{"id":473587,"date":"2023-01-11T08:57:09","date_gmt":"2023-01-11T08:57:09","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=473587"},"modified":"2023-01-11T08:57:09","modified_gmt":"2023-01-11T08:57:09","slug":"itoobiya-jabhadda-tigreega-oo-billaabay-inay-wareejiyaan-hubka-culus","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/itoobiya-jabhadda-tigreega-oo-billaabay-inay-wareejiyaan-hubka-culus\/","title":{"rendered":"Itoobiya :Jabhadda Tigreega oo billaabay inay wareejiyaan hubka culus"},"content":{"rendered":"<p>Fallaagada Tigreega ayaa bilaabay inay dhiibaan hubkooda culculus, kaasoo qayb muhiim ah ka ahaa heshiis la saxeexay laba bilood ka hor oo lagu soo afjarayo colaadda ba&#8217;an oo ka taagn waqooyiga Itoobiya, sida uu sheegay afhayeen u hadlay maamulka jabhadda.<\/p>\n<p>&#8220;Tigray waxay wareejisay hubkeeda culculus taasoo qayb ka ah fulinta heshiiskii ka dhacay Dalka K\/Afrika ee ay kala saxiixdeen dowladda Itoobiya iyo fallaagada Tigrayga, afhayeenka Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray Getachew Reda ayaa maanta oo Arbaco ah ku qoray bartiisa twitter-ka.<\/p>\n<p>Xilwareejinta hubka oo ka dhacday magaalada Agulae oo qiyaastii 30km waqooyi bari kaga beegan xarunta gobolka Mekelle ayaa waxaa kormeeray koox kormeerayaal labada dhinac iyo urur goboleedka IGAD.<\/p>\n<p>Qodobada heshiiska nabadeed ee la saxiixay 2-dii Nofembar waxaa ka mid ah in hubka laga dhigo ciidamada fallaagada, dib u soo celinta awoodda federaalka ee dhanka Tigray iyo dib u furidda gelitaanka iyo isgaarsiinta gobolka oo go&#8217;naa tan iyo bartamihii 2021-kii.<\/p>\n<p>Dagaalku wuxuu qarxay Noofambar 2020 markii Ra&#8217;iisul Wasaare Abiy Axmed uu gobolka Mekhelle \u00a0u diray ciidan,si ay u soo xiraan hoggaamiyayaasha Tigrayga ee caqabadda ku noqday maamulkiisa ,isagoo ku eedeeyay inay weerareen saldhigyada ciidamada federaalka.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Fallaagada Tigreega ayaa bilaabay inay dhiibaan hubkooda culculus, kaasoo qayb muhiim ah ka ahaa heshiis la saxeexay laba bilood ka hor oo lagu soo afjarayo colaadda ba&#8217;an oo ka taagn waqooyiga Itoobiya, sida uu sheegay afhayeen u hadlay maamulka jabhadda. &#8220;Tigray waxay wareejisay hubkeeda culculus taasoo qayb ka ah fulinta heshiiskii ka dhacay Dalka K\/Afrika [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":46,"featured_media":473590,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[83],"tags":[],"class_list":{"0":"post-473587","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-caalamka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/473587","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/46"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=473587"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/473587\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":473588,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/473587\/revisions\/473588"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/473590"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=473587"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=473587"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=473587"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}