{"id":462705,"date":"2021-11-26T13:44:57","date_gmt":"2021-11-26T13:44:57","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=462705"},"modified":"2021-11-26T13:44:57","modified_gmt":"2021-11-26T13:44:57","slug":"wasaaradda-arrimaha-guddaha-koonfur-galbeed-oo-tababar-u-furtay-qaar-ka-mid-ah-ardayda-dhigata-schoolada-ku-yaalla-xuddur","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/wasaaradda-arrimaha-guddaha-koonfur-galbeed-oo-tababar-u-furtay-qaar-ka-mid-ah-ardayda-dhigata-schoolada-ku-yaalla-xuddur\/","title":{"rendered":"Wasaaradda Arrimaha Guddaha Koonfur Galbeed oo tababar u furtay qaar ka mid ah ardayda dhigata Schoolada ku yaalla Xuddur"},"content":{"rendered":"<p dir=\"ltr\">Muqdisho (SONNA)-Tababarkaan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Arrimaha Guddaha dowladaha hoose ee Koonfur Galbeed ayaa loo qabtay arday ka kala soctay Seddex School ee ugu waaweyn magaalada Xuddur, waana aqoon isweydaarsi ku saabsan ka qeybgalka qaabdhismeedka qorshaha hormarinta degmada ee sanadlaha ah.<\/p>\n<p dir=\"ltr\">Tababarka ayaa ah mid noociisa ku cusub oo aan horey uga dhicin magaalada, in arday ama carruur laga qeyb geliyo in ay fikir ku daraan qorshaha sanadlaha ah ee buuga hormarinta degmada.<\/p>\n<p dir=\"ltr\">Tababarka waxa dahfurkiisa ka soo qeyb galay guddoomiyaha degmada Xuddur Maxamed Macalin Axmed isagoona ku amaanay ka qeyb gelinta ardada qorshaha hormarinta degmada waxana arada kula dardaarmay in maskaxdooda iyo aqoontooda ku biiriyaan qorshaha hormarinta deegaanka.<\/p>\n<p dir=\"ltr\">Kulamada iyo siminaarada la qabto oo arrimaha deegaanka looga hadlo\u00a0 caadiyan waxa ka qeyb gala maamulada iyo bulshada inteeda kale haseyeshee horey loogama\u00a0 baran in Carruurta fursad loo siiyo in ay ka qeyb galaan tababar aaraadooda ku dhiiban karaan, qorshaha hada loo diyaarinayo degmada Xuddur ee Shanta Sano ee soo socota waxa laga filan karaa in lagu soo daro qodobo muhiim u ah degmada iyo ca<u>r<\/u>ruurtaba maadaama fikirkooda tixgelin gaar ah la siindoono.<\/p>\n<p dir=\"ltr\"><img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-490356 td-animation-stack-type0-2\" src=\"https:\/\/radiomuqdisho.so\/wp-content\/uploads\/2021\/11\/IMG-20211126-WA0088-300x200.jpg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"200\" \/>\u00a0<img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-490357 td-animation-stack-type0-2\" src=\"https:\/\/radiomuqdisho.so\/wp-content\/uploads\/2021\/11\/IMG-20211126-WA0087-300x200.jpg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"200\" \/>\u00a0<img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-490358 td-animation-stack-type0-2\" src=\"https:\/\/radiomuqdisho.so\/wp-content\/uploads\/2021\/11\/IMG-20211126-WA0086-300x200.jpg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"200\" \/>\u00a0<img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-490359 td-animation-stack-type0-2\" src=\"https:\/\/radiomuqdisho.so\/wp-content\/uploads\/2021\/11\/IMG-20211126-WA0085-300x200.jpg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"200\" \/>\u00a0<img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-490360 td-animation-stack-type0-2\" src=\"https:\/\/radiomuqdisho.so\/wp-content\/uploads\/2021\/11\/IMG-20211126-WA0084-300x200.jpg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"200\" \/>\u00a0<img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-490361 td-animation-stack-type0-2\" src=\"https:\/\/radiomuqdisho.so\/wp-content\/uploads\/2021\/11\/IMG-20211126-WA0083-300x200.jpg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"200\" \/><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho (SONNA)-Tababarkaan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Arrimaha Guddaha dowladaha hoose ee Koonfur Galbeed ayaa loo qabtay arday ka kala soctay Seddex School ee ugu waaweyn magaalada Xuddur, waana aqoon isweydaarsi ku saabsan ka qeybgalka qaabdhismeedka qorshaha hormarinta degmada ee sanadlaha ah. Tababarka ayaa ah mid noociisa ku cusub oo aan horey uga dhicin [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":7,"featured_media":462706,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-462705","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/462705","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/7"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=462705"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/462705\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":462707,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/462705\/revisions\/462707"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/462706"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=462705"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=462705"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=462705"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}