{"id":465294,"date":"2021-12-28T04:52:13","date_gmt":"2021-12-28T04:52:13","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=465294"},"modified":"2021-12-28T05:57:26","modified_gmt":"2021-12-28T05:57:26","slug":"dowladda-maraykanka-oo-dhaleecaysay-afgambigii-dhicisoobay","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/dowladda-maraykanka-oo-dhaleecaysay-afgambigii-dhicisoobay\/","title":{"rendered":"Dowladda Maraykanka oo wax laga naxo ku tilmaamtay is-hortaagga lagu sameeyay Howlihii Xafiiska Ra&#8217;iisul Wasaaraha XFS"},"content":{"rendered":"<p><span style=\"font-size: 11.0pt\">Muqdisho(SONNA)Dowladda Mareykanka \u00a0ayaa si kulul u cambaareysay isku daygii afgembi ee lagu sameeyay Ra&#8217;iisul Wasaaraha Soomaaliya,waxanay sheegtay inay tallaabbo cad ay ka qaadeyso kuwa caqabadda ku ah nabadda Soomaaliya.<\/span><\/p>\n<p><span style=\"font-size: 11.0pt\">\u201cDowladda Mareykanka waxay diyaar u tahay inay tallaabo ka qaaddo kuwa carqaladda ku ah waddada nabadda Soomaaliya,\u201d ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska arrimaha Africa ee wasaaradda arrimaha dibeddda Maraykanka.<\/span><\/p>\n<p><span style=\"font-size: 11.0pt\">\u201cIsku daygaasi waa arrin welwel leh, waxaan taageersannahay dedaallada Ra\u2019iisulwasaaraha ee ku aaddan doorasho deg-deg ah oo la isku halleyn karo, dhammaan dhinacyada waa inay joojiyaan ficillada iyo qoraallada kasii daraya xaaladda,\u201d.<\/span><\/p>\n<p><span style=\"font-size: 11.0pt\">Dowladda Mareykanka ayaa sidoo kale sheegtay in kulanka golaha wadatashiga Qaran ee uu iclaamiyay Ra\u2019iisul wasaaruhu loo baahan yahay inuu si deg-deg ku qabsoomo, si loo dedejiyo loona hormuriyo hannaanka doorashooyinka dalka.<\/span><\/p>\n<p><span style=\"font-size: 11.0pt\">Dhinaca kale, Ilhaan Nuur Cumar oo ka tirsan golaha wakiillada ee Mareykanka ayaa Madaxweynahii hore Farmaajo u soo jeedisay in la joogo waqtigii uu meesha ka bixi lahaa, si doorasho ay u qabsoonto.<\/span><\/p>\n<p><span style=\"font-size: 11.0pt\">\u201cFarmaajo sanad ayuu dhaafay muddo xileedkiisa. Waxaa la joogaa wakhtigii uu meesha ka bixi lahaa, si doorashada muddada la sugayey ay horey ugu socoto, sida ugu dhakhsaha badan,\u201d ayey ku tiri qoraal ay twitterkeeda ku baahisay Xildhibaan Ilhaan Cumar.<\/span><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho(SONNA)Dowladda Mareykanka \u00a0ayaa si kulul u cambaareysay isku daygii afgembi ee lagu sameeyay Ra&#8217;iisul Wasaaraha Soomaaliya,waxanay sheegtay inay tallaabbo cad ay ka qaadeyso kuwa caqabadda ku ah nabadda Soomaaliya. \u201cDowladda Mareykanka waxay diyaar u tahay inay tallaabo ka qaaddo kuwa carqaladda ku ah waddada nabadda Soomaaliya,\u201d ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska arrimaha Africa [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":7,"featured_media":0,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[83,94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-465294","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","6":"category-caalamka","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/465294","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/7"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=465294"}],"version-history":[{"count":3,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/465294\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":465298,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/465294\/revisions\/465298"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=465294"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=465294"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=465294"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}