{"id":459008,"date":"2021-10-07T11:15:42","date_gmt":"2021-10-07T11:15:42","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=459008"},"modified":"2021-10-07T11:16:12","modified_gmt":"2021-10-07T11:16:12","slug":"dowladda-qadar-oo-kordhisay-taageeradeedii-soomaaliya","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/dowladda-qadar-oo-kordhisay-taageeradeedii-soomaaliya\/","title":{"rendered":"Dowladda Qadar oo kordhisay taageeradeeda Soomaaliya"},"content":{"rendered":"<p>Dooxa-(SONNA)-Dowladda Qadar ayaa sheegtay in ay sare uqaadday taageeradii iyo xiriirkii walaaltinimo ee kala dhaxeeyay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.<\/p>\n<p>Bayaan ay fadhiga 48-aad ee golaha xuquuqul Insaanka Jimciyadda quruumaha ka dhaxaysa ka jeedisay Marwo Jawhara Al-Suwaidi, oo ah Ku-xigeenka wakiilka Joogtada ah ee Dowladda Qadar ee QM \u00a0fadhigeeduna yahay Geneva ayaa lagu sheegay inay sii wadayaan bixinta gargaarka iyo taageeridda mashaariicda horumarineed ee Soomaaliya.<\/p>\n<p>Wakiilka ayaa si gaar ah diiradda u saartay dhinacyada caafimaadka, wax barashada, abuurista fursadaha shaqo ee dhallinyarada, xoojinta awoodda laamaha ammaanka iyo bixinta taageero siyaasadeed, si loo xaqiijiyo madaxbannaanida, midnimada iyo wada jirka dhuleed ee dalka.<\/p>\n<p>Al-Suwaidi ayaa sheegay in Dowladda Qadar ay ku nuuxnuuxsanayso caqabadaha hortaagan iyo khataraha dhanka amniga, argagixisada, faafitaanka Covid-19, abaaraha, fatahaadaha iyo waxyaabo kale.<\/p>\n<p>Bayaanka Dowladda Qadar ayaa lagu sheegay muhiimadda sida loogu baahan yahay dhammaan dhinacyada Soomaalida inay is-xakameeyaan, oo ay sii wadaan wada-xaajoodka Qaran, iyagoo ay ka go\u2019an tahay inay qabtaan doorashooyin nabdoon, hufan, loo dhan yahay oo lagu kalsoonaan karo waqtigii loogu talagalayna ku qabsooma.<\/p>\n<p>Ugu dambayn bayaanka ayaa lagu sheegay inay tallaabooyinkaasi qayb ka noqon karaan diyaarinta Jawiga ku habboon iyo fulinta qorshayaasha iyo barnaamijyada, gaar ahaan kuwa la xiriira kor u qaadista iyo ilaalinta xuquuqda Aadanaha.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Dooxa-(SONNA)-Dowladda Qadar ayaa sheegtay in ay sare uqaadday taageeradii iyo xiriirkii walaaltinimo ee kala dhaxeeyay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed. Bayaan ay fadhiga 48-aad ee golaha xuquuqul Insaanka Jimciyadda quruumaha ka dhaxaysa ka jeedisay Marwo Jawhara Al-Suwaidi, oo ah Ku-xigeenka wakiilka Joogtada ah ee Dowladda Qadar ee QM \u00a0fadhigeeduna yahay Geneva ayaa lagu sheegay inay sii [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":7,"featured_media":459009,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[83,94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-459008","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-caalamka","8":"category-gudaha","9":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/459008","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/7"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=459008"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/459008\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":459011,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/459008\/revisions\/459011"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/459009"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=459008"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=459008"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=459008"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}