{"id":470481,"date":"2022-02-04T10:25:01","date_gmt":"2022-02-04T10:25:01","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=470481"},"modified":"2022-02-04T10:25:01","modified_gmt":"2022-02-04T10:25:01","slug":"abwaan-shube-maleysan-waagii-aan-indhahayga-ku-soo-arkay-malo-ka-bax","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/abwaan-shube-maleysan-waagii-aan-indhahayga-ku-soo-arkay-malo-ka-bax\/","title":{"rendered":"Abwaan Shube &#8220;Maleysan Waagii Aan Indhahayga Ku soo arkay &#8221; MALO-KA-BAX"},"content":{"rendered":"<div class=\"kvgmc6g5 cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\">Muqdisho (SONNA)-Barqa-kulul dhexdeed, ayaan gaari ka raacay golaha muritida iyo wacyigelinta\u2014The National Theartre\u2014si aan u gaaro cisbitaalka hooyada iyo dhallaanka ee Benaadir, halkaas oo aan booqasho gaaban ugu baxnay.<\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<\/div>\n<div class=\"cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql o9v6fnle ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\">Markii aan gaarnay illinka laga galo cisbitaalka, waxaa na hakiyay ciidamada Ilaalada ee cisbitaalka; dabadeedna waxa ay naga guteen wajibaadkoodii shaqo ee loo idmaday.<\/div>\n<div dir=\"auto\">Durbadiiba, waxa aan u dhaadhacnay gudaha, waxaana bannaanka dhismaha, qeybta maamulka nagu sugaysay agaasime\u2014 Dr.Fartuun Shariif oo aan hore ugu sii wargelinay qorshaheheenna, soo dhoweyn dabadeedna xafiiskeeda ayaannu ku nasannay.<\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<\/div>\n<div class=\"cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql o9v6fnle ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\">U jeedka aan u socday wuxuu daarranaa laba arrimood: tan koowaad waxa ay aheyd, in aan booqdo bukaannada, qiimeynna ku sameeyo adeegyada Caafimaad ee uu bixiyo\u2014 iyo in uu igu leeyahay xusuus gaar ah; maaddaamma, sannadka 1980kii ay iigu dhalatay curaddeydu\u2014 xilligaas oo aan ku xasuusto in ka soo booday gidaar yar oo ku yiillay qeybta dhalmada, si aan u arko curaddeyda iyo hooyadeed; maaddaamma aan ragga loo oggoleyn. Sidaas aawadeed ayaan derbiga iska soo tuuray.<\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<\/div>\n<div class=\"cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql o9v6fnle ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\">Dr.Fartuun Shariif, ayaa i geysay isla gidaarkii yaraa ee aan habeenkaas ka soo booday, runtiina waxaan galay xusuus dheer iyo xaalad kale oo dareenkeyga rogrogtay; dabadeedna jirkeyga.<\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<\/div>\n<div class=\"cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql o9v6fnle ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\">Intaas kadib, waxaan sii wadannay booqashadeenii, waxaase xaalku is rogay, markii aan la kulannay duruufo adag oo uu ku shaqeynayo guud ahaan cisbitaalka iyo ka warqab la\u2019aanta qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed, haddii ay yihiin: madax, siyaasiyiin, ganacsato, culimmo iyo aqoonyahanno kaleba.<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql o9v6fnle ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\">Waxaan booqanay qeybta daryeelka ubadka oo ay yaallaan qalab casri ah; isla markaasna ay ka socdaan adeegyadii caafimaad ee loogu talagalay. Sida: in catruurta ku daahda kafka hooyada, looga saaro naqaska ku dhaggan\u2014iyo Xabka uu jiiday intuu ku jiray meeshaas. Sidoo kale, waxaa markaas daryeel Caafimaad loo fidiniyay ilmo hor-dhalad ah, oo ka soo hormaray muddadii caadiga ahayd ee sidka hooyadu ku idlanaa. Si walboo ay ahaataba, dhaqaatiirta ayaa noo sheegay in lagu koronayo qalab loogu talagalay, oo aad u hormarsan.<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql o9v6fnle ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\">Intaas kadib, waxaan u sii gudubnay qeybta daryaalka carruurta la Il-daran Jadeecada iyo nafaqadarrada\u2014Qeybtan, waxaa jiifay carruur da\u2019doodu ka yartahay 10 sano, oo badidood laga keenay gobollada dalka\u2014kuwa dhexeba ha u badnaadaane.<\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<\/div>\n<div class=\"cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql o9v6fnle ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\">Nasiib wanaag, ma jirto sariir kiro ah iyo adeeg lacageed oo laga qaadayo hooyooyinka ku ummula cisbitaalka iyo dadyoowga kale ee u soo adeeg doonta dhammidoodba, sida ay dadku noo sheegeen.<\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<\/div>\n<div class=\"cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql o9v6fnle ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\">Farriinteyda ugu dambeysa waxa weeye\u2014 baahida taalla meesha\u2014waa isbitaalka Benaadir e\u2014ma ahan mid wada daboolmaysa. Si kale haddii loo dhigo: maammulka cisbitaalka iyo Wasaaradda Caafimaadku ma wada buuxi karaan howshaas culus ee miisaanka leh; balse intii Karaankooda ah waa ay dadaaleen. Sidaas aawadeed, qof walba oo naga mid ah\u2014xil sidaas oo kale ayaa saaran, si loo badbaadiyo hooyo Soomaaliyeed iyo dhallaankeeda\u2014kaas oo ay maan-gal tahay in uu qofkii dalkeenna ka waraabin lahaa, harooyinka nabadda iyo kuwa horumarka.<\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<\/div>\n<div dir=\"auto\"><img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-470482\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/02\/272906884_351676363626654_8723196308849402245_n.jpeg\" alt=\"\" width=\"1080\" height=\"368\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/02\/272906884_351676363626654_8723196308849402245_n.jpeg 1080w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/02\/272906884_351676363626654_8723196308849402245_n-300x102.jpeg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/02\/272906884_351676363626654_8723196308849402245_n-1024x349.jpeg 1024w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/02\/272906884_351676363626654_8723196308849402245_n-768x262.jpeg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/02\/272906884_351676363626654_8723196308849402245_n-696x237.jpeg 696w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/02\/272906884_351676363626654_8723196308849402245_n-1068x364.jpeg 1068w\" sizes=\"auto, (max-width: 1080px) 100vw, 1080px\" \/> <img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-470483\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/02\/272923028_351676510293306_4805476131619984040_n.jpeg\" alt=\"\" width=\"1080\" height=\"810\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/02\/272923028_351676510293306_4805476131619984040_n.jpeg 1080w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/02\/272923028_351676510293306_4805476131619984040_n-300x225.jpeg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/02\/272923028_351676510293306_4805476131619984040_n-1024x768.jpeg 1024w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/02\/272923028_351676510293306_4805476131619984040_n-768x576.jpeg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/02\/272923028_351676510293306_4805476131619984040_n-696x522.jpeg 696w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/02\/272923028_351676510293306_4805476131619984040_n-1068x801.jpeg 1068w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/02\/272923028_351676510293306_4805476131619984040_n-560x420.jpeg 560w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/02\/272923028_351676510293306_4805476131619984040_n-80x60.jpeg 80w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/02\/272923028_351676510293306_4805476131619984040_n-265x198.jpeg 265w\" sizes=\"auto, (max-width: 1080px) 100vw, 1080px\" \/> <img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-470484\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/02\/272970268_351676553626635_4525113656215529313_n.jpeg\" alt=\"\" width=\"1080\" height=\"810\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/02\/272970268_351676553626635_4525113656215529313_n.jpeg 1080w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/02\/272970268_351676553626635_4525113656215529313_n-300x225.jpeg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/02\/272970268_351676553626635_4525113656215529313_n-1024x768.jpeg 1024w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/02\/272970268_351676553626635_4525113656215529313_n-768x576.jpeg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/02\/272970268_351676553626635_4525113656215529313_n-696x522.jpeg 696w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/02\/272970268_351676553626635_4525113656215529313_n-1068x801.jpeg 1068w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/02\/272970268_351676553626635_4525113656215529313_n-560x420.jpeg 560w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/02\/272970268_351676553626635_4525113656215529313_n-80x60.jpeg 80w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/02\/272970268_351676553626635_4525113656215529313_n-265x198.jpeg 265w\" sizes=\"auto, (max-width: 1080px) 100vw, 1080px\" \/> <img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-470485\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/02\/272987203_351676470293310_912462564453210744_n.jpeg\" alt=\"\" width=\"1080\" height=\"810\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/02\/272987203_351676470293310_912462564453210744_n.jpeg 1080w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/02\/272987203_351676470293310_912462564453210744_n-300x225.jpeg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/02\/272987203_351676470293310_912462564453210744_n-1024x768.jpeg 1024w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/02\/272987203_351676470293310_912462564453210744_n-768x576.jpeg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/02\/272987203_351676470293310_912462564453210744_n-696x522.jpeg 696w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/02\/272987203_351676470293310_912462564453210744_n-1068x801.jpeg 1068w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/02\/272987203_351676470293310_912462564453210744_n-560x420.jpeg 560w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/02\/272987203_351676470293310_912462564453210744_n-80x60.jpeg 80w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/02\/272987203_351676470293310_912462564453210744_n-265x198.jpeg 265w\" sizes=\"auto, (max-width: 1080px) 100vw, 1080px\" \/><\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<div class=\"cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql o9v6fnle ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<\/div>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho (SONNA)-Barqa-kulul dhexdeed, ayaan gaari ka raacay golaha muritida iyo wacyigelinta\u2014The National Theartre\u2014si aan u gaaro cisbitaalka hooyada iyo dhallaanka ee Benaadir, halkaas oo aan booqasho gaaban ugu baxnay. Markii aan gaarnay illinka laga galo cisbitaalka, waxaa na hakiyay ciidamada Ilaalada ee cisbitaalka; dabadeedna waxa ay naga guteen wajibaadkoodii shaqo ee loo idmaday. Durbadiiba, waxa [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":7,"featured_media":470483,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,82,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-470481","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-maqaallada","9":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/470481","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/7"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=470481"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/470481\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":470486,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/470481\/revisions\/470486"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/470483"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=470481"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=470481"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=470481"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}