{"id":473538,"date":"2023-01-11T06:49:44","date_gmt":"2023-01-11T06:49:44","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=473538"},"modified":"2023-01-11T07:37:57","modified_gmt":"2023-01-11T07:37:57","slug":"soomaaliya-iyo-masar-oo-kala-saxiixday-heshiis-waxbarashosawirro","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/soomaaliya-iyo-masar-oo-kala-saxiixday-heshiis-waxbarashosawirro\/","title":{"rendered":"Soomaaliya iyo Masar oo kala saxiixday heshiis waxbarasho+Sawirro"},"content":{"rendered":"<p>Qaahira-(SONNA)-Wasiirka Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS Mudane, Faarax Sheekh C\/qaadir ayaa magaalada Qaahira kula kulmay Wasiirka Wasaaradda Tacliinta Sare iyo Cilmi-baarista Sayniska ee Jamhuuriyadda Carabta ee Masar Dr. Maxamed Ayman Cashuur.<\/p>\n<p>Labada Wasiir ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga labada dhinac, gaar ahaan dhinacyada sayniska iyo waxbarashada ee la xiriira Jaamacadaha iyo xarumaha tacliinta sare.<\/p>\n<p>Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Ergeyga Joogtada ah ee Jaamacadda Carabta, Danjire Ilyaas Sheekh Cumar Abuu Bakar oo hadal ka jeediyay kulanka kadib ayaa bogaadiyay horumarka weyn ee ay Masar xiligan ka samaysay dhinac walba, gaar ahaan qeybaha tacliinta sare iyo tayeynta Jaamacadaha gaarka loo leeyahay, isagoo ka mahadceliyay dadaalka Masar ay ugu jirto taageerada Jaamacadaha Soomaaliya tayeynta iyo horumarinta awoodda jiilashada soo koraya si ay ugu adeegaan dalkooda.<\/p>\n<p>Safiir Ilyaas ayaa sheegay in labada Wasiir ay isku afgarteen in la kordhiyo Isdhaafsiga wafuudda ee dhinacyada Cilmiga iyo waxbarashada, sidoo kalena la isku dhaafsado booqashooyin kala duwan oo ay isugu imaanayaan qaar ka mid ah mas\u2019uuliyiinta tacliinta sare ee labada dal, iyadoo lays weydaarsanayo khubaro kala duwan ee dhinacyada Sayniska, Farsamada iyo Maamulka ka dhexeeya xarumaha tacliinta sare Jaamacadaha iyo xarumaha cilmi-baadhista.<\/p>\n<p>Heshiiskan ayaa kor u qaadaya is-dhaafsiga manhajka iyo barnaamijyada tacliinta iyo in ardayda Soomaaliyeed ay wax ka bartaan Jaamacadaha dalka Masar, waxa uuna rajo ka muujinayaa in uu kordhin doono deeqaha waxbarasho si loo diyaariyo jiil Soomaaliyeed oo awood u leh in uu wajaho caqabadaha jira.<\/p>\n<p><img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-473567 size-full\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/01\/Sh6.jpg\" alt=\"\" width=\"1600\" height=\"1066\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/01\/Sh6.jpg 1600w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/01\/Sh6-300x200.jpg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/01\/Sh6-1024x682.jpg 1024w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/01\/Sh6-768x512.jpg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/01\/Sh6-1536x1023.jpg 1536w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/01\/Sh6-696x464.jpg 696w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/01\/Sh6-1068x712.jpg 1068w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/01\/Sh6-630x420.jpg 630w\" sizes=\"auto, (max-width: 1600px) 100vw, 1600px\" \/> <img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-473568 size-full\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/01\/Sh5.jpg\" alt=\"\" width=\"1280\" height=\"854\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/01\/Sh5.jpg 1280w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/01\/Sh5-300x200.jpg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/01\/Sh5-1024x683.jpg 1024w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/01\/Sh5-768x512.jpg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/01\/Sh5-696x464.jpg 696w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/01\/Sh5-1068x713.jpg 1068w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/01\/Sh5-630x420.jpg 630w\" sizes=\"auto, (max-width: 1280px) 100vw, 1280px\" \/> <img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-473569 size-full\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/01\/Sh4.jpg\" alt=\"\" width=\"1280\" height=\"854\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/01\/Sh4.jpg 1280w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/01\/Sh4-300x200.jpg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/01\/Sh4-1024x683.jpg 1024w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/01\/Sh4-768x512.jpg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/01\/Sh4-696x464.jpg 696w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/01\/Sh4-1068x713.jpg 1068w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/01\/Sh4-630x420.jpg 630w\" sizes=\"auto, (max-width: 1280px) 100vw, 1280px\" \/> <img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-473570 size-full\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/01\/Sh3.jpg\" alt=\"\" width=\"1280\" height=\"854\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/01\/Sh3.jpg 1280w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/01\/Sh3-300x200.jpg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/01\/Sh3-1024x683.jpg 1024w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/01\/Sh3-768x512.jpg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/01\/Sh3-696x464.jpg 696w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/01\/Sh3-1068x713.jpg 1068w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/01\/Sh3-630x420.jpg 630w\" sizes=\"auto, (max-width: 1280px) 100vw, 1280px\" \/><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Qaahira-(SONNA)-Wasiirka Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS Mudane, Faarax Sheekh C\/qaadir ayaa magaalada Qaahira kula kulmay Wasiirka Wasaaradda Tacliinta Sare iyo Cilmi-baarista Sayniska ee Jamhuuriyadda Carabta ee Masar Dr. Maxamed Ayman Cashuur. Labada Wasiir ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga labada dhinac, gaar ahaan dhinacyada sayniska iyo waxbarashada ee la [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":7,"featured_media":473565,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-473538","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/473538","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/7"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=473538"}],"version-history":[{"count":3,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/473538\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":473573,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/473538\/revisions\/473573"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/473565"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=473538"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=473538"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=473538"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}