{"id":473989,"date":"2023-01-14T15:38:51","date_gmt":"2023-01-14T15:38:51","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=473989"},"modified":"2023-01-14T15:43:03","modified_gmt":"2023-01-14T15:43:03","slug":"madaxweyne-xasan-sheekh-oo-warqadaha-danjirenimo-ka-guddoomay-safiirrada-dalalka-faransiiska-netherlands-iyo-slovakia","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/madaxweyne-xasan-sheekh-oo-warqadaha-danjirenimo-ka-guddoomay-safiirrada-dalalka-faransiiska-netherlands-iyo-slovakia\/","title":{"rendered":"Madaxweyne Xasan Sheekh oo warqadaha danjirenimo ka guddoomay safiirrada dalalka, Faransiiska, Netherlands  iyo Slovakia"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho (SONNA) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay safiirrada cusub ee dalalka, Faransiiska, Netherlands\u00a0 iyo Slovakia ee loo soo magacaabay Soomaaliya.<\/p>\n<p>Munaasabad lagu qabtay Madaxtooyada Qaranka ayaa Madaxeweynuhu kaga guddoomiye waraaqaha Aqoonsiga Danjireyaasha kala ah, Mudane Arnaud Suquet Safiirka cusub ee dalka Faransiiska ee Soomaaliya, Mudane Maarten Brouwer Danjiraha Cusub ee Boqortooyada Netherlands iyo Marwo Katarina Zuffa Leligdonova oo ah Danjiraha cusub ee Jamhuuriyadda Slovakia u fadhin doonta dalkeenna.<\/p>\n<p>Danjireyaasha ayaa Madaxweynaha la wadaagay farriimo ay ka sideen Boqorrada iyo hoggaanka dalalkooda, iyagoo soo bandhigay dadaalka ay ku bixin doonaan adkaynta xiriirka taariikhiga ah ee ay la wadaagaan Dowlada iyo Shacab ka Soomaaliyeed.<\/p>\n<p>Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Danjireyaasha ayaa si gaar-gaar ah uga wada hadlay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga ay Dowladda Federaalka Soomaaliya la leeyihiin dalalkoodu, waxa uuna xusay ahmiyadda ay leedahay in ay xoojiyaan garab istaagga dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeda, si guul looga gaaro dowlad-dhiska iyo horumarinta dalka.<\/p>\n<p><img decoding=\"async\" src=\"https:\/\/scontent.fmgq2-1.fna.fbcdn.net\/v\/t39.30808-6\/324583490_932273271514087_1938754833158634224_n.jpg?_nc_cat=109&amp;ccb=1-7&amp;_nc_sid=8bfeb9&amp;_nc_ohc=PugRNkyHtjUAX9Nx-5d&amp;_nc_oc=AQma60P74Ch507Uvr0IJiyUOAeS0vlCYF9VcbV4BViTj5mtjSIbT635JYBert1kueC4&amp;_nc_ht=scontent.fmgq2-1.fna&amp;oh=00_AfCy1wE7D4i8Pwav7bXg_ctG4fo-C2IqTwDzalMjDf7L6g&amp;oe=63C80022\" alt=\"May be an image of 5 people, people standing and indoor\" \/><\/p>\n<p><img decoding=\"async\" src=\"https:\/\/scontent.fmgq2-1.fna.fbcdn.net\/v\/t39.30808-6\/325394409_1171774430122587_5412101402690861902_n.jpg?_nc_cat=108&amp;ccb=1-7&amp;_nc_sid=8bfeb9&amp;_nc_ohc=DBd_z9z0_f0AX-ciQh0&amp;_nc_ht=scontent.fmgq2-1.fna&amp;oh=00_AfCX6fCoXBA-ve9CbUR1jaC3RKmbfqKnAUCSEa5dHuaI6Q&amp;oe=63C78E77\" alt=\"May be an image of 5 people, people standing, suit and indoor\" \/><\/p>\n<p><img decoding=\"async\" src=\"https:\/\/scontent.fmgq2-1.fna.fbcdn.net\/v\/t39.30808-6\/324572009_507182617969412_9138780565514082818_n.jpg?_nc_cat=104&amp;ccb=1-7&amp;_nc_sid=8bfeb9&amp;_nc_ohc=zDNQGM8MCowAX-GG1Ud&amp;_nc_ht=scontent.fmgq2-1.fna&amp;oh=00_AfCSGsIjXxaHRW2I9Qu8v1aR-9G0eUNmRnllt1Mqi30nHg&amp;oe=63C74F90\" alt=\"May be an image of 5 people, people standing and indoor\" \/><\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho (SONNA) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay safiirrada cusub ee dalalka, Faransiiska, Netherlands\u00a0 iyo Slovakia ee loo soo magacaabay Soomaaliya. Munaasabad lagu qabtay Madaxtooyada Qaranka ayaa Madaxeweynuhu kaga guddoomiye waraaqaha Aqoonsiga Danjireyaasha kala ah, Mudane Arnaud Suquet Safiirka cusub ee dalka Faransiiska ee Soomaaliya, Mudane Maarten [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":32,"featured_media":473993,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-473989","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/473989","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/32"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=473989"}],"version-history":[{"count":3,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/473989\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":473996,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/473989\/revisions\/473996"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/473993"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=473989"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=473989"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=473989"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}