{"id":469779,"date":"2022-01-27T05:15:58","date_gmt":"2022-01-27T05:15:58","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=469779"},"modified":"2022-01-27T09:14:42","modified_gmt":"2022-01-27T09:14:42","slug":"qormo-macluumaad-ku-saabsan-soomaalida-iyo-garsoor-dhaqameedka","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/qormo-macluumaad-ku-saabsan-soomaalida-iyo-garsoor-dhaqameedka\/","title":{"rendered":"QORMO:-MACLUUMAAD KU SAABSAN SOOMAALIDA IYO  GARSOOR-DHAQAMEEDKA"},"content":{"rendered":"<p>Qormo..(SOONN)..Ka salgaaridda,doodaha,is-maan-dhaafka,muranka,gacan ka-hadalka, qulqulatooyinka,xasaradaha iyo asaarka ayaa lagu tilmaamaa astaamaha gorsooridda cuddoon.<\/p>\n<p>Marka aynu ka hadleyno garsoorka iyo qaybihiisa kala duwan wax aan uga jeednaa habkii ay soomaalidu garta iyo garsoorka ba\u00a0 u qaabayn jirtey.<\/p>\n<p>Garsoorku waa xirfad\u00a0 laga dheehan karo aqoon ummadeed\u00a0 iyo farsamo bulsho,marka aan dulmar kooban\u00a0 ku samayno\u00a0 habkii iyo xeerarkii soomaalidii hore ku dhaadan jireen\u00a0 iyo kuwa maanta jooga\u00a0 waa muuqadaa\u00a0 faraqa u dhexeeya.<\/p>\n<p>Xaq-siinta,sinaanta,caddaaladda,midnimada,horumarka iyo il-baxnimadu waa astaanta jiritaanka bulsho fiyow,xatooyada, xadgudubka, dulmiga, hagardaamada, galdiga, aabiga, dhaca iyo jowr-falku\u00a0 waa\u00a0 astaanta\u00a0 jiritaanka\u00a0 \u00a0bulsho\u00a0 bugta.<\/p>\n<p>Garta Soomaalidu mar waa \u201ccurad\u201d marna waa \u201cugub\u201d waa curad oo xeer iyo qodob ayaa ka yaalley,haddii ayse \u201cugub\u201d tahayn waxa loo tumaa xeer iyo sharci hor leh,Jaalle marka aan eegno\u00a0 ricirka garsoorka iyo\u00a0 \u00a0giraanta uu ku wareegayo waxa ka mid ah,Dhiig iyo Dhaqan, Qoon iyo Qadaf, Sir iyo Caad,Balan furyo iyo Been abuur, Anshaxumo iyo Abuur doorrin.<\/p>\n<p>Jaadadka loo qaybin jiray\u00a0 denbiyada marka garsoorka lagu jiro waxa la oran jirey sidatan:- Ma dhiigbaa mise waa dhaqan? Ma qudh baa mise waa quursi? Ma kamaa mise waa kas? Ma xilaa mise xoolo? Ma mooraa mise waa magan?Ma sokeeyaa mise waa gar cadaawe?<\/p>\n<p>Dhaqanku waa sees muujiya qaybaha\u00a0 bulshada sida:-biri-mageydada (hoggaamiye dhaqan,culumo ama wadaado,maato, dhulyaal,ergo, magan, socoto iyo\u00a0 xidid),Geedka garta lagu naqo waxa uu u dhigmaa \u201cMaxkamad\u201d waxana\u00a0 lagu soo af-meeraa colaadda iyo dhibta aloosan markaas,marana waa gole\u00a0 Gabayaa, Baane Foolaad iyo nin Qalasa kama maqna wadaad laga ducaysto iyo waranle-duullaan,Marna ardaa-dhaqan oo waxa lagu hayaa yarad-xarrago,sooryo-xidid, gabbaati gole iyo xilo dumar,Soomaalidu waxa ay leedahay garasho ku qotonta sooyaal dhacdo waayo aragnimo guun ah,gudasho\u00a0 xeel dheer,hilaadin qaran iyo\u00a0 indheer garad waayeel.<\/p>\n<p>Akhristoow haddii aan sii tibaaxno garsoorkii hore waxa aan helaynaa dhaar-dhaqameed fil weyn ,taa soo lagu dhaarin jirey qofka\u00a0 lagu tuhmo dhibka iyo jowrfalka,weligaa iyo waqaa,Qoodhaa iyo xeradaa,Dhurkaa iyo dhaqan kaa,Xoogaa iyo xawdaa,garta waxa loo saari-jirey: Boqor caleema saaran, Buuni sheekha ah, Baxdow deeqsi ah, Bir-jeex geesi ah, Baane\u00a0 gabayaa ah,\u00a0 Buurariix xidaari ah iyo\u00a0 Xeer-beegte xamlan.<\/p>\n<p>Mudane,marka aan eegno dhanka denbiilaha falka gaysta waxa loo qaybin jirey:-Qaatil qurgoye ah, Saani xaaraami ah,\u00a0 tuug maryo madoobeye ah,Dira-diraale naar afuuf ah, Jidgooye jaan-jaaman iyo\u00a0 Dowdar mubaddar ah. Qofka dhibka iyo aabiga ku kaca waxa lagu xukumi jirey ciqaab u dhiganta\u00a0 sida:\u201cHagarbi\u201doo ah hanti cayiman oo laga qaado labada\u00a0 dhinac\u00a0 ee gartu hortaal.<\/p>\n<p>Marna waa \u201cCisaaro\u201doo ah ganaax la saaro qofka jabiya xeer guud,Marna waa\u201cMagdhow\u201d oo ah qaddar jaan go\u2019an oo u dhiganta dhibkii uu falay denbiiluhu,Marna waa\u201cMag\u201doo ah\u00a0 diyo in lagu xukumo qofka qurgooyada gaysta.<\/p>\n<p>Marna wa \u201cMooraduug\u201doo ah hantida qofka danbiilaha ah oo laga wareejiyo ama xeradiisa\u00a0 gonta la soo taabto,marna waa \u201cQur-gooyo\u201d oo ah qisaas \u201cqurgoyn\u201d lagu fuliyo qofka wax dila,marna jeelle waa\u201cTakoorid\u201d taa soo ah in qofka falka xun ku noqnoqda ama caadaysta danbiyada waa weyn in laga takooro\u00a0 bulshada dhexdeeda\u00a0 ama laga masaafuriyo.<\/p>\n<p>Gebagebadii iyo gunaanadkii qormadan waxa ku soo afmeerayaa maansadan uu curiyey Abwaan,Cabdulqaadir Cabdi Shube waxa uuna diiradda ku saarayaa qiimaha iyo kaalinta dhaqanku ku leeyahay garsoorka.<\/p>\n<p>Dhacdoba madal bay lahayd Dhiggeed la fil bay ahayd<\/p>\n<p>Dhabbaqo eray bay lahayd<\/p>\n<p>Ninkii dhahay bay lahayd<\/p>\n<p>Ganaax dhigan bay\u00a0 lahayd<\/p>\n<p>Dhaawacu dhugashuu lahaa<\/p>\n<p>Dhibbaan la sinuu lahaa<\/p>\n<p>Shiikh loo dhiibuu lahaa<\/p>\n<p>Sakiyo dhogor\u00a0 buu lahaa<\/p>\n<p>Wuxuu ka dhahay ahayd<\/p>\n<p>Dhuungooyo hadday kas tahay<\/p>\n<p>Qisaas dhiibay\u00a0 lahayd<\/p>\n<p>Dhankeeda kaley\u00a0 lahayd<\/p>\n<p>Mag dhiibaaley\u00a0 lahayd<\/p>\n<p>Dharaar la baxshay lahayd<\/p>\n<p>Wax baqol dheer bay lahayd<\/p>\n<p>Sii dhaahin dhammay lahayd<\/p>\n<p>Dhad-dhaad guri bahay\u00a0 lahayd.<\/p>\n<p><strong>Waxaa Qoray<\/strong> <strong>Maxamuud Cali Aadan Hoorri\u00a0<\/strong><\/p>\n<p>Xubin ka mid Guddiga 4-aad ee Afka Soomaaliga Muqdisho.<\/p>\n<p>Xuquuqda Qormada SONNA<\/p>\n<p><iframe loading=\"lazy\" title=\"G\/maxkamada G\/Banaadir ayaan sheegay in uu Hogaanka garsoorka sanad kaan uu hormar sameeyay&quot;\" width=\"1170\" height=\"658\" src=\"https:\/\/www.youtube.com\/embed\/9eTvhD-Jn18?feature=oembed\" frameborder=\"0\" allow=\"accelerometer; autoplay; clipboard-write; encrypted-media; gyroscope; picture-in-picture; web-share\" allowfullscreen><\/iframe><\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Qormo..(SOONN)..Ka salgaaridda,doodaha,is-maan-dhaafka,muranka,gacan ka-hadalka, qulqulatooyinka,xasaradaha iyo asaarka ayaa lagu tilmaamaa astaamaha gorsooridda cuddoon. Marka aynu ka hadleyno garsoorka iyo qaybihiisa kala duwan wax aan uga jeednaa habkii ay soomaalidu garta iyo garsoorka ba\u00a0 u qaabayn jirtey. Garsoorku waa xirfad\u00a0 laga dheehan karo aqoon ummadeed\u00a0 iyo farsamo bulsho,marka aan dulmar kooban\u00a0 ku samayno\u00a0 habkii iyo xeerarkii soomaalidii [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":52,"featured_media":469794,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[82,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-469779","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-maqaallada","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/469779","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/52"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=469779"}],"version-history":[{"count":5,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/469779\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":469822,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/469779\/revisions\/469822"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/469794"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=469779"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=469779"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=469779"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}