{"id":454541,"date":"2021-08-12T09:01:21","date_gmt":"2021-08-12T09:01:21","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=454541"},"modified":"2021-08-12T09:01:21","modified_gmt":"2021-08-12T09:01:21","slug":"suudaan-oo-sheegtay-inay-al-bashiir-ku-wareejin-doonto-maxkamadadda-icc","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/suudaan-oo-sheegtay-inay-al-bashiir-ku-wareejin-doonto-maxkamadadda-icc\/","title":{"rendered":"Suudaan oo sheegtay inay Al-bashiir ku wareejin doonto maxkamadadda ICC"},"content":{"rendered":"<p>Golaha wasiirradu ee xukuumadda Suudaan ayaa go\u2019aansatay in madaxweynihii hire ee dalkaasi Cumar Al-Bashiir iyo laba sarkaal \u00a0lagu wareejiyo\u00a0 maxakamadda caalamiga ee dambiyada dagaalka\u00a0 ICC,sida ay ka dhawaajisay wasiirka arrimaha dibadda dalkaasi Mariam al-Mahdi .<\/p>\n<p>Wasiirka oo la hadashay wakaaladda wararka SUNA ee dalkaasi,ayaa xaqiijisay go\u2019aankaasi ay gaareen golaha wasiirada,hasa yeeshee,ma cadeyn waqtiga ay dhaceyso in Al-bashiir loo gacangaliyo maxkamadda caalamiga ah ee ICC,<\/p>\n<p>Al-Bashiir oo 77-sano jir ah ayaa in ka badan 10 sano waxaa baadi-goobaysay maxkamadda ICC-ee fadhigeedu yahay magaalada Hague, waxaana lagu eedeeyay xasuuq, dambiyo dagaal iyo dambiyo ka dhan ah aadanaha oo ka dhacay gobolka Daarfuur.<\/p>\n<p>Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in 300,000 oo qof ay ku dhinteen dagaaladii ka dhacay Daarfuur, 2.5 milyan oo kalena ay ku barakaceen colaaddaasi oo gobolkaasi oo dhaca \u00a0galbeedka ka bilowday sannadkii 2003 -dii.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Golaha wasiirradu ee xukuumadda Suudaan ayaa go\u2019aansatay in madaxweynihii hire ee dalkaasi Cumar Al-Bashiir iyo laba sarkaal \u00a0lagu wareejiyo\u00a0 maxakamadda caalamiga ee dambiyada dagaalka\u00a0 ICC,sida ay ka dhawaajisay wasiirka arrimaha dibadda dalkaasi Mariam al-Mahdi . Wasiirka oo la hadashay wakaaladda wararka SUNA ee dalkaasi,ayaa xaqiijisay go\u2019aankaasi ay gaareen golaha wasiirada,hasa yeeshee,ma cadeyn waqtiga ay dhaceyso [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":46,"featured_media":454542,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[83],"tags":[],"class_list":{"0":"post-454541","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-caalamka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/454541","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/46"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=454541"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/454541\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":454543,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/454541\/revisions\/454543"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/454542"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=454541"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=454541"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=454541"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}