{"id":472160,"date":"2022-12-29T07:36:55","date_gmt":"2022-12-29T07:36:55","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=472160"},"modified":"2022-12-29T08:31:08","modified_gmt":"2022-12-29T08:31:08","slug":"culumada-soomaaliyeed-oo-ku-baaqay-inaan-loo-kala-harin-dagaalka-ka-dhanka-ah-khawaarijta-al-shabaab","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/culumada-soomaaliyeed-oo-ku-baaqay-inaan-loo-kala-harin-dagaalka-ka-dhanka-ah-khawaarijta-al-shabaab\/","title":{"rendered":"Culumada Soomaaliyeed oo ku baaqay inaan loo kala harin dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta Al-shabaab"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho,(SONNA):- Magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya waxaa lagu qabtay Shirka Culumada Soomaaliyeed ay isugu yimaadeen oo looga hadlay arrimaha dacwadda Diinta Islaamka iyo sidii Soomaalida Diintooda iyo dhaqankooda Suuban u ilaashan lahaayeen.<\/p>\n<p>Culumada ayaa shirka ka soo saaray in ay bannaan tahay in dagaal adag lala galo kooxda Khawaarijta Al-sabaab iyo in laga difaaco dadka,dalka iyo Diinta oo Kooxdu halis ku tahay.<\/p>\n<p>Guddoomiyaha Hay\u2019adda Culumada Soomaaliyeed Sheikh Bashiir Axmed Salaad ayaa sheegay in mowqifka culimada uu cad yahay, in Khawaarita la iska celiyana waajib tahay.<\/p>\n<p>\u201c Mowqifka culumada wuu cad yahay oo ku saabsan mowduucaasi, in nimankaas la iska celiyaa waa waajib.Maxaa yeelay xadgudubkooda meel kasta ayuu gaaray,marka in la iska celiyo Diinta laga celiyo,dadka laga celiyo baan ku baaqnay kuna baaqeynaa waliba loo kala harin,\u201d ayuu yiri Sheikh Bashiir Axmed Salaad.<\/p>\n<p>Sidoo kale, Madaxa xarunta Ansaarul Sunnah oo shirka soo qaban qaabisay Sheikh Cabdirisaaq Jiir, ayaa cadeeyay in argagixisadu ay bartilaameed ka dhigteen culimada.<\/p>\n<p>\u201c Xaqiiqatan dhibka ugu xooggan wuxuu haystaa culimada, waxayna maanta argagixisada bartilmaameed ka dhigteen waa culimada, waxay dileen culimo badan oo indho iyo iftiin u ahaa shacabka,\u201d ayuu yiri Sheikh Cabdirisaaq Jiir.<\/p>\n<p>Shirka culumada Soomaaliyeed ayaa waxaa ka qeyb galay boqolaal dadweyne Soomaaliyeed iyo culimo ka kala yimid daafaha caalamka, waxaa culumada shirka ka qeyb galay\u00a0 ka mid ah Sh Mustafa Xaaji Ismaaciil haaruun,Sh Cabdirashiid Sh Cali Suufi, Sheikh Bashiir Axmed Salaad, Sheikh Maxamed Idiris,Sheikh Maxamed Dirir iyo Sheikh Abuu Shaybah.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho,(SONNA):- Magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya waxaa lagu qabtay Shirka Culumada Soomaaliyeed ay isugu yimaadeen oo looga hadlay arrimaha dacwadda Diinta Islaamka iyo sidii Soomaalida Diintooda iyo dhaqankooda Suuban u ilaashan lahaayeen. Culumada ayaa shirka ka soo saaray in ay bannaan tahay in dagaal adag lala galo kooxda Khawaarijta Al-sabaab iyo in laga difaaco [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":41,"featured_media":472163,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-472160","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/472160","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/41"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=472160"}],"version-history":[{"count":4,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/472160\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":472167,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/472160\/revisions\/472167"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/472163"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=472160"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=472160"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=472160"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}