{"id":465226,"date":"2021-12-26T13:48:22","date_gmt":"2021-12-26T13:48:22","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=465226"},"modified":"2021-12-26T13:48:22","modified_gmt":"2021-12-26T13:48:22","slug":"raiisul-wasaare-rooble-oo-kullan-la-qaatay-wakiilada-beesha-caalamka","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/raiisul-wasaare-rooble-oo-kullan-la-qaatay-wakiilada-beesha-caalamka\/","title":{"rendered":"Ra&#8217;iisul wasaare Rooble oo kullan la qaatay Wakiilada Beesha Caalamka"},"content":{"rendered":"<p><strong>SONNA<\/strong> (<strong>Muqdisho<\/strong>)- Ra\u2019iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan ku qabsoomay Aaladda Fogaan Aragga maanta la yeeshay wakiilada Beesha Caalamka kaas oo ay ka wada hadleen xaaladda dalka, dardar-galinta doorashooyinka iyo shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee lagu wado in uu ka furmo magaalada Muqdisho.<\/p>\n<div class=\"cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql o9v6fnle ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\">Ra\u2019iisul Wasaaraha ayaa u xaqiijiyay Wakiilada Beesha Caalamka in shirka furmaya ay diiradda ku saari doonaan ilaalinta hufnaanta doorashada iyo sixitaanka, ku dhaqanka habraacyada doorashada iyo soo saaridda jadwal ay ku caddahay waqtiga ay soo gabagaboobeyso doorashada .<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql o9v6fnle ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\">Wakiilada Beesha Caalamka ayaa si wadajir ah u bogaadiyay dadaalka Ra\u2019iisul Wasaaraha ee la xiriira sidii doorashada u noqon lahayd mid daahfuran oo lagu kalsoonaan karo.<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql o9v6fnle ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\">Wakiilladu waxay si gaar ah u soo dhoweeyeen kulammada wadatashiga ah ee Ra\u2019iisul Wasaaruhu la yeeshay Midowga Murashaxiinta, Bulshada Rayidka ah iyo Beesha Caalamka si uu u dhageysto talooyinkooda ku aaddan hagaajinta hufnaanta iyo daahfurnaanta doorashada.<\/div>\n<\/div>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>SONNA (Muqdisho)- Ra\u2019iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan ku qabsoomay Aaladda Fogaan Aragga maanta la yeeshay wakiilada Beesha Caalamka kaas oo ay ka wada hadleen xaaladda dalka, dardar-galinta doorashooyinka iyo shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee lagu wado in uu ka furmo magaalada Muqdisho. Ra\u2019iisul Wasaaraha ayaa u xaqiijiyay Wakiilada Beesha Caalamka in [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":34,"featured_media":465227,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-465226","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/465226","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/34"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=465226"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/465226\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":465228,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/465226\/revisions\/465228"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/465227"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=465226"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=465226"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=465226"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}