{"id":464553,"date":"2021-12-19T14:00:05","date_gmt":"2021-12-19T14:00:05","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=464553"},"modified":"2021-12-19T14:00:05","modified_gmt":"2021-12-19T14:00:05","slug":"wasiirka-shaqada-iyo-arrimaha-bulshada-soomaaliya-oo-gaaray-sacuudiga","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/wasiirka-shaqada-iyo-arrimaha-bulshada-soomaaliya-oo-gaaray-sacuudiga\/","title":{"rendered":"Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya oo gaaray Sacuudiga"},"content":{"rendered":"<p><strong>SONNA<\/strong> (<strong>RIYAD<\/strong>)- Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif ayaa gaaray magaalada Riyadh ee xarunta Dalka Boqortooyada Sacuudiga.<\/p>\n<p>Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Bulshada Sacuudiga, Mas\u2019uuliyiinta ka tirsan Dawladda Sacuudiga iyo Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Sacuudiga, Danjire Saalim Macow Xaaji ayaa Wasiirka ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Riyadh ee King Khalid.<\/p>\n<p>Ujeeddada socdaalka wasiirka ee Dalka Sacuudiga ayaa la xiriirta ka qaybgalka shirka heerka Wasiirro ee Jaamacadda Carabta, oo Riyadh uga furmaya wasiirrada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada waddamada Jaamacadda Carabta. Saddex maalin oo shirka uu soconayo waxaa looga hadli doonaa Horumarinta Bulshada iyo saamaynta COVID-19.<\/p>\n<p>Wasiirka ayaa sidoo kale kulamo la qaadanaya mas\u2019uuliyiinta Sacuudiga iyo wasiirrada dhiggiisa ah ee ka qaybgalaya shirka.<\/p>\n<p><img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-464554 size-full\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/12\/2e35df07-5c61-494c-8124-c531f8378fd0.jpg\" alt=\"\" width=\"721\" height=\"480\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/12\/2e35df07-5c61-494c-8124-c531f8378fd0.jpg 721w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/12\/2e35df07-5c61-494c-8124-c531f8378fd0-300x200.jpg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/12\/2e35df07-5c61-494c-8124-c531f8378fd0-696x463.jpg 696w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/12\/2e35df07-5c61-494c-8124-c531f8378fd0-631x420.jpg 631w\" sizes=\"auto, (max-width: 721px) 100vw, 721px\" \/> <img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-464555 size-full\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/12\/4fb6a493-53f3-4a5d-a46b-9d74dfcd1731.jpg\" alt=\"\" width=\"721\" height=\"480\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/12\/4fb6a493-53f3-4a5d-a46b-9d74dfcd1731.jpg 721w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/12\/4fb6a493-53f3-4a5d-a46b-9d74dfcd1731-300x200.jpg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/12\/4fb6a493-53f3-4a5d-a46b-9d74dfcd1731-696x463.jpg 696w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/12\/4fb6a493-53f3-4a5d-a46b-9d74dfcd1731-631x420.jpg 631w\" sizes=\"auto, (max-width: 721px) 100vw, 721px\" \/><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>SONNA (RIYAD)- Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif ayaa gaaray magaalada Riyadh ee xarunta Dalka Boqortooyada Sacuudiga. Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Bulshada Sacuudiga, Mas\u2019uuliyiinta ka tirsan Dawladda Sacuudiga iyo Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Sacuudiga, Danjire Saalim Macow Xaaji ayaa Wasiirka ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":34,"featured_media":464555,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-464553","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/464553","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/34"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=464553"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/464553\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":464556,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/464553\/revisions\/464556"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/464555"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=464553"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=464553"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=464553"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}