waxa muujinayaa muhiimmadda dhisidda awoodaha hay\u2019adaha qaranka muddo kooban iyadoo diiradda la saarayo saddex arrimood:<\/p>\n<p>1- FSCPP wuxuu sharaxayaa isku dubaridka hawlaha sida joogtada ah loo korjoogteeyo, loona ogaado dhibaatooyinka dhanka sugnaanta cuntada iyo nafaqada.<\/p>\n<p>2- Qorshaha FSCPP wuxuu sharaxayaa in ay hannaan fulineed la yimaadaan dowladda, hay\u2019adaha samafalka, iyo saaxiibadada caalamiga ah ee ka shaqeeya horumarka si loo qiimeeyo khataraha dhibaatooyinka imaan kara , waxna looga qabto dhan fulin iyo dhan dhaqaaleba.<\/p>\n<p>3-FSCPP waxa uu sidoo kale qeexayaa nidaaminta shaqo iyo hab-maamuus ee ay marayaan mas\u2019uuliyiintu si ay uga jawaabaan xaaladaha daran ee soo kordha, ayna u buuxiyaan meelaha bannaan fulin ama dhaqaale ahaanba.<\/p>\n<p>Qorshahaan ayaa la rejeynayaa in la dhammeystiro bisha September, saanadka 2023, kaddib marka ay si rasmi ah u ansixiyaan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo saaxiibada kale ee ka howlan ka jawaabista sugnaanta cuntada dalka.<\/p>\n<p><img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-476046\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/01\/58ecb7a4-bb86-4eab-b792-1a82890c3f11.jpg\" alt=\"\" width=\"1024\" height=\"683\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/01\/58ecb7a4-bb86-4eab-b792-1a82890c3f11.jpg 1024w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/01\/58ecb7a4-bb86-4eab-b792-1a82890c3f11-300x200.jpg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/01\/58ecb7a4-bb86-4eab-b792-1a82890c3f11-768x512.jpg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/01\/58ecb7a4-bb86-4eab-b792-1a82890c3f11-696x464.jpg 696w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/01\/58ecb7a4-bb86-4eab-b792-1a82890c3f11-630x420.jpg 630w\" sizes=\"auto, (max-width: 1024px) 100vw, 1024px\" \/> <img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-476047\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/01\/262c8dff-2fb8-4d86-abcf-4266dc1845df.jpg\" alt=\"\" width=\"1024\" height=\"504\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/01\/262c8dff-2fb8-4d86-abcf-4266dc1845df.jpg 1024w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/01\/262c8dff-2fb8-4d86-abcf-4266dc1845df-300x148.jpg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/01\/262c8dff-2fb8-4d86-abcf-4266dc1845df-768x378.jpg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/01\/262c8dff-2fb8-4d86-abcf-4266dc1845df-696x343.jpg 696w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/01\/262c8dff-2fb8-4d86-abcf-4266dc1845df-853x420.jpg 853w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/01\/262c8dff-2fb8-4d86-abcf-4266dc1845df-324x160.jpg 324w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/01\/262c8dff-2fb8-4d86-abcf-4266dc1845df-533x261.jpg 533w\" sizes=\"auto, (max-width: 1024px) 100vw, 1024px\" \/> <img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-476048\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/01\/01286c44-ef3b-4431-a6d7-d0814fe8ed15.jpg\" alt=\"\" width=\"1024\" height=\"683\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/01\/01286c44-ef3b-4431-a6d7-d0814fe8ed15.jpg 1024w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/01\/01286c44-ef3b-4431-a6d7-d0814fe8ed15-300x200.jpg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/01\/01286c44-ef3b-4431-a6d7-d0814fe8ed15-768x512.jpg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/01\/01286c44-ef3b-4431-a6d7-d0814fe8ed15-696x464.jpg 696w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/01\/01286c44-ef3b-4431-a6d7-d0814fe8ed15-630x420.jpg 630w\" sizes=\"auto, (max-width: 1024px) 100vw, 1024px\" \/> <img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-476049\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/01\/4419b132-3fa1-44d6-957e-80ba0f16a49e.jpg\" alt=\"\" width=\"1024\" height=\"683\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/01\/4419b132-3fa1-44d6-957e-80ba0f16a49e.jpg 1024w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/01\/4419b132-3fa1-44d6-957e-80ba0f16a49e-300x200.jpg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/01\/4419b132-3fa1-44d6-957e-80ba0f16a49e-768x512.jpg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/01\/4419b132-3fa1-44d6-957e-80ba0f16a49e-696x464.jpg 696w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/01\/4419b132-3fa1-44d6-957e-80ba0f16a49e-630x420.jpg 630w\" sizes=\"auto, (max-width: 1024px) 100vw, 1024px\" \/> <img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-476050\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/01\/6622bc18-3f14-4ee8-ab30-70b72b7d2a06.jpg\" alt=\"\" width=\"1024\" height=\"683\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/01\/6622bc18-3f14-4ee8-ab30-70b72b7d2a06.jpg 1024w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/01\/6622bc18-3f14-4ee8-ab30-70b72b7d2a06-300x200.jpg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/01\/6622bc18-3f14-4ee8-ab30-70b72b7d2a06-768x512.jpg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/01\/6622bc18-3f14-4ee8-ab30-70b72b7d2a06-696x464.jpg 696w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/01\/6622bc18-3f14-4ee8-ab30-70b72b7d2a06-630x420.jpg 630w\" sizes=\"auto, (max-width: 1024px) 100vw, 1024px\" \/> <img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-476051\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/01\/7831f752-cdfb-46b6-b2ee-c3b1eb2fe592.jpg\" alt=\"\" width=\"1024\" height=\"683\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/01\/7831f752-cdfb-46b6-b2ee-c3b1eb2fe592.jpg 1024w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/01\/7831f752-cdfb-46b6-b2ee-c3b1eb2fe592-300x200.jpg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/01\/7831f752-cdfb-46b6-b2ee-c3b1eb2fe592-768x512.jpg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/01\/7831f752-cdfb-46b6-b2ee-c3b1eb2fe592-696x464.jpg 696w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/01\/7831f752-cdfb-46b6-b2ee-c3b1eb2fe592-630x420.jpg 630w\" sizes=\"auto, (max-width: 1024px) 100vw, 1024px\" \/> <img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-476052\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/01\/c11043c2-52d7-4c8e-acfb-891798389399.jpg\" alt=\"\" width=\"1024\" height=\"683\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/01\/c11043c2-52d7-4c8e-acfb-891798389399.jpg 1024w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/01\/c11043c2-52d7-4c8e-acfb-891798389399-300x200.jpg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/01\/c11043c2-52d7-4c8e-acfb-891798389399-768x512.jpg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/01\/c11043c2-52d7-4c8e-acfb-891798389399-696x464.jpg 696w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/01\/c11043c2-52d7-4c8e-acfb-891798389399-630x420.jpg 630w\" sizes=\"auto, (max-width: 1024px) 100vw, 1024px\" \/> <img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-476053\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/01\/cb1d33a6-13c4-4e1a-a985-5dc399c2bd15.jpg\" alt=\"\" width=\"1024\" height=\"683\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/01\/cb1d33a6-13c4-4e1a-a985-5dc399c2bd15.jpg 1024w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/01\/cb1d33a6-13c4-4e1a-a985-5dc399c2bd15-300x200.jpg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/01\/cb1d33a6-13c4-4e1a-a985-5dc399c2bd15-768x512.jpg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/01\/cb1d33a6-13c4-4e1a-a985-5dc399c2bd15-696x464.jpg 696w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/01\/cb1d33a6-13c4-4e1a-a985-5dc399c2bd15-630x420.jpg 630w\" sizes=\"auto, (max-width: 1024px) 100vw, 1024px\" \/> <img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-476054\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/01\/e964be55-edcb-4811-9dcc-6da98ca44691.jpg\" alt=\"\" width=\"1024\" height=\"357\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/01\/e964be55-edcb-4811-9dcc-6da98ca44691.jpg 1024w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/01\/e964be55-edcb-4811-9dcc-6da98ca44691-300x105.jpg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/01\/e964be55-edcb-4811-9dcc-6da98ca44691-768x268.jpg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/01\/e964be55-edcb-4811-9dcc-6da98ca44691-696x243.jpg 696w\" sizes=\"auto, (max-width: 1024px) 100vw, 1024px\" \/><\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho-(SONNA)-Kulan wadatashi oo heer farsamo ah oo looga arrinsanayay sidii loo nidaamin lahaa \u201chore-uga-jawaabista xasaradaha haqab-beelka cunnada soomaaliya\u201d oo ay ka qeyb galeen hay\u2019adaha, wakaaladaha iyo saaradaha kala duwan ee wadajirka uga howlgala arrimahan, deeqbixiyeyaal iyo hay\u2019ado ka shaqeeya arrimaha bani\u2019aadamnimada iyo horumarinta ayaa magaalada Mudisho lagu soo gabogabeeyay. Kulanka oo muddo saddex maalin ah [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":38,"featured_media":476053,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[846],"class_list":{"0":"post-476045","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka","9":"tag-kulan-wadatashi-ah-oo-ku-aadan-nidaamka-ka-jawaabista-deg-dega-ah-ee-xasaradaha-cunada-oo-muqdisho-lagu-soo-gabagabeeyay"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/476045","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/38"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=476045"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/476045\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":476055,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/476045\/revisions\/476055"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/476053"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=476045"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=476045"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=476045"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}