{"id":474074,"date":"2023-01-15T08:15:30","date_gmt":"2023-01-15T08:15:30","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=474074"},"modified":"2023-01-15T08:15:30","modified_gmt":"2023-01-15T08:15:30","slug":"dagaalka-maaliyadeed-ee-khawaarijta-ku-socdaa-af-maahan-ee-waa-ficil-warbixin","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/dagaalka-maaliyadeed-ee-khawaarijta-ku-socdaa-af-maahan-ee-waa-ficil-warbixin\/","title":{"rendered":"Dagaalka Maaliyadeed ee Khawaarijta ku socdaa Af maahan ee waa Ficil. (Warbixin)"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho(SONNA):-Howlgalka kooxda khawaarijta dalka looga xoreynayo waxaa qeyb ka ahaa oo uu Madaxweynaha jamhuuriyadda feferaalka Soomaaliya Xasan sheekh Maxamuud ku dhawaaqay in aysan macquul ahayn \u00a0in lacaga baadda \u00a0ah ee khawaarijtu ka qaaddo dadka Shacabka ah kadibna lagu dhibaateeyo,waxaana ay dowladdu xirtay Akoonno dhowr ah oo argagixisada lacagaha loogu shubi \u00a0jiray.<\/p>\n<p>Tillaabadaani ayuu madaxweynuhu \u00a0u arkay in lagama maarmaan u tahay howlgalka ka dhanka ah khawaarijta ee ka socda guud ahaan dalka, waxa ayna dowladda soomaaliya xayritay in ku dhow 250-Akoon iyo 70-lambar oo kawaarijta lacaga loogu diri jiray,taa oo ay Shacabka soomaaliyeed la soo wadaageen islamarakaana laga howlgalay oo gebi ahaanba la xiray.<\/p>\n<p>\u201cSidee suurgal u tahay in tubooyinka ay lacagtu ugu socoto khawaarijta Shacabkana ay ku dhibaateeyaan,ma aqabalayno in Alshabaab lacag \u00a0ay ka qaataan shacabkeenna, dowladda way ka go\u2019antahay in ay joojisu gebi ahaanba lacaga haasi\u201d sidaa waxa yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.<\/p>\n<p>Xukuumadda Dan-Qaran oo fulinaysa baaqa Madaxweynaha JFS ee dagaalka khawaarijta ka dhanka ah ee dhaqaalaha ayaa bishii 10\/27\/2022 waxa ay soo saartay digniino ku socday Shacabka Soomaaliyeed iyo ganacsatada ,kuwaas oo loogu sheegay in aan \u00a0lala macaamili Karin khawaarijta, waxa ayna dowladdu xilligaa soo gudbisay lambarro ay shacabku ku soo gudbiyaan xogta khawaarijta.xilligaa waxii ka dambeeyay khawaarijtu waxa u bilawday maalmahoodii mugdiga ahaa.waxa ayna wajaheen ciriiri dhaqaale, kaas oo qeyb ka qaatay in la dabargooyo khawaarijta awoddoodii ciidan iyo mid dhaqaale intaba.<\/p>\n<p>Siddeetan Beri oo dabagal iyo dagaal dhanka dhaqaalaha ee khawaarijta lagu hayay waxa ay xukuumadda Dan Qaran\u00a0 si rasmi ah ugu dhawaaqday guulaha laga gaaray dagaalka dhanka dhaqaalaha ee khawaarijta lagula jiray, taa oo guula waweyn laga keenay.<\/p>\n<p>\u201cNatiijada hordhaca \u00a0ah waxa ay xaqiijineysay in dowladdu ay xayirty 250-Akoon oo kamid ah kuwa dadka soomaaliyeed ay la soo wadaageen\u00a0 ha\u2019adaha loogu talagalay in arrintaa korjogteeyaan,waxaa sidoo kale la xannibay 70-lambar oo ah kuwa khawaarijtu ay u isticmaali jireen in lacago baad \u00a0ah \u00a0loogu diro\u201d sidaa waxa warbaahinta u sheegay wasiir ku-xigeenka warfaafinta Cabdirahmaan Al-Caddaala<\/p>\n<p>Intaas oo guul ah waxaa barbar socday beegsiga iyo bur burinta goobaha ay khawaarijtu dadka ugu yeeri jireen iyo dadka aada intaba ,kuwaa oo qaarkood xabsiyada loo taxaabay si caddaaladda loo marsiiyo.<\/p>\n<p>\u201cWaxaad ogtihiin in dad badan oo odayaal dhaqameedyo ay ku jiraan oo khawaarijta u sii socday \u00a0in aan soo\u00a0 qabanay,waana xirxirnay inta kalana waan u sheegnay qof walba oo lacag u sii geeynayo khawaarijta lama oggolaanayo waana dembi,waxa uuna lamid yahay khawaarijta\u201d sidaa waxa yiri Ra\u2019isul\u00a0 wasaare Xamse<\/p>\n<p>Arrimahaasi oo dhan waxa ay sahashay in awooddoodii\u00a0 ciidan ay wiiqaan ciidamadda dowladdu iyo kuwa degaanka, kawaarijtana laga saaray degaanno badan oo dadka shacbaka ah mudda dheer ay ku dhibaateyn jireen<\/p>\n<p>sidoo kale waxaa dagaaladaasi looga dilay kumannaan isugu jira horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan khawaarijta halka kuwa kalana ay isa soo dhiibeen.<\/p>\n<p>Waxa ay khawaarijtu weysay Malaayiin doolar oo ay si baad ah uga qaadi jireen dadka shacabka ah kadibna\u00a0 ay ku dhibateyn jireen,iyaga oo hadda maraya marxaladdii ugu xumeyd,dhawaanna laga xoreyn doono degaannada weli ay ku dhuumaaleysanayaan.dalka.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho(SONNA):-Howlgalka kooxda khawaarijta dalka looga xoreynayo waxaa qeyb ka ahaa oo uu Madaxweynaha jamhuuriyadda feferaalka Soomaaliya Xasan sheekh Maxamuud ku dhawaaqay in aysan macquul ahayn \u00a0in lacaga baadda \u00a0ah ee khawaarijtu ka qaaddo dadka Shacabka ah kadibna lagu dhibaateeyo,waxaana ay dowladdu xirtay Akoonno dhowr ah oo argagixisada lacagaha loogu shubi \u00a0jiray. Tillaabadaani ayuu madaxweynuhu \u00a0u [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":44,"featured_media":474079,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[82,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-474074","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-maqaallada","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/474074","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/44"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=474074"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/474074\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":474080,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/474074\/revisions\/474080"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/474079"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=474074"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=474074"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=474074"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}