{"id":469904,"date":"2022-01-27T15:59:33","date_gmt":"2022-01-27T15:59:33","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=469904"},"modified":"2022-01-27T15:59:33","modified_gmt":"2022-01-27T15:59:33","slug":"wasiiru-dowlaha-wasaaradda-ganacsiga-oo-ka-qeybgalay-shir-looga-hadlayay-horumarinta-ganacsiga-sawirro","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/wasiiru-dowlaha-wasaaradda-ganacsiga-oo-ka-qeybgalay-shir-looga-hadlayay-horumarinta-ganacsiga-sawirro\/","title":{"rendered":"Wasiiru dowlaha Wasaaradda Ganacsiga oo ka qeybgalay shir looga hadlayay horumarinta Ganacsiga \u201cSAWIRRO\u201d"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho (SONNA)-Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Shariif Sheekhunaa Maye, ayaa maanta ka qeyb-galay shirka Madasha Ganacsiga Soomaaliya oo looga hadlayey sidii ganacsiga Soomaaliya uu u la jaan-qaadi lahaa ganacsiyada adduunka isla-mar-ahaantaana uu u abuurmi lahaa is-dhex-gal ganacsi oo dhinac walba leh, kaas oo ay soo qaban-qaabisay hay\u2019adda UNIDO iyo hay\u2019adda dhinaca iskaashiga iyo horumarinta u qaabilsan dawladda Talyaaniga.<\/p>\n<p>Shirkan oo ay ka soo qeyb-galeen madax kala duwan, ganacsato Soomaaliyeed iyo kuwo ka socday dalalka Caalamka, gaar ahaan wadanka Talyaaniga, ayaa looga hadlay fursadaha jira iyo sidii la iskaga kaashan lahaa dhinacyada wax-soo-saarka beeraha, warshadaha, Kalluumaysiga, xoolaha, dhismaha, Lojistikada iyo waxyaabaha la hal maala.<\/p>\n<p>Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Mudane Cabdulqaadir Shariif Sheekhunaa Maye oo halkaas ka jeediyey khudbad dhinacyo badan taabanaysa, ayaa sheegay in ujeedka shirkani uu yahay mid daba socda shirar hore u dhex-maray ganacsatada Soomaalida iyo kuwa Talyaaniga oo guulo waaweyn laga gaaray iyo sidoo kale sidii Ganacsiga Soomaalida loogu heli lahaa suuqyo ganacsi oo caalami ah oo ay u dhoofiyaan wax-soo-saarka dalkooda.<\/p>\n<p><img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-497487 td-animation-stack-type0-2\" src=\"https:\/\/radiomuqdisho.so\/wp-content\/uploads\/2022\/01\/WhatsApp-Image-2022-01-27-at-5.35.12-PM.jpeg\" alt=\"\" width=\"1080\" height=\"606\" \/>\u00a0<img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-497488 td-animation-stack-type0-2\" src=\"https:\/\/radiomuqdisho.so\/wp-content\/uploads\/2022\/01\/WhatsApp-Image-2022-01-27-at-5.35.13-PM-1.jpeg\" alt=\"\" width=\"1080\" height=\"612\" \/><img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-497493 td-animation-stack-type0-2\" src=\"https:\/\/radiomuqdisho.so\/wp-content\/uploads\/2022\/01\/WhatsApp-Image-2022-01-27-at-5.35.16-PM.jpeg\" alt=\"\" width=\"1080\" height=\"720\" \/>\u00a0<img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-497489 td-animation-stack-type0-2\" src=\"https:\/\/radiomuqdisho.so\/wp-content\/uploads\/2022\/01\/WhatsApp-Image-2022-01-27-at-5.35.13-PM.jpeg\" alt=\"\" width=\"1080\" height=\"624\" \/>\u00a0<img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-497490 td-animation-stack-type0-2\" src=\"https:\/\/radiomuqdisho.so\/wp-content\/uploads\/2022\/01\/WhatsApp-Image-2022-01-27-at-5.35.14-PM-1.jpeg\" alt=\"\" width=\"1080\" height=\"720\" \/>\u00a0<img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-497491 td-animation-stack-type0-2\" src=\"https:\/\/radiomuqdisho.so\/wp-content\/uploads\/2022\/01\/WhatsApp-Image-2022-01-27-at-5.35.14-PM.jpeg\" alt=\"\" width=\"1080\" height=\"611\" \/>\u00a0<img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-497492 td-animation-stack-type0-2\" src=\"https:\/\/radiomuqdisho.so\/wp-content\/uploads\/2022\/01\/WhatsApp-Image-2022-01-27-at-5.35.15-PM-1.jpeg\" alt=\"\" width=\"1080\" height=\"720\" \/><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho (SONNA)-Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Shariif Sheekhunaa Maye, ayaa maanta ka qeyb-galay shirka Madasha Ganacsiga Soomaaliya oo looga hadlayey sidii ganacsiga Soomaaliya uu u la jaan-qaadi lahaa ganacsiyada adduunka isla-mar-ahaantaana uu u abuurmi lahaa is-dhex-gal ganacsi oo dhinac walba leh, kaas oo ay soo qaban-qaabisay hay\u2019adda UNIDO iyo hay\u2019adda [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":7,"featured_media":469905,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-469904","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/469904","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/7"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=469904"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/469904\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":469906,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/469904\/revisions\/469906"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/469905"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=469904"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=469904"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=469904"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}