{"id":468727,"date":"2022-01-15T07:03:49","date_gmt":"2022-01-15T07:03:49","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=468727"},"modified":"2022-01-15T07:03:49","modified_gmt":"2022-01-15T07:03:49","slug":"iiraan-iyo-shiinaha-oo-bilaabay-hirgelinta-heshiis-muhiim","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/iiraan-iyo-shiinaha-oo-bilaabay-hirgelinta-heshiis-muhiim\/","title":{"rendered":"Iiraan iyo Shiinaha oo bilaabay hirgelinta heshiis muhiim"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho(SONNA)-Wasiirka arrimaha dibadda ee Iiraan, Hossein Amir-Abdollahian, \u00a0ayaa sheegay in heshiis istiraatijiyadeed oo \u00a0socon doona 25 sano ah oo ay Shiinaha la saxiixdeen bishii March ee sannadkii hore uu dhaqan galay, taasoo qayb ka ahayd natiijadii booqashadii muhiimka ahayd ee uu ku tagay Shiinaha kadib markii uu casuumay ka helay dhiggiisa Shiinaha Wang Yi.<\/p>\n<p>\u201cWaxaan ku heshiinnay inaan maanta ku dhawaaqno inay tahay taariikhda la bilaabayo hirgelinta heshiiska dhameystiran ee iskaashiga istiraatijiyadeed ee u dhexeeya Iiraan iyo Shiinaha\u201dayuu yiri Amir-Abdollahian.<\/p>\n<p>Dowladaha Iiraan iyo Shiinaha ayaa bishii March ee sannadkii hore kala saxeexday heshiis iskaashi oo istaraatiijiyadeed oo dhammaystiran, iyagoo oo ka soo horjeeda cunaqabataynta halka dhinac ah ee Maraykanka si loo xoojiyo isbahaysiga dhaqaale iyo siyaasadeed ee soo jireenka ah.<\/p>\n<p>Heshiiska ayaa si rasmi ah u diiwaan gelinaya Iskaashiga Istiraatijiyadeed ee Dhamaystiran ee Shiinaha iyo Iiraan kaas oo lagu dhawaaqay booqashadii Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping si kor loogu qaado iskaashiga dhaqaale ee labada dal 25-ka sano ee soo socota.<\/p>\n<p>Heshiiska ayaa ugogol xaarayaa ka qaybgalka Iiraan ee Hindisaha Belt and Road Initiative, mashruuc dhaqaalaha kaabaya oo ka bilaabmaya Bariga Aasiya ilaa Yurub.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho(SONNA)-Wasiirka arrimaha dibadda ee Iiraan, Hossein Amir-Abdollahian, \u00a0ayaa sheegay in heshiis istiraatijiyadeed oo \u00a0socon doona 25 sano ah oo ay Shiinaha la saxiixdeen bishii March ee sannadkii hore uu dhaqan galay, taasoo qayb ka ahayd natiijadii booqashadii muhiimka ahayd ee uu ku tagay Shiinaha kadib markii uu casuumay ka helay dhiggiisa Shiinaha Wang Yi. \u201cWaxaan [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":52,"featured_media":468728,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[83,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-468727","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-caalamka","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/468727","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/52"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=468727"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/468727\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":468729,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/468727\/revisions\/468729"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/468728"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=468727"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=468727"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=468727"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}