{"id":472769,"date":"2023-01-05T05:28:19","date_gmt":"2023-01-05T05:28:19","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=472769"},"modified":"2023-01-07T09:17:37","modified_gmt":"2023-01-07T09:17:37","slug":"wakaaladda-wararka-sonna-oo-manta-u-dabbaaldageysa-sanadguurada-59-aad","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/wakaaladda-wararka-sonna-oo-manta-u-dabbaaldageysa-sanadguurada-59-aad\/","title":{"rendered":"Wakaaladda Wararka SONNA oo maanta u dabbaaldegtay sanadguurada 59-aad\u00a0\u00a0"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho(SONNA):-Wakaaladahaa wararka waa hey\u2019addo u xilsaaran ,ururita iyo habeynta wararka iyo guud ahaan raadinta\u00a0 macluuumaadka kale ee loo gudbiyo bulsho weynta caalamka,waxayna wakaaladuhu u qeybsamaan kuwo caaalami ah iyo kuwo dowli ah.<\/p>\n<p>Wakaaladaha wararka ee caalamiga ah waa kuwo xirfaf ahaan ku shaqeysta warbaahinta, waxayna leeyihiin macaamiil ay ka iibsadaan wararka,sida wargeysyada,Idaacadaha iyo taleefidhinada, waxaana kamid ah afarta wakaaladood ee ugu caansan sida,- AFP, Associated Press (AP), Reuters iyo United Press.<\/p>\n<p>Waakaaladaha wararka ee dowliga ah,badanaa waxaa gacanta ku haya xukuumadaha ,waxayna ku hadlaan afka dowladda, iyagoo gudbiya wararka caadiga ah iyo siyaasadaha dowladaha<\/p>\n<p>Dhammaan Wakaaladaha waxa ay ka shaqeeyaan sidii loo heli lahaa kalsoonida dadka, loogana fogaan lahaa wararka beenta ah,iyagoo Xogta saxda ah ee muuqaalada dhacdooyinka u gudbiya qaabab kala duwan oo ay ka mid yihiin hab ganacsi.<\/p>\n<p>Wakaaladaha wararka waxaa loo tixgeliyaa in ay yihiin adeeg wareed (news wire), kuwaas oo wadaaga dhaqan ahaan masuuliyad macquul ah oo tilmaameysa in helitaanka wararka iyo dhacdooyinka loo tiiriyo ama loo nisbeeyo afhayeen ama ilo muhiim ah oo lagu kalsoonaan karo.<\/p>\n<p>Haddana,Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed oo ka mid ah kuwa dowliga ah waxay maanta u dabbaaldageysaa xuska sanadguurada 59-aad ee ka soo wareegatay aasaaskii Wakaaladda Wararka SONNA.<\/p>\n<p>Wakaaladda SONNA, waxaa la aasaasay 5-tii Janaayo ee sanadkii 1964-tii waana mid ka mid ah Tiirararka ugu weyn ee ay ku faanto wasaaradda Warfaafinta Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya .<\/p>\n<p>Dhismaha Wakaaladda ayaa yimid xilli ay dalka ka jireen 2- Idaacadood oo kala ahaa:- Raadiyo Hargeysa oo la furay 1943-dii iyo Raadiyo Muqdisho oo la furay 1951-kii,kuwaas oo wax ku gudbin jiray dhowr luqadood oo ay fahmi kareen tiro aad u yar oo Soomaali ah.<\/p>\n<p>Wakaaladda Wararka SONNA waa hey\u2019ad ka mid ah warbaahinta oo u xilsaaran ururinta wararka gudaha iyo dibadda, xaqiijinta dhacdooyinka iyo bixinta akhbaraadka ay u baahan yihiin raadiyaha, telefishanka, wargeyska iyo bogagga Websaydyada ee baraha bulshada.<\/p>\n<p>Marka loo eego Howsha Wakaaladda SONNA\u00a0 waa warbaahin shaqeysa 24-saac oo xiriir ah, iyadoo laamo ama xafiisyo ku leh gudaha dalka iyo dibadda sida Dowladaha Islaamka,Jaamacadda Carabta, Midowga Afrika iyo kuwa caalamiga ah.<\/p>\n<p>SONNA ayaa ah\u00a0 isha wararka\u00a0,waxeyna ku shaqeysaaa daacadnimo, dhex-dhexaadnimo iyo dabagal,iyadoo gudbisa wararka iyo dhacdooyinka xiisaha u leh bulshada Soomaaliyeed iyo kuwa caalamka.<\/p>\n<p>Wasaaradda Warfafinta waxay dadaal ku bixisay sidii loo \u00a0hormarin lahaa qeybaha warbaahinta ,gaar ahaan wakaaladda wararka SONNA si loo helo aqoon lagu kaabo howsha warbaahinta ,iyada oo loo marayo qaab farsamo oo casriyeysan.<\/p>\n<p>Sadex iyo tobankii \u00a0sano ee u dmbeeyay SONNA,waxay soo ceshatay xiriirkii ay la laheyd wakaaladaha caalamiga ah iyo dowladaha daneeya arrimaha Soomaaliya,waxaana kamid ah Shiinaha,Turkiga,Suudaan, ,Qadar,Kuweyt, Imaaraadka ,Sacuudiga,Raashiya iyo Bulgariya.<\/p>\n<p>Hadafka SONNA ee xilligaan iyo mustaqbalka fog waa1-in hawsha SONNA la\u00a0 gaarsiyo Gobolada dalka iyo dibadaha iyadoo kor loo qaadayo aqoonta shaqaalihii hore iyo kuwa cusub ee ku soo biiraya wakaaladda.<\/p>\n<p>2 \u2013la socodka wararka ay daabacaan wakaaladaha iyo warbaahinada kale ee\u00a0 caalamka.<\/p>\n<p>3 \u2013diyaarinta warar xaqiiqo ah oo ka turjumaya danta bulshada,gaar ahaan xilligga ay dhacayaan.<\/p>\n<p>4 \u2013 kordhinta qalabka saxaafadda ee ay ku howlgalaan wakaaladda wararka SONNA.<\/p>\n<p>5 \u2013 in danjirayaasha ku sugan dalka la siiyo warar ku qoran buletiinka oo ku hadlaya luqadaha Ingiriiska,carabiga Talyaaniga iyo kuwo kale,<\/p>\n<p>6 \u2013in ay diiwaangeliso dhacdooyinka,iyadoo lala kaashanaayo hay\u2019adaha wararka ee\u00a0 goboladaa iyo caalamka.<\/p>\n<p>7\u2013\u00a0 tixgelinta qiyamka iyo dhaqanka dadka Soomaaliyeed,gaar ahaan xilliyada faafinta wararka.<\/p>\n<p>8 \u2013 in kor loo qaado aqoonta shaqaalaha si ay u abuuraan jawi wanaagsan oo lagu shaqeyn karo.<\/p>\n<p>Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta XFS mudane Daa\u2019uud Aweys Jaamac ayaa gabagabadii\u00a0 dhambaal hambalyo ah u diray maamulka iyo shaqaalaha Wakaalada Wararka SONNA oo maanta u dabbaaldegaya xuska sanadguurada 59-aad ee ka soo\u00a0 wareegatay aasaaska wakaaladda.<\/p>\n<p>Wasiirka iyo madaxda kale ee wasaaradda waxay \u00a0u rajeeyeen maamulka iyo shaqaalaha Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA in sanadkaan kisa kaler ay ku gaaraan horumar iyo barwaaqo.<\/p>\n<p>SONNA<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho(SONNA):-Wakaaladahaa wararka waa hey\u2019addo u xilsaaran ,ururita iyo habeynta wararka iyo guud ahaan raadinta\u00a0 macluuumaadka kale ee loo gudbiyo bulsho weynta caalamka,waxayna wakaaladuhu u qeybsamaan kuwo caaalami ah iyo kuwo dowli ah. Wakaaladaha wararka ee caalamiga ah waa kuwo xirfaf ahaan ku shaqeysta warbaahinta, waxayna leeyihiin macaamiil ay ka iibsadaan wararka,sida wargeysyada,Idaacadaha iyo taleefidhinada, waxaana [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":46,"featured_media":472784,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,82],"tags":[],"class_list":{"0":"post-472769","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-maqaallada"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/472769","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/46"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=472769"}],"version-history":[{"count":10,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/472769\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":472853,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/472769\/revisions\/472853"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/472784"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=472769"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=472769"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=472769"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}