{"id":472136,"date":"2022-12-29T02:52:51","date_gmt":"2022-12-29T02:52:51","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=472136"},"modified":"2022-12-29T03:10:16","modified_gmt":"2022-12-29T03:10:16","slug":"war-murtiyeed-ka-kooban-shan-qodob-oo-laga-soo-saaray-shirkii-golaha-wadatashiga-qaran","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/war-murtiyeed-ka-kooban-shan-qodob-oo-laga-soo-saaray-shirkii-golaha-wadatashiga-qaran\/","title":{"rendered":"Akhriso-War-murtiyeed ka kooban Shan qodob oo laga soo saaray Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran"},"content":{"rendered":"<div class=\"x11i5rnm xat24cr x1mh8g0r x1vvkbs xdj266r x126k92a\"><\/div>\n<div class=\"x11i5rnm xat24cr x1mh8g0r x1vvkbs xtlvy1s x126k92a\">\n<div dir=\"auto\">\n<div class=\"simplesocialbuttons simplesocial-simple-round simplesocialbuttons_inline simplesocialbuttons-align-left post-472124 post simplesocialbuttons-inline-no-animation simplesocialbuttons-inline-in\"><button class=\"simplesocial-fb-share\" data-href=\"https:\/\/www.facebook.com\/sharer\/sharer.php?u=https:\/\/sonna.so\/so\/dowladda-soomaaliya-iyo-dowladda-jabuuti-oo-yeeshay-wada-xaajood-ku-saabsan-xariirka-labada-dal\/\"><span class=\"simplesocialtxt\">Facebook<\/span><\/button>\u00a0<button class=\"simplesocial-msng-share\" data-href=\"http:\/\/www.facebook.com\/dialog\/send?app_id=891268654262273&amp;redirect_uri=https%3A%2F%2Fsonna.so%2Fso%2Fdowladda-soomaaliya-iyo-dowladda-jabuuti-oo-yeeshay-wada-xaajood-ku-saabsan-xariirka-labada-dal%2F&amp;link=https%3A%2F%2Fsonna.so%2Fso%2Fdowladda-soomaaliya-iyo-dowladda-jabuuti-oo-yeeshay-wada-xaajood-ku-saabsan-xariirka-labada-dal%2F&amp;display=popup\"><span class=\"simplesocialtxt\">Messenger<\/span><\/button>\u00a0<button class=\"simplesocial-whatsapp-share\" data-href=\"https:\/\/web.whatsapp.com\/send?text=https:\/\/sonna.so\/so\/dowladda-soomaaliya-iyo-dowladda-jabuuti-oo-yeeshay-wada-xaajood-ku-saabsan-xariirka-labada-dal\/\"><span class=\"simplesocialtxt\">WhatsApp<\/span><\/button>\u00a0<button class=\"simplesocial-twt-share\" data-href=\"https:\/\/twitter.com\/share?text=Dowladda+Soomaaliya+iyo+dowladda+Jabuuti+oo+yeeshay+wada+xaajood+ku+saabsan+xariirka+labada+dal&amp;url=https:\/\/sonna.so\/so\/dowladda-soomaaliya-iyo-dowladda-jabuuti-oo-yeeshay-wada-xaajood-ku-saabsan-xariirka-labada-dal\/\"><span class=\"simplesocialtxt\">Twitter<\/span><\/button>\u00a0<button class=\"simplesocial-linkedin-share\" data-href=\"https:\/\/www.linkedin.com\/sharing\/share-offsite\/?url=https:\/\/sonna.so\/so\/dowladda-soomaaliya-iyo-dowladda-jabuuti-oo-yeeshay-wada-xaajood-ku-saabsan-xariirka-labada-dal\/\"><span class=\"simplesocialtxt\">LinkedIn<\/span><\/button><\/div>\n<p>MUQDISHO-(SONNA)-<span class=\"post-title\">Akhriso<\/span>-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey shirka 4aad ee Golaha Wadatashiga Qaran (GWQ) kaas oo lagu qabtay Muqdisho 25-28 December 2022. Shirka waxaa ka soo qaybgalay Ra\u2019iisul Wasaaraha XJFS Mudane Xamza Cabdi Barre, Ra\u2019iisul Wasaare K\/xigeenka XJFS Mudane Saalax Axmed Jaamac, Madaxweynaha Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni, Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaan, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdishu Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale).<\/p>\n<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"x11i5rnm xat24cr x1mh8g0r x1vvkbs xtlvy1s x126k92a\">\n<div dir=\"auto\">Golaha Wadatashiga Qaran ayaa kulankooda uga doodey ajandeyaashii lagu balansanaa ee Astaynta Awoodaha ee heerarka dowladda iyo Hannaanka Federaaleynta Garsoorka. Sidoo kale, Golaha ayaa iska wareystay xaaladda amni ee dalka, geedi-socodka dimuqraadiyadeynta iyo saameynta abaaraha.<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"x11i5rnm xat24cr x1mh8g0r x1vvkbs xtlvy1s x126k92a\">\n<div dir=\"auto\">QODOBADA SHIRKA KA SOO BAXAY<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"x11i5rnm xat24cr x1mh8g0r x1vvkbs xtlvy1s x126k92a\">\n<div dir=\"auto\">Iyada oo la tixraacayo qodobadii ka soo baxay Warmurtiyeedkii shirkii 3aad ee Golaha Wadatashiga Qaran ee October 31, 2022, Goluhu wuxuu ka wada hadley kuna heshiiyey qodobada soo socda, marka laga reebo Dawladda Puntland oo aragtideeda ku aadan qodobada 1 iyo 2 dib kasoo gudbin doonta:<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"x11i5rnm xat24cr x1mh8g0r x1vvkbs xtlvy1s x126k92a\">\n<div dir=\"auto\">HANNAANKA FADERAALAYNTA GARSOORKA<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"x11i5rnm xat24cr x1mh8g0r x1vvkbs xtlvy1s x126k92a\">\n<div dir=\"auto\">Goluhu, marka laga reebo Puntland, wuxuu saxiixay heshiis siyaasadeedka Hannaanka Fedaraalaynta Garsoorka iyadoo la isku raacay in la qaato hannaanka isku-dhafka ah ee garsoorka.<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"x11i5rnm xat24cr x1mh8g0r x1vvkbs xtlvy1s x126k92a\">\n<div dir=\"auto\">ASTAYNTA AWOODAHA HEERARKA DOWLADDA<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"x11i5rnm xat24cr x1mh8g0r x1vvkbs xtlvy1s x126k92a\">\n<div dir=\"auto\">Goluhu, marka laga reebo Puntland, wuxuu isku raacay, saxiixayna heshiis siyaasadeedka Astaynta Awoodaha heerarka dowladda kuwaas oo kala ah: awoodaha u gaar ah heer federaal, kuwo u gaarka ah heer DXDF iyo kuwo wadaagga ah.<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"x11i5rnm xat24cr x1mh8g0r x1vvkbs xtlvy1s x126k92a\">\n<div dir=\"auto\">SUGIDDA AMNIGA IYO LA DAGAALANKA ARGAGIXISADA<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"x11i5rnm xat24cr x1mh8g0r x1vvkbs xtlvy1s x126k92a\">\n<div dir=\"auto\">Golaha Wada-tashiga Qaran waxaa uu mar kale bogaadiyay guulaha isdaba joogga ah ee ay gaareen ciidanka qalabka-sida oo kaashanaya Shacabka Soomaaliyeed oo guud ahaan dalka lagaga ciribtirayo khawaarijta.<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"x11i5rnm xat24cr x1mh8g0r x1vvkbs xtlvy1s x126k92a\">\n<div dir=\"auto\">Goluhu waxaa uu si gaar ah u bogaadinayaa shacabka iyo Dawladaha Hirshabelle iyo Galmudug oo guulo waaweyn kasoo hoyay la dagaalanka khawaarijta.<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"x11i5rnm xat24cr x1mh8g0r x1vvkbs xtlvy1s x126k92a\">\n<div dir=\"auto\">Goluhu wuxuu sidoo kale bogaadinayaa dadaalada iyo diyaargarowga ka socda Dawladaha Koonfur Galbeed iyo Jubbaland ee ku aaddan la dagaalanka Khawaarijta.<\/div>\n<div dir=\"auto\">Goluhu wuxuu mar kale isla qaatay in ciribtirka kooxaha khawaarijta la dardargeliyo, la iskuna dubarido dadaallada kala duwan ee ka socda qaybaha kala duwan ee dalka.<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"x11i5rnm xat24cr x1mh8g0r x1vvkbs xtlvy1s x126k92a\">\n<div dir=\"auto\">Goluhu wuxuu isla-qaatay in la sameeyo guddi farsamo oo ka shaqeeya dhammaystirka heshiiskii Qaab-dhismeedka Amniga Qaranka ee April 2017, kahor 10 Janaayo 2023, si shirka xiga ee Golaha Wadatashiga Qaran uu guddigaasi ugu soo gudbiyo talooyin iyo warbixin dhammaystiran.<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"x11i5rnm xat24cr x1mh8g0r x1vvkbs xtlvy1s x126k92a\">\n<div dir=\"auto\">DIMUQRAADIYEYNTA IYO DOORASHOOYINKA<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"x11i5rnm xat24cr x1mh8g0r x1vvkbs xtlvy1s x126k92a\">\n<div dir=\"auto\">Goluhu wuxuu isla qaatay in u magacaabo guddi farsamo kahor 10 Janaayo 2023, si guddigaas uu u soo diyaariyo talooyin la xiriira sidii dalka looga dhaqan-gelin lahaa doorashooyin hal-beeg caalami leh.<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"x11i5rnm xat24cr x1mh8g0r x1vvkbs xtlvy1s x126k92a\">\n<div dir=\"auto\">DHACDADII BAYDHABO EE DAWLADDA KOONFUR GALBEED<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"x11i5rnm xat24cr x1mh8g0r x1vvkbs xtlvy1s x126k92a\">\n<div dir=\"auto\">Goluhu wuxuu ka tacsiyadeynayaa kana xun yahay dhacdadii gacanka hadalka ahayd ee ka dhacdey magaalada Baydhabo taariikhdu markay ahayd 23-ka Diseember 2022.<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"x11i5rnm xat24cr x1mh8g0r x1vvkbs xtlvy1s x126k92a\">\n<div dir=\"auto\">Goluhu wuxuu adkeynayaa in la ilaaliyo sareynta sharciga, kala danbeynta iyo nidaamka dawladnimada.<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"x11i5rnm xat24cr x1mh8g0r x1vvkbs xtlvy1s x126k92a\">\n<div dir=\"auto\">Goluhu wuxuu sidoo kale adkeynayaa in la ilaaliyo xuquuqda dastuuriga ee muwaadinka Soomaaliyeed iyo xoriyaddiisa.<\/div>\n<div dir=\"auto\">Goluhu wuxuu ku baaqayaa in lagu dhameeyo wixii tabashooyin ah ee jira shirka loo madlan yahay 5ta bisha Janaayo oo ay si wadajir ah ugu baaqeen Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo Madaxweynaha Dawladda Koonfur Galbeed.<\/div>\n<div dir=\"auto\"><img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-472137\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/12\/lii-jj-212x300.jpg\" alt=\"\" width=\"212\" height=\"300\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/12\/lii-jj-212x300.jpg 212w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/12\/lii-jj-725x1024.jpg 725w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/12\/lii-jj-768x1085.jpg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/12\/lii-jj-1087x1536.jpg 1087w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/12\/lii-jj-696x984.jpg 696w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/12\/lii-jj-1068x1509.jpg 1068w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/12\/lii-jj-297x420.jpg 297w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/12\/lii-jj.jpg 1449w\" sizes=\"auto, (max-width: 212px) 100vw, 212px\" \/>\u00a0<img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-472138\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/12\/lii-qq-217x300.jpg\" alt=\"\" width=\"217\" height=\"300\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/12\/lii-qq-217x300.jpg 217w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/12\/lii-qq-740x1024.jpg 740w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/12\/lii-qq-768x1063.jpg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/12\/lii-qq-1109x1536.jpg 1109w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/12\/lii-qq-696x964.jpg 696w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/12\/lii-qq-1068x1479.jpg 1068w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/12\/lii-qq-303x420.jpg 303w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/12\/lii-qq.jpg 1479w\" sizes=\"auto, (max-width: 217px) 100vw, 217px\" \/>\u00a0<img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-472139\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/12\/lii-xxx-193x300.jpg\" alt=\"\" width=\"193\" height=\"300\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/12\/lii-xxx-193x300.jpg 193w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/12\/lii-xxx-658x1024.jpg 658w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/12\/lii-xxx-768x1196.jpg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/12\/lii-xxx-986x1536.jpg 986w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/12\/lii-xxx-696x1084.jpg 696w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/12\/lii-xxx-1068x1663.jpg 1068w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/12\/lii-xxx-270x420.jpg 270w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/12\/lii-xxx.jpg 1315w\" sizes=\"auto, (max-width: 193px) 100vw, 193px\" \/> <img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-472140\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/12\/qodobo-li-212x300.jpg\" alt=\"\" width=\"212\" height=\"300\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/12\/qodobo-li-212x300.jpg 212w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/12\/qodobo-li-725x1024.jpg 725w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/12\/qodobo-li-768x1085.jpg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/12\/qodobo-li-1087x1536.jpg 1087w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/12\/qodobo-li-696x984.jpg 696w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/12\/qodobo-li-1068x1509.jpg 1068w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/12\/qodobo-li-297x420.jpg 297w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/12\/qodobo-li.jpg 1449w\" sizes=\"auto, (max-width: 212px) 100vw, 212px\" \/><\/div>\n<\/div>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Facebook\u00a0Messenger\u00a0WhatsApp\u00a0Twitter\u00a0LinkedIn MUQDISHO-(SONNA)-Akhriso-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey shirka 4aad ee Golaha Wadatashiga Qaran (GWQ) kaas oo lagu qabtay Muqdisho 25-28 December 2022. Shirka waxaa ka soo qaybgalay Ra\u2019iisul Wasaaraha XJFS Mudane Xamza Cabdi Barre, Ra\u2019iisul Wasaare K\/xigeenka XJFS Mudane Saalax Axmed Jaamac, Madaxweynaha Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni, Madaxweynaha Jubbaland Mudane [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":43,"featured_media":472141,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-472136","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/472136","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/43"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=472136"}],"version-history":[{"count":3,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/472136\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":472144,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/472136\/revisions\/472144"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/472141"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=472136"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=472136"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=472136"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}