{"id":462683,"date":"2021-11-26T07:56:45","date_gmt":"2021-11-26T07:56:45","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=462683"},"modified":"2023-01-07T09:19:20","modified_gmt":"2023-01-07T09:19:20","slug":"xuska-maalinta-caalamiga-ah-ee-ciribtirka-xadgudubyada-ku-dhaca-haweenka","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/xuska-maalinta-caalamiga-ah-ee-ciribtirka-xadgudubyada-ku-dhaca-haweenka\/","title":{"rendered":"Soomaaliya iyo dalal kale oo xusay maalinta ciribtirka xadgudubyada ku dhaca haweenka"},"content":{"rendered":"<p>Xaflado ay horkacayaan Qaramada Midoobay ayaa maalinimadii shalay oo ku beegneyd 25-ka November ka kala dhacay guud ahaan dalalka caalamka,gaar ahaan gudaha Dalka Soomaaliya.<\/p>\n<p>Maalintaan \u00a0oo ku asteysan Qaraar ka soo baxay Qaramada Midoobay oo tirsigiisu yahay 54\/134) ayaa ujeedku yahay in lagu baraarugo in haweenka adduunka ay la kulmaan kufsi, xadgudubyo qoys iyo tacadiyo kale.<\/p>\n<p>\u201cWaxaan soo dhaweyneynaa guuxa codadka ee ku baaqaya in la joojiyo rabshadaha iyo xadgudubyada ku dhaca haweenka,waxaanna sidoo kale bogaadineynaa hoggaamiyeyaasha gacanta ka geysanaya dejinta iyo hirgelinta shuruucda iyo beddelka lagu ilaalinaayo dumarka\u201dsidaa waxaa lagu yiri bayaan ka soo baxay Qaramada Midoobay.<\/p>\n<p>Fariinta 25 Noofambar ee sanadkaan ayaa ah in dunidu ay u soo jeestaan sidii loo ilaain lahaa xuquuqda haweenka,isla markaana loo joojin lahaa xadgudubyada ka dhanka ah haweenka.<\/p>\n<p>Qaramada Midoobay waxay ku dhiirigelinayaan dawladaha, ururada caalamiga ah iyo NGO-yada inay sanad kasta ay abaabulaan xusas lagu taageerayo xuquuqda haweenka,gaar ahaan maalinta caalamiga ah ee 25-ka Nov.<\/p>\n<p>Dhinaca kale, Xubno wasiiro ah iyo Agaasimaha Madaxtooyada Galmudug ayaa\u00a0 ka qeyb galay xaflad loo sameeyay maalinta caalamiga ah ee joojinta xadgudubyada ka dhanka ah haweenka\u00a0 taas oo lagu qabtay\u00a0\u00a0 Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Galmudug.<\/p>\n<p>Munaasabadan oo ay soo agaasintey Xarunta Waxbarashada, nabada iyo hormarka ee galkacyo Waxaa ugu horeyn ka hadlay Safiyo Sigaale oo wakiil ka ah Xarunta Waxbarashada, nabada iyo hormarka ee galkacyo iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Haweenka Galmudug Maxamed Cali Alaale ,iyagoo ka waramay tacdiyada loo gaysto haweenka iyo sida ugu haoon ee looga hortagi karo.<\/p>\n<p>Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Galmudug Cusmaan macalin Xassan\u00a0 ayaa ugu danbeyn ku dheeraaday dhibaatooyinka\u00a0 ay ku keenaan haweenka tacdiyada loo gaysto wuxuuna bulshada u soo jeediyay in la joojiyo\u00a0 tyacadiyada lagula kacyo haweenka .<\/p>\n<p>Olole ka dhan ah tacdiyada lagula kaco haweenka ayaa lagu wadaa in mudo lix iyo toban cisho ah uu ka dhoco gudaha dalka Soomaaliya.<\/p>\n<p><img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-462692 size-full\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/11\/st1.jpg\" alt=\"\" width=\"1080\" height=\"720\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/11\/st1.jpg 1080w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/11\/st1-300x200.jpg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/11\/st1-1024x683.jpg 1024w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/11\/st1-768x512.jpg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/11\/st1-696x464.jpg 696w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/11\/st1-1068x712.jpg 1068w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/11\/st1-630x420.jpg 630w\" sizes=\"auto, (max-width: 1080px) 100vw, 1080px\" \/> <img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-462693 size-full\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/11\/st2.jpg\" alt=\"\" width=\"1080\" height=\"720\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/11\/st2.jpg 1080w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/11\/st2-300x200.jpg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/11\/st2-1024x683.jpg 1024w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/11\/st2-768x512.jpg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/11\/st2-696x464.jpg 696w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/11\/st2-1068x712.jpg 1068w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/11\/st2-630x420.jpg 630w\" sizes=\"auto, (max-width: 1080px) 100vw, 1080px\" \/><\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Xaflado ay horkacayaan Qaramada Midoobay ayaa maalinimadii shalay oo ku beegneyd 25-ka November ka kala dhacay guud ahaan dalalka caalamka,gaar ahaan gudaha Dalka Soomaaliya. Maalintaan \u00a0oo ku asteysan Qaraar ka soo baxay Qaramada Midoobay oo tirsigiisu yahay 54\/134) ayaa ujeedku yahay in lagu baraarugo in haweenka adduunka ay la kulmaan kufsi, xadgudubyo qoys iyo tacadiyo [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":46,"featured_media":462685,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,82],"tags":[],"class_list":{"0":"post-462683","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-maqaallada"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/462683","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/46"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=462683"}],"version-history":[{"count":8,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/462683\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":462694,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/462683\/revisions\/462694"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/462685"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=462683"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=462683"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=462683"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}