{"id":463454,"date":"2021-12-08T12:01:10","date_gmt":"2021-12-08T12:01:10","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=463454"},"modified":"2021-12-08T12:23:53","modified_gmt":"2021-12-08T12:23:53","slug":"wasiirka-beyle-oo-la-kulmay-safiirka-uk-u-fadhiya-soomaaliya","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/wasiirka-beyle-oo-la-kulmay-safiirka-uk-u-fadhiya-soomaaliya\/","title":{"rendered":"Wasiirka Beyle oo la kulmay  Safiirka UK u fadhiya Soomaaliya"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka Wasaaradda maaliyadda XFS Dr; Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, ayaa maanta Magaalada Muqdisho kula kulmay Safiirka Dowladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Kiin Foster, iyaga oo ka wadahadlay xoojinta wadashaqeynta labada Dowladood.<\/p>\n<p>Kulankan ayaa diiradda lagu saaray arrimo ku saabsan dib u-habeynta dhaqaalaha dalka iyo sidii loo sii xoojin lahaa wadashaqeynta dhaw ee ka dhaxeysa dowladda federaalka Soomaaliya iyo boqortooyada UK.<\/p>\n<p>\u201cWaxaan yeelanay wadahadallo miro dhal ah oo ku saabsan dib u habeynta dhaqaalaha Soomaaliya, waxaa kaloon ka wada hadalnay caqabadaha haray iyo dariiqa loo marayo, ayuu yiri Wasiirka Beyle.\u201d<\/p>\n<p>Safiirka boqortooyada UK ee Soomaaliya Kiin Foster FCDO ayaa bogaadisay dedaalka dowladdu ay gelisay hanaanka hufnaanta dhaqaalaha dalka.<\/p>\n<p>Wasiirka maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, ayaa uga mahadceliyay Kiin Foster iyo boqortooyadda UK taageerada dhinac walbo leh ee ay la garab taaganyihiin shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka Wasaaradda maaliyadda XFS Dr; Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, ayaa maanta Magaalada Muqdisho kula kulmay Safiirka Dowladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Kiin Foster, iyaga oo ka wadahadlay xoojinta wadashaqeynta labada Dowladood. Kulankan ayaa diiradda lagu saaray arrimo ku saabsan dib u-habeynta dhaqaalaha dalka iyo sidii loo sii xoojin lahaa wadashaqeynta dhaw ee ka dhaxeysa dowladda federaalka [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":7,"featured_media":463460,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-463454","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/463454","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/7"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=463454"}],"version-history":[{"count":4,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/463454\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":463459,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/463454\/revisions\/463459"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/463460"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=463454"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=463454"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=463454"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}