{"id":462832,"date":"2021-11-29T10:49:16","date_gmt":"2021-11-29T10:49:16","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=462832"},"modified":"2021-11-29T10:49:16","modified_gmt":"2021-11-29T10:49:16","slug":"madaxweynaha-jamhuuriyadda-oo-safar-shaqo-ugu-ambabaxay-dalka-qatar","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/madaxweynaha-jamhuuriyadda-oo-safar-shaqo-ugu-ambabaxay-dalka-qatar\/","title":{"rendered":"Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo safar shaqo ugu ambabaxay Dalka Qatar"},"content":{"rendered":"<div class=\"o9v6fnle cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\">Muqdisho(SONNA):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay weheliso Marwada Koowaad ee Qaranka Marwo Saynab Cabdi Macallin iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhaw u ambabaxay magaalada Dooxa ee dalka Qatar halkaas oo ay uga bilaabanayso booqasho shaqo oo labo maalmood ah.<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"o9v6fnle cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\">Madaxweynaha oo martiqaad ka helay Amiirka Dowladda Qatar Sheekh Tamiim Bin Xamad Al Thaani ayaa kala hadli doona xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar isaga kaashan lahaayeen dhinacyada dhaqaalaha, horumarinta ciyaaraha iyo iskaashiga maalgashiga.<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"o9v6fnle cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\">\u201cBooqashada Madaxweynaha waxaa qeyb ka ah furitaanka Koobka Kubadda Cagta ee Carabta oo lagu marti qaaday Madaxda dalalka Carabta, si loo xoojiyo iskaashiga dhanka horumarinta ciyaaraha iyo is-dhexgalka dhallinyarada Shucuubta Dalalka Carabta, iyadoo Madaxweynuhu uu kulan-doceedyo la qaadan doono hoggaamiyeyaasha ka soo qeyb-galaya Munaasabadda.\u201d Ayuu yiri Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada oo ka war-bixiyay safarka Madaxweynaha.<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"o9v6fnle cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\">Booqashadan waxaa Madaxweynaha ku wehelinaya Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ay kamid yihiin Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Cabdisaciid Muuse Cali, Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Xamsa Siciid Xamsa iyo Guddoonka Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed Mudane Cabdiqani Saciid Carab.<\/div>\n<\/div>\n<div dir=\"auto\"><img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-462835\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/11\/1.jpg\" alt=\"\" width=\"2016\" height=\"1512\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/11\/1.jpg 2016w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/11\/1-300x225.jpg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/11\/1-1024x768.jpg 1024w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/11\/1-768x576.jpg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/11\/1-1536x1152.jpg 1536w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/11\/1-696x522.jpg 696w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/11\/1-1068x801.jpg 1068w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/11\/1-1920x1440.jpg 1920w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/11\/1-560x420.jpg 560w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/11\/1-80x60.jpg 80w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/11\/1-265x198.jpg 265w\" sizes=\"auto, (max-width: 2016px) 100vw, 2016px\" \/> <img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-462836\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/11\/2.jpg\" alt=\"\" width=\"2048\" height=\"1790\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/11\/2.jpg 2048w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/11\/2-300x262.jpg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/11\/2-1024x895.jpg 1024w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/11\/2-768x671.jpg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/11\/2-1536x1343.jpg 1536w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/11\/2-696x608.jpg 696w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/11\/2-1068x933.jpg 1068w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/11\/2-1920x1678.jpg 1920w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/11\/2-481x420.jpg 481w\" sizes=\"auto, (max-width: 2048px) 100vw, 2048px\" \/><\/div>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho(SONNA):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay weheliso Marwada Koowaad ee Qaranka Marwo Saynab Cabdi Macallin iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhaw u ambabaxay magaalada Dooxa ee dalka Qatar halkaas oo ay uga bilaabanayso booqasho shaqo oo labo maalmood ah. Madaxweynaha oo martiqaad ka helay Amiirka Dowladda Qatar Sheekh Tamiim Bin [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":32,"featured_media":462835,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-462832","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/462832","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/32"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=462832"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/462832\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":462838,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/462832\/revisions\/462838"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/462835"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=462832"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=462832"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=462832"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}