{"id":470519,"date":"2022-02-05T06:57:47","date_gmt":"2022-02-05T06:57:47","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=470519"},"modified":"2022-02-05T06:57:47","modified_gmt":"2022-02-05T06:57:47","slug":"midowga-yurub-oo-cunaqabatayn-ku-soo-rogay-shan-hoggaamiye-oo-ka-tirsan-milatariga-mali","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/midowga-yurub-oo-cunaqabatayn-ku-soo-rogay-shan-hoggaamiye-oo-ka-tirsan-milatariga-mali\/","title":{"rendered":"Midowga Yurub oo cunaqabatayn ku soo rogay shan hoggaamiye oo ka tirsan milatariga Mali"},"content":{"rendered":"<p><strong>Muqdisho.(SONNA):<\/strong>&#8211; Midowga Yurub ayaa sheegay in ay xayiraad dhanka socdaalka ah iyo mid dhanka hantida ah ku soo rogeen shan sarkaal oo ka tirsan Milatariga Mali, oo ay ku jiraan taliyayashii ku lugta lahaa afgambigii sannadkii hore,\u00a0 kuwaas oo uu kamid yahay hoggaamiyihii milatariga Assimi Go\u00efta.<\/p>\n<p>Arrintan ayaa lagu dhawaaqay kadib markii ciidamada milateriga ay ka baxeen balan qaad ahaa in bishan la qaban doono doorasho, taas bedelkeedana ay dib u dhac ku yimid afar sano.<\/p>\n<p>Sarakiishan ayaa waxaa kamid ah.<\/p>\n<p>Choguel Kokalla Ma\u00efga, Ra\u2019iisul wasaaraha ku meel gaarka ah.<\/p>\n<p>Col Malick Diaw, madaxweynaha golaha ku meel gaadhka ah.<\/p>\n<p>Col Isma\u00ebl Wagu\u00e9, wasiirka dib u heshiisiinta iyo ninkii ku dhawaaqay afgambiga Ogosto 2020.<\/p>\n<p>Adama Ben Diarra, oo sidoo kale loo yaqaan \u201cBen le Cerveau\u201d.<\/p>\n<p>Ibrahim Ikassa Ma\u00efga, oo ah xubin rayid ah oo ka tirsan dowladda ku meel gaarka ah.<\/p>\n<p>Xiriirka u dhexeeya Midowga Yurub iyo Mali ayaa hoos u dhacay, waxaana sababay afgambigii dalkaas ka dhacay tan iyo 2020 iyo go\u2019aanka Mali ay ku shaqaalaysiisay qandaraasleyaal amni oo Ruush ah.<\/p>\n<p>Waddamada Yurub oo uu ku jiro Faransiiska ayaa ka fikiraya in ay kala baxaan ciidamada ku jira cutubka dagaalka kula jira kooxaha Islaamiyiinta ah.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho.(SONNA):&#8211; Midowga Yurub ayaa sheegay in ay xayiraad dhanka socdaalka ah iyo mid dhanka hantida ah ku soo rogeen shan sarkaal oo ka tirsan Milatariga Mali, oo ay ku jiraan taliyayashii ku lugta lahaa afgambigii sannadkii hore,\u00a0 kuwaas oo uu kamid yahay hoggaamiyihii milatariga Assimi Go\u00efta. Arrintan ayaa lagu dhawaaqay kadib markii ciidamada milateriga ay [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":41,"featured_media":470520,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[83],"tags":[],"class_list":{"0":"post-470519","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-caalamka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/470519","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/41"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=470519"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/470519\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":470521,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/470519\/revisions\/470521"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/470520"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=470519"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=470519"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=470519"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}