{"id":474868,"date":"2023-01-21T12:02:25","date_gmt":"2023-01-21T12:02:25","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=474868"},"modified":"2023-01-21T12:12:01","modified_gmt":"2023-01-21T12:12:01","slug":"wasiirka-warfaafinta-xfs-oo-saxaafadda-soomaaliyeed-ugu-hambalyeeyey-maalinta-qoraalka-af-soomaaliga-iyo-wargeyska-dalka","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/wasiirka-warfaafinta-xfs-oo-saxaafadda-soomaaliyeed-ugu-hambalyeeyey-maalinta-qoraalka-af-soomaaliga-iyo-wargeyska-dalka\/","title":{"rendered":"Wasiirka warfaafinta XFS oo Saxaafadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey maalinta qoraalka Af-Soomaaliga iyo Wargeyska dalka"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho.(SONNA):- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Daa&#8217;uud Aweys Jaamac oo ka qeyb galay xuska munaasabadda 50-sano guuradii ka soo wareegatay markii uu soo baxay wargeys ku qoran Af-Soomaali ayaa hambalyo u diray guud ahaan shacabka Soomaaliyeed,gaar ahaan shaqaalaha warbaahinta dalka.<\/p>\n<p>Wasiirka ayaa bahda warbaahinta xusuusiyay waajibaadka ka saaran Af-Soomaaliga iyo sare u qaadistiisa, wuxuuna nasiib wanaag ku tilmaamay inuu wargeyska maanta shaqeynayo caqabad kasta oo la soo maray.<\/p>\n<p>\u201c 21-ka Janaayo taariikhiyan marka laga hadlaayo qoraalka Af-soomaaliga muhiim ayuu u yahay guud ahaan dalka Soomaaliya, waa tan koowaad waa maalintii ugu horeysay Wargeys Af-Soomaali ku soo baxa uu soo baxo, waxaana markaas dhashay kacaanka Af-Soomaaliga adeegsigiisa ah, warbaahinta maanta aan haysano ha noqoto tan dowladda ama tan Privateka intaba waxaa jira horumar muuqda,\u201d ayuu yiri wasiirka.<\/p>\n<p>Wasiirka ayaa hadalkiisa intaa ku daray in bur burkii dalka ka dhacay uu saameyn xooggan ku yeeshay qeybaha warbaahinta dalka iyo adeegsiga Af-Soomaaliga, wuxuuna uga mahadceliyay Shacabka Soomaaliyeed sida ay uga soo dhalaaleen kaalinta kaga aaddan dhowrista iyo sare u qaadista Qoraalka Af-Soomaaliga.<\/p>\n<p>\u201c Nasiib wanaag ayay inoo tahay inuu wargeyska maanta shaqeynayo caqabad kasta oo aan soo marnay waxaana ammaanteeda iska leh bahda warbaahinta, markale waxaan leeyahay hambalyo 21-ka Janaayo, waxaan idin xusuusinayaa waajibaadka idinka saaran Af-soomaaliga iyo sare u qaadistiisa,\u201d ayuu yiri wasiir Daa\u2019uud Aweys Jaamac.<\/p>\n<p>21-ka Janaayo sanadkii 1973-dii, ayaa loo aqoonsaday maalinta Warfaafinta dalka, waana maalin qaran oo ku weyn quluubta bulshada,iyadoo maanta oo kale loo dabbaldego munaasabadda maalinta warbaahinta Soomaaliya oo aasaaskeeda ama bud-dhiggeeda uu ka soo wareegtay 50-sano.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho.(SONNA):- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Daa&#8217;uud Aweys Jaamac oo ka qeyb galay xuska munaasabadda 50-sano guuradii ka soo wareegatay markii uu soo baxay wargeys ku qoran Af-Soomaali ayaa hambalyo u diray guud ahaan shacabka Soomaaliyeed,gaar ahaan shaqaalaha warbaahinta dalka. Wasiirka ayaa bahda warbaahinta xusuusiyay waajibaadka ka saaran Af-Soomaaliga iyo sare [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":41,"featured_media":474869,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-474868","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/474868","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/41"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=474868"}],"version-history":[{"count":4,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/474868\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":474876,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/474868\/revisions\/474876"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/474869"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=474868"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=474868"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=474868"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}