{"id":473926,"date":"2023-01-14T10:16:19","date_gmt":"2023-01-14T10:16:19","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=473926"},"modified":"2023-01-14T10:21:32","modified_gmt":"2023-01-14T10:21:32","slug":"soomaaliya-iyo-midowga-yurub-oo-xoojinaya-iskaashiga-ka-dhaxeeya","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/soomaaliya-iyo-midowga-yurub-oo-xoojinaya-iskaashiga-ka-dhaxeeya\/","title":{"rendered":"Soomaaliya iyo Midowga Yurub oo xoojinaya iskaashiga ka dhaxeeya"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho.(SONNA):- Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Abshir Cumar Jaamac (Huruuse)\u00a0 oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Brussels ee xarunta Midowga Yurub ayaa kulamo natiijo wanaagsan ka soo baxeen la yeeshay madax sar sare oo ka tirsan Midowga Yurub.<\/p>\n<p>Masuuliyiinta ay Wasiir Abshir Cumar Huruuse iyo wafdigii La socday la kulmeen waxaa ka mid ahaa Wakiilka sare ee arrimaha dibedda, siyaasadda iyo amniga\u00a0 u qaabilsan Midowga Yurub mudane Josep Borrell iyo 27 danjire ee wadamada Yurub u jooga xarunta Brussels, waxayna\u00a0 kala hadleen qorshayaasha hor-tebinta u leh dowladda\u00a0 Federaalka Soomaaliya iyo siday muhiimka u tahay garab istaagga\u00a0 Midowga Yurub.<\/p>\n<p>Wasiirka oo ay weheliyaan saraakiil sar sare oo ka kala socday xafiisyada madaxweynaha, Raisul Wasaaraha iyo Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa madaxda Midowga Yurub kala hadlay taageerada xagga laamaha ammaanka ,\u00a0 dib u heshiisiinta , kor u qaadidda horumarinta dhaqaalaha iyo dowlad wanaagga.<\/p>\n<p>Kulamada dhex-maray wafdiga dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Midowga Yurub ayaa lagu soo qaaday sidii\u00a0 kuwa guulaysta ay u noqon lahaayeen mashaariicda ay Midowga Yurub ka wadaan Soomaaliya iyagoo la waafajinayo qorshaha horumarinta qaranka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.<\/p>\n<p>Wafdiga Wasiir Abshir Cumar Jaamac ( Huruuse) ku weheliyay shirarkan muhiimka ah waxaa ka mid ahaa Aways Xaaji oo ah madaxa la-taliyayaasha Madaxweynaha, Xuseen Macalin la-taliyaha amniga qaranka,\u00a0 Axmed-Nuur Maxamed oo ah la-taliye sare xafiiska Raisul Wasaaraha, Jibriil Aw Maxamed\u00a0 la-taliyaha siyaasadda dibadda ee wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga iyo Danjire Yoonis Xaashi oo ah safiirkeenna Brussels.<\/p>\n<p><img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-473929\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/01\/325767542_469750012031572_268894443987417974_n.jpg\" alt=\"\" width=\"800\" height=\"533\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/01\/325767542_469750012031572_268894443987417974_n.jpg 800w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/01\/325767542_469750012031572_268894443987417974_n-300x200.jpg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/01\/325767542_469750012031572_268894443987417974_n-768x512.jpg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/01\/325767542_469750012031572_268894443987417974_n-696x464.jpg 696w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/01\/325767542_469750012031572_268894443987417974_n-630x420.jpg 630w\" sizes=\"auto, (max-width: 800px) 100vw, 800px\" \/> <img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-473928\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/01\/325466778_3035263489953598_3585586857220436699_n.jpg\" alt=\"\" width=\"800\" height=\"533\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/01\/325466778_3035263489953598_3585586857220436699_n.jpg 800w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/01\/325466778_3035263489953598_3585586857220436699_n-300x200.jpg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/01\/325466778_3035263489953598_3585586857220436699_n-768x512.jpg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/01\/325466778_3035263489953598_3585586857220436699_n-696x464.jpg 696w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/01\/325466778_3035263489953598_3585586857220436699_n-630x420.jpg 630w\" sizes=\"auto, (max-width: 800px) 100vw, 800px\" \/> <img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-473927\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/01\/325635193_697356281843311_39054630909647198_n.jpg\" alt=\"\" width=\"800\" height=\"533\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/01\/325635193_697356281843311_39054630909647198_n.jpg 800w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/01\/325635193_697356281843311_39054630909647198_n-300x200.jpg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/01\/325635193_697356281843311_39054630909647198_n-768x512.jpg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/01\/325635193_697356281843311_39054630909647198_n-696x464.jpg 696w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/01\/325635193_697356281843311_39054630909647198_n-630x420.jpg 630w\" sizes=\"auto, (max-width: 800px) 100vw, 800px\" \/><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho.(SONNA):- Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Abshir Cumar Jaamac (Huruuse)\u00a0 oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Brussels ee xarunta Midowga Yurub ayaa kulamo natiijo wanaagsan ka soo baxeen la yeeshay madax sar sare oo ka tirsan Midowga Yurub. Masuuliyiinta ay Wasiir Abshir Cumar [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":41,"featured_media":473929,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-473926","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/473926","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/41"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=473926"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/473926\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":473934,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/473926\/revisions\/473934"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/473929"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=473926"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=473926"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=473926"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}