{"id":454769,"date":"2021-08-15T13:01:50","date_gmt":"2021-08-15T13:01:50","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=454769"},"modified":"2021-08-15T13:04:48","modified_gmt":"2021-08-15T13:04:48","slug":"maamulka-koonfur-galbeed-oo-dhameystiray-doorashada-aqalka-sare","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/maamulka-koonfur-galbeed-oo-dhameystiray-doorashada-aqalka-sare\/","title":{"rendered":"Maamulka Koonfur Galbeed oo dhameystiray doorashada Aqalka Sare"},"content":{"rendered":"<div class=\"td-post-header\">\n<h6 class=\"td-post-title\"><span style=\"color: #222222; font-family: Verdana, Geneva, sans-serif; font-size: 15px;\">Muqdisho\u2026SONNA\u2026Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay waxaa Maanta ka dhacday doorashada Saddex kursi oo kamid ah Aqalka sare, kuwaas oo ka harsanaa sideeda kursi oo Maamulka Koonfur Galbeed ku matala Aqalka Sare.<\/span><\/h6>\n<\/div>\n<div class=\"td-post-content\">\n<p>Ilaa lix musharax ayaa ku tartmayay saddexda kursi ee Aqalka Sare,waxaana goobjoog ka ahaa kulanka oo codeynayay 91 mudane oo ka tirsan Baarlamaanka Koonfur Galbeed.<\/p>\n<p>Kursiga koowaad ayaa waxaa ku guuleystay Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya \u00a0Xasan Xuseen Xaaji, kaas oo helay Codad gaaraya\u00a0 74 Cod halka Musharixii la tartamayay ee Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi uu helay 14 Cod, waxaana halaabay Saddex Cod.<\/p>\n<p>Kursiga labaad ayaa waxaa ku tartamay Cali Sheekh Maxamuud Gacal iyo \u00a0Cabduqaadir Cabdi Axmed , waxaana kursiga Aqalka Sare ku guuleystay\u00a0 Cali Sheekh Maxamuud Gacal oo helay 68 cod halka musharaxa la tartamayay uu helay 22 cod.<\/p>\n<p>Kursiga ugu dambeeya 8-mudane ee Golaha Aqalka Sare Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa waxaa ku guuleystey Senator Cabdiwali Maxamed Ibraahim (Xaabsade)\u00a0 oo helay 68 cod\u00a0 halka Musharixii\u00a0 la tartamey\u00a0 ee Cabdullahi Roobow Maxamed\u00a0 uu helay 18, waxaana halaabay laba cod.<\/p>\n<p>Maamulka Koonfur Galbeed ayaa noqday maamulkii labaad ee dhameystira doorashada Aqalka Sare, waxaana kasii horreeyay maamulka Puntland oo hal Maalim doortay dhamaan 11 kursi ay ku leeyihiin Aqalka Sare.<\/p>\n<\/div>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho\u2026SONNA\u2026Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay waxaa Maanta ka dhacday doorashada Saddex kursi oo kamid ah Aqalka sare, kuwaas oo ka harsanaa sideeda kursi oo Maamulka Koonfur Galbeed ku matala Aqalka Sare. Ilaa lix musharax ayaa ku tartmayay saddexda kursi ee Aqalka Sare,waxaana goobjoog ka ahaa kulanka oo codeynayay 91 mudane oo ka tirsan Baarlamaanka [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":32,"featured_media":454770,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-454769","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/454769","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/32"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=454769"}],"version-history":[{"count":3,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/454769\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":454774,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/454769\/revisions\/454774"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/454770"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=454769"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=454769"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=454769"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}