{"id":460528,"date":"2021-10-26T22:54:25","date_gmt":"2021-10-26T22:54:25","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=460528"},"modified":"2021-10-26T22:54:25","modified_gmt":"2021-10-26T22:54:25","slug":"madaxweyne-farmaajo-oo-la-xiriiray-guddoomiyeyaasha-ururrada-siyaasadda-ee-puntland-ee-ku-tartamayey-doorashada-dadweynaha","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/madaxweyne-farmaajo-oo-la-xiriiray-guddoomiyeyaasha-ururrada-siyaasadda-ee-puntland-ee-ku-tartamayey-doorashada-dadweynaha\/","title":{"rendered":"MADAXWEYNE FARMAAJO OO LA XIRIIRAY GUDDOOMIYEYAASHA URURRADA SIYAASADDA EE PUNTLAND EE KU TARTAMAYEY DOORASHADA DADWEYNAHA"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho, (SONNA) Oktoobar 26, 2021; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo la xiriiray Guddoomiyeyaasha Ururrada Siyaasadda ee Puntland ee ku tartamay doorashada dadweynaha ayaa ugu hambalyeeyey natiijada dhiirri-gelinta mudan ee ay ka soo hooyeen deegaannada ay ku qabsoontay doorashadu.<\/p>\n<p>Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Maamulka iyo bulshada Puntland, Guddiga Doorashada iyo Ururrada Siyaasadda ee ka qeyb-galay sida ay ugu midoobeen ka dhabeynta qorshaha dimuqraadiyeynta Puntland oo tallaabadii ugu horreysay loo qaaday, isaga oo ku adkeeyey in ay sii ballaariyaan tijaabada.<\/p>\n<p>Dhankooda, Guddoomiyeyaasha Ururrada Siyaasadda ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda xiriirka uu la soo sameeyey iyo sida uu u dhirri-gelinayo hannaanka dimuqraadiyadeed, iyaga oo tilmaamay ifafaalaha wanaagsan ee arrintani ay u leedahay hannaanka siyaasadda dalka.<\/p>\n<p>DHAMMAAD<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho, (SONNA) Oktoobar 26, 2021; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo la xiriiray Guddoomiyeyaasha Ururrada Siyaasadda ee Puntland ee ku tartamay doorashada dadweynaha ayaa ugu hambalyeeyey natiijada dhiirri-gelinta mudan ee ay ka soo hooyeen deegaannada ay ku qabsoontay doorashadu. Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Maamulka iyo bulshada Puntland, Guddiga Doorashada iyo Ururrada Siyaasadda [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":32,"featured_media":460529,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-460528","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/460528","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/32"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=460528"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/460528\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":460530,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/460528\/revisions\/460530"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/460529"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=460528"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=460528"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=460528"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}