{"id":460827,"date":"2021-10-31T11:12:41","date_gmt":"2021-10-31T11:12:41","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=460827"},"modified":"2023-01-07T09:19:54","modified_gmt":"2023-01-07T09:19:54","slug":"caalamka-oo-manta-u-dabbaaldegaya-xuska-maalinta-caasimadaha-dunida","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/caalamka-oo-manta-u-dabbaaldegaya-xuska-maalinta-caasimadaha-dunida\/","title":{"rendered":"Soomaaliya oo ka mid noqotay dalalka xusaya maalinta caasimadaha"},"content":{"rendered":"<p>Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ayaa 31-ka Oktoobar u aqoonsaday maalinta magaalooyinka adduunka,si kor logu qaado danaha bulshooyinka caalamka,iyadoo la riixayo iskaashiga ka dhexeeya dalalka ,isla markaana wax laga qabanayo caqabadaha ka jira magaalooyinka.<\/p>\n<p>Xuska maalintaan oo lagu saleeyay qaraar tirsigiisu tahay 68\/239, ayaa waxa ay \u00a0ka dhigan tahay in magaalooyinka ay yihiin kuwo suurtaalin kara qaabab cusub oo is dhexgal bulsho ah,taas oo ay ku jiraan \u00a0helitaanka adeegyada lagama maarmaanka ah,abuuritaank fursado cusub, iyo ka-qaybgalka maalgashiga caasimadaha.<\/p>\n<p>Ujeedada loo asteeyay maalinta caasimadaha ayaa ah in la muujiyo horumarka caasimadaha iyo in magaalooyinka iyo degmooyinka ay yihiin kuwo dadku ay u \u00a0dhan yihiin, badbaado leh oo suurtagalin kara nolol waarta.<\/p>\n<p>Qaramada Midoobay waxay sanadkii 2015-kii go\u2019aamisay in labaatanka sano ee soo socda la dejiyo ajeendo ah sidii loola tacaali lahaa caqabadaha soo wajaha magaalooyinka,ka dib markii 193 dal oo caalamka ah ay isku raaceen tallaabadaasi.<\/p>\n<p>Haddaba,caasimadda dalka Soomaaliya,waxa ay ka mid tahay kuwa lagu tiriyo in sanadihii u dambeeyay ay ku tallaabsatay horumar lixaad leh oo ka tarjumaya rabitaanka dadka ee ku yimid \u00a0hiigsiga mustaqbal wanaagsan oo ifaya.<\/p>\n<p>Maadaama caasimadda Soomaaliya ay tahay mid xarun \u00a0ah oo ay \u00a0ku howlgalaan dowaladda Federaalka,waxaa qasab ah in laga shaqeeyo horumarkeeda,isla markaana maamulka \u00a0Gobolka Banaadir uu la yimaado qorshe cad oo muuqaalka Muqdisho ka dhigaya mid la saanqaadi karaa- caasimadaha dunida.<\/p>\n<p>Si loo helo caasimad habboon oo ku wanaagsan dalxiiska waa in xil la iska saaraa soo celinta bilicda magaalada iyo in dib u dejin loo sameeyo barakacayaashha soo buux dhaafiyay caasdimadda Muqdisho.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ayaa 31-ka Oktoobar u aqoonsaday maalinta magaalooyinka adduunka,si kor logu qaado danaha bulshooyinka caalamka,iyadoo la riixayo iskaashiga ka dhexeeya dalalka ,isla markaana wax laga qabanayo caqabadaha ka jira magaalooyinka. Xuska maalintaan oo lagu saleeyay qaraar tirsigiisu tahay 68\/239, ayaa waxa ay \u00a0ka dhigan tahay in magaalooyinka ay yihiin [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":46,"featured_media":460829,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,82],"tags":[],"class_list":{"0":"post-460827","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-maqaallada"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/460827","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/46"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=460827"}],"version-history":[{"count":9,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/460827\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":460837,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/460827\/revisions\/460837"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/460829"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=460827"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=460827"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=460827"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}