{"id":455773,"date":"2021-08-26T11:13:55","date_gmt":"2021-08-26T11:13:55","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=455773"},"modified":"2021-08-26T11:23:00","modified_gmt":"2021-08-26T11:23:00","slug":"kulan-looga-hadlayay-doorka-dhallinyarada-ee-ka-qeybqaadashada-siyaasadda-oo-lagu-qabtay-dhuusamareebsawirro","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/kulan-looga-hadlayay-doorka-dhallinyarada-ee-ka-qeybqaadashada-siyaasadda-oo-lagu-qabtay-dhuusamareebsawirro\/","title":{"rendered":"Kulan looga hadlayay doorka dhallinyarada ee ka qeybqaadashada siyaasadda oo lagu qabtay Dhuusamareeb+Sawirro"},"content":{"rendered":"<p>Dhuusamareeb-(SONNA)-Agaasimaga guud ee wasaaradda caafimaadka Galmudug Dr; Cabdiwali Axmed Maxamed ayaa sheegay in la joogo xilligii ku habboonaa ee dhallinyarada Galmudug loo jiheyn lahaa ka qeyb-qaadashada arrimaha siyaasadda dalka.<\/p>\n<p>Dr; Cabdiwali ayaa hadalkan ka sheegay kulan dood ah oo lagu gorfeynayay doorka dhallinyarada ee ku aaddan ka qeyb-qaadashada sidii dalka loo gaarsiin lahaa doorasho dad weyne oo lagu qabtay Dhuusamareeb ayaa intaa ku daray in kaalinta da\u2019yartu laga ballaariyo is-dhexgalka xagga Sportiga, sarena loo qaado hankooga xagga siyaasadda ah, taas oo natiijadeeda dambe ay iyagu heli doonaan.<\/p>\n<p>Madaxa madasha doodaha iyo cilmi baarista Galmudug, Sowdo Ciise Siyaad ayaa sheegtay inay tahay mid muuqato muhiimadda ay dhallinyaradu u leedahay ka qeybqaadashada arrimaha siyaasadda balse ay jiraan caqabado.<\/p>\n<p>Kulankan oo ay soo qaban-qaabisay madasha doodaha iyo cilmi baarista ee Galmudug oo kaashanaysa isu tagga Ururrada dhallinyarada Soomaaliyeed ayaa loogu baaraandegay sidii ay da\u2019yartu ula jaan-qaadi lahaayeen siyaasadda dalka qeybna ugu noqon lahaayeen doorasho dadweyne oo dalka ka dhaca.<\/p>\n<p><img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-455783 size-full\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/08\/Dood2.png\" alt=\"\" width=\"960\" height=\"562\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/08\/Dood2.png 960w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/08\/Dood2-300x176.png 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/08\/Dood2-768x450.png 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/08\/Dood2-696x407.png 696w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/08\/Dood2-717x420.png 717w\" sizes=\"auto, (max-width: 960px) 100vw, 960px\" \/> <img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-455784 size-full\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/08\/Dood3.png\" alt=\"\" width=\"964\" height=\"547\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/08\/Dood3.png 964w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/08\/Dood3-300x170.png 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/08\/Dood3-768x436.png 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/08\/Dood3-696x395.png 696w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/08\/Dood3-740x420.png 740w\" sizes=\"auto, (max-width: 964px) 100vw, 964px\" \/> <img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-455785 size-full\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/08\/Dood4.png\" alt=\"\" width=\"948\" height=\"561\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/08\/Dood4.png 948w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/08\/Dood4-300x178.png 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/08\/Dood4-768x454.png 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/08\/Dood4-696x412.png 696w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/08\/Dood4-710x420.png 710w\" sizes=\"auto, (max-width: 948px) 100vw, 948px\" \/> <img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-455786 size-full\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/08\/Dood5.png\" alt=\"\" width=\"956\" height=\"559\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/08\/Dood5.png 956w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/08\/Dood5-300x175.png 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/08\/Dood5-768x449.png 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/08\/Dood5-696x407.png 696w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/08\/Dood5-718x420.png 718w\" sizes=\"auto, (max-width: 956px) 100vw, 956px\" \/><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Dhuusamareeb-(SONNA)-Agaasimaga guud ee wasaaradda caafimaadka Galmudug Dr; Cabdiwali Axmed Maxamed ayaa sheegay in la joogo xilligii ku habboonaa ee dhallinyarada Galmudug loo jiheyn lahaa ka qeyb-qaadashada arrimaha siyaasadda dalka. Dr; Cabdiwali ayaa hadalkan ka sheegay kulan dood ah oo lagu gorfeynayay doorka dhallinyarada ee ku aaddan ka qeyb-qaadashada sidii dalka loo gaarsiin lahaa doorasho dad [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":7,"featured_media":455781,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81,91],"tags":[],"class_list":{"0":"post-455773","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka","9":"category-wargayska"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/455773","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/7"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=455773"}],"version-history":[{"count":5,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/455773\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":455790,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/455773\/revisions\/455790"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/455781"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=455773"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=455773"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=455773"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}