{"id":460367,"date":"2021-10-25T05:09:55","date_gmt":"2021-10-25T05:09:55","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=460367"},"modified":"2023-01-07T09:20:04","modified_gmt":"2023-01-07T09:20:04","slug":"warbixin-r-wasaaraha-sudan-oo-la-galiyay-xabsi-guri","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/warbixin-r-wasaaraha-sudan-oo-la-galiyay-xabsi-guri\/","title":{"rendered":"Ciidamada Suudaan oo kala diray dowladdii, isla markaana xiray R\/wasaaraha \u00a0"},"content":{"rendered":"<p>Milatariga Suudaan ayaa xabsi guri geliyay ra\u2019iisul wasaare Cabdalla Xamduuk,ka dib markii uu diiday inuu taageero afgambi ciidan, sida ay sheegeen warbaahinta caalamka.<\/p>\n<p>Guddoomiyaha guddiga talada haya ee Suudaan Jeneraal Cabdifataax al-Burhaan ayaa ku dhawaaqay in la kala diray xukuumadda ku-meelgaarka ah iyo golaha madaxbannaanida,isla markaana dalka lagu soo rogay xaalad degdeg ah oo saameymeysa waddanka oo dhan<\/p>\n<p>Dadka la qabtay waxaa ku jira wasiirka warshadaha Ibrahim al-Sheikh, wasiirka warfaafinta Xamza Baloul, iyo la taliyaha ra\u2019iisul wasaaraha, Faysal Maxamed Saalax.<\/p>\n<p>Sidoo kale waxaa la xiray Af-hayeenka golaha madaxbannaanida ee Suudaan, Mohammed al-Fiky Suliman, iyo barasaabka caasimadda Suudaan Ayman Khalid .<\/p>\n<p>R\/wasaaraha ayaa saaka laga watay hoygiisa,lamana oga halka uu ku dambeeyo,inkastoo warar ay sheegayaan in la galiyay xabsi guri.<\/p>\n<p>Suudaan ayaa ku jirtay xaalad \u00a0deganaan la\u2019aan ah tan iyo markii uu dhacay afgambigii dhicisoobay ee bishii hore waxaana muuqata khilaaf u dhexeeyay milatariga iyo kooxaha rayidka ah,kaas oo la xiriiray hab \u00a0qaybsiga awoodda dalka,kaddib markii uu meesha ka baxay Cumar Al-Bashiir \u00a0oo ahaa hoggaamiyihii ugu muddada dheeraa.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Milatariga Suudaan ayaa xabsi guri geliyay ra\u2019iisul wasaare Cabdalla Xamduuk,ka dib markii uu diiday inuu taageero afgambi ciidan, sida ay sheegeen warbaahinta caalamka. Guddoomiyaha guddiga talada haya ee Suudaan Jeneraal Cabdifataax al-Burhaan ayaa ku dhawaaqay in la kala diray xukuumadda ku-meelgaarka ah iyo golaha madaxbannaanida,isla markaana dalka lagu soo rogay xaalad degdeg ah oo saameymeysa [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":46,"featured_media":460428,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[83],"tags":[],"class_list":{"0":"post-460367","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-caalamka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/460367","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/46"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=460367"}],"version-history":[{"count":33,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/460367\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":460412,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/460367\/revisions\/460412"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/460428"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=460367"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=460367"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=460367"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}