{"id":472517,"date":"2023-01-02T08:28:11","date_gmt":"2023-01-02T08:28:11","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=472517"},"modified":"2023-01-07T09:17:37","modified_gmt":"2023-01-07T09:17:37","slug":"khawaarijtu-waa-dad-sumeysanmaqaal","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/khawaarijtu-waa-dad-sumeysanmaqaal\/","title":{"rendered":"Khawaarijtu Waa Dad Sumeysan (maqaal)"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho(SONNA):-Tobanaan sano oo gumeysi iyo gumaad shacab ah kadib, dadki Soomaaliyeed way kaceen, waxayna isku dhaarsadeen geeri geesinimo leh, waxay iska diideen in ay goradda laaladiyaan oo gunnimo geeri ku sugaan, waxa ay garwaaqsadeen in qof walba oo Soomali ahi uu geeri ku xakumanyahay, kii dhuunta iyo kii dheeradaba. waxay gowsdanbeedka ku qabsadeen xaqa nafdaafaca\u00a0 ee ay diinta suuban siisay.waxayna go\u2019aansadeen in ay ilaashadaan daruuriyaadka shanta ah ee ay diinta islaamka ilaalisay . In ay ilaalsadaan diintooda la suurad xumeeyay,ilaashadaan naftooda sabab la\u2019aanta lagumaadayo, ilaashadaan caqligoodan dhaqidda iyo marinhabaabinta lagu wado ilaashadaan sharafkoodan la duugay, ilaashadaan maalkooda lagu dilayo midka kale ee walaalkooda ah.<\/p>\n<p>Waxaa hubka qaaday duqow iyo da\u2019yarba, waxaana guntiga dhiisha isaga dhigay ganbooleeyda oo guubaabo iyo garab istaagba u tegay goobaha dagaalka. Waxaa dhiirradey oo ka dhiidhiyay dhiigga dadkooda ka qubanayo dhallinyaro, kuwaas oo safaf dhaadheer ugu jira kubiiridda Ciidanka Xogga Dalka, si ay dadkooda uga dhiciyaan dhiiglaawayaasha dhameeyay.. Sidoo kale, waxaa kacdoonkan codkooda ku biiriyay cullimo iyo cuqaal iyaga oo caddeeyay inuu xaq yahay dagaalka argagixisada lagula jiro.<\/p>\n<p>Kacdoonkan la isaga fujinayo shlinta dhiigga dadka\u00a0 jaqeysa waxaa hogaaminaya Madaxwaynaha dalka, oo geed kasta ka sheegay in argagixisada shabaab la iska dhiciyo\u00a0 lana dagaalamo\u00a0 dagaal dhankasta leh, waxa uuna cod adag ugu digay dadka Soomaliyeed ee cabsida ku bixiya lacagaha baadda\u00a0 ah, isagoo yiri \u201c cudur daar aduunyo iyo mid aakhiraba ma leh\u00a0 in aad Shabaab dhaqaalo siiso. In aad qariso\u00a0 iyo in aad ka baqdaba. Sow lagama yaabo,\u00a0 dadka lacagta dhiibayow\u00a0 in dadka la laynayo ay ku jiraan walaalihiin, wiilashiinna, gabdhihiina iyo kuwa aad jeceshihiinba?!&#8221;<\/p>\n<p>Dadka Soomaaliyeed iyo dowladdoodaba waxay isku dhaarsadeen geeri geesinimo leh, waxaana ku daateen dhiiigg qiima leh oo ay si naftii hurnimo ah u bixiyeen saraakiil sarsare, askar, cuqaal, da\u2019yar iyo duqowba,kuwaas oo ka hor inta aysan dhimaman shabaab dhadhansiiyay qaraarka guuldarrada,isla markaana shacabka u\u00a0 suuragaliyay in ay neefsadaan hawada xoriyadda,wuxuuna halgankoodu keenay in\u00a0 lagu safro dhul aysan macaquul ahayn in horay loogu safro, iyadoo dhiigga shuhaddadu uu rajada ku soo celiyay shacab Soomaaliyeed oo hilow iyo hamuun u qabay dowladnimada, waxaa iyana rajadaas rumeeyay Madaxda dalka oo uu ugu horreeyo Madaxwaynaha, isagoo lug ku maray inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Maxaas safarkaas oo cinwaankiisu ahaa safarka xoriyadda, dadka Maxaasna ay Madaxwaynaha ku soo dhaweeyeen dareen farxad iyo filasho leh, Dareen raynrayn iyo rejo leh.<\/p>\n<p>Waxaa sidoo kale safar ku tagay Aadan yabaan Raiisulwasaare xamse, una\u00a0 soo laab qaboojiyay bulshada Aadan yabaal oo ay daashadeen duruufaha ka dhashey tacadiyadii Shabaabka ee lahaa caafimmad darrada,\u00a0 Waxbarasho la\u2019aanta iyo maqnaanshaha adeegyadii aasaasiga ahaa<\/p>\n<p>Raysal wasaaraha oo la hadlayay shacabka Aadan yabaal ayaa ku yiri \u201cquluubtiinna ka saara cabsida Khawaarijta, quluubta ka saara caqiida xumadooda, Diinnta Islaamka ee saxda ah ayaa lagu dhaqi doonaa halkan e\u201d\u00a0 Dowladda iyo dadka Soomaaliyeed waxay Shabaab dhadhan siiyeen qaraarka guuldarada,\u00a0 iyagoo laga laayay boqolaal dagaalamayaashooda ah, dhul aad u ballaarankna dib looga xoreeyay, iyada oo ay suuragashey in dadkaasi lala gaaro gargaar bini&#8217;aadanimo, dadkii ku noolaa deegaannada Khawaarijtu heysteen waxay garowsadeen in ay ku noolaayeen xabsi kor ka furan oo ay ugu jireen dhiig miirratada argagixisada ah.<\/p>\n<p>Ugu danbeyntii\u00a0 waxa ay dadka Soomaaliyeed garowsadeen in Shabaabku muuqa Soomaali ka yihiin, balse ay yihiin Soomaali sumaysan oo halis ku ah jiritaan ka Soomaalida kale.<\/p>\n<p>Qalinka Fardows Daahir<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho(SONNA):-Tobanaan sano oo gumeysi iyo gumaad shacab ah kadib, dadki Soomaaliyeed way kaceen, waxayna isku dhaarsadeen geeri geesinimo leh, waxay iska diideen in ay goradda laaladiyaan oo gunnimo geeri ku sugaan, waxa ay garwaaqsadeen in qof walba oo Soomali ahi uu geeri ku xakumanyahay, kii dhuunta iyo kii dheeradaba. waxay gowsdanbeedka ku qabsadeen xaqa nafdaafaca\u00a0 [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":46,"featured_media":472519,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[82],"tags":[],"class_list":{"0":"post-472517","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-maqaallada"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/472517","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/46"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=472517"}],"version-history":[{"count":3,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/472517\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":472524,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/472517\/revisions\/472524"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/472519"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=472517"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=472517"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=472517"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}