{"id":452403,"date":"2021-07-22T07:30:14","date_gmt":"2021-07-22T07:30:14","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=452403"},"modified":"2021-07-22T07:40:56","modified_gmt":"2021-07-22T07:40:56","slug":"r-wasaare-rooble-oo-ka-hadlay-qodobbo-muhiim-u-ah-dooorashooyinka-dalka","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/r-wasaare-rooble-oo-ka-hadlay-qodobbo-muhiim-u-ah-dooorashooyinka-dalka\/","title":{"rendered":"R\/wasaare Rooble oo ka hadlay qodobbo muhiim u ah dooorashooyinka dalka"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho.(SONNA)&#8230;Ra\u2019iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in muwaadiniinta Soomaaliyeed ay xaq u leeyihiin inay isu safri karaan meelkasta oo ay ka joogaan dalka gudihiisa.<\/p>\n<p>Ra\u2019iisul Wasaaraha Soomaaliya oo la hadlay Guddiga dib u heshiisiinta Gobolka Gedo ayaa yiri \u201cMuwaadinka Soomaaliyeed ee musharaxa ah waxa uu xaq u leeyahay in la dhowro xaquuqdiisa muwaadinimo, in la dhowro fekirkiisa, in uu xaq u leeyahay in magaalada uu rabo uu ka safro midda uu rabana u safro, waxaan farayaa hay\u2019adaha socdaalka, waxaan farayaa hay\u2019adaha amniga, booliska iyo NISA, warar badan baa i soo gaaray oo ah in dad la celiyay oo meelo kala duwan laga celiyay, uma dulqaadan dooni, qoftii ku soo baxdana falkaas talaabo sharci ah ayaa laga qaadayaa\u201d.<\/p>\n<p>Ra\u2019iisul Wasaaraha ayaa xusay inaan la celin karin diyaarad rakaab sida oo u socoto magaalooyinka Kismaayo iyo Garbahaareey ama ka imaaneysa, isagoo faray hay\u2019adda duulista Hawada ee Soomaaliya inay la soo wadaan wixii caqabad ah ee la xiriirta diyaarad la celiyay, si looga qaado tallaaho sharciga waafaqsan.<\/p>\n<p>Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka dalbaday guddiga inay dabagal ku sameeyeen oo ay korjoogteeyaan hirgelinta waxyaabaha ka qabsoomay qodobada ay u soo gudbiyeen xafiiskiisa.<\/p>\n<p>Ra\u2019iisul Wasaare Rooble ayaa guddiga uga mahadceliyay dadaalka ay ku bixiyeen arrinta dib u heshiisiinta Gobolka Gedo, maadaama qodobka Gedo ay caqabad ku ahayd heshiiskii 17 September., haatanna wax badan laga qabtay oo ay harsantahay in Maamulka Gedo lagu soo saaro wareegto.<\/p>\n<p>\u201cRuntii shaqadii aan idin igmaday maanta farxad ayay na gelineysaa aniga iyo dhamaan shacabka Soomaaliyeed, sababtoo ah si wanaagsan oo hufan oo wadanimo ah, walaalnimo ah, saaxiibtinimo ah ayaad u soo dhameyseen\u201d. Ayuu yiri Ra\u2019iisul Wasaaraha.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho.(SONNA)&#8230;Ra\u2019iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in muwaadiniinta Soomaaliyeed ay xaq u leeyihiin inay isu safri karaan meelkasta oo ay ka joogaan dalka gudihiisa. Ra\u2019iisul Wasaaraha Soomaaliya oo la hadlay Guddiga dib u heshiisiinta Gobolka Gedo ayaa yiri \u201cMuwaadinka Soomaaliyeed ee musharaxa ah waxa uu xaq u leeyahay in la [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":46,"featured_media":452405,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94],"tags":[],"class_list":{"0":"post-452403","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/452403","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/46"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=452403"}],"version-history":[{"count":3,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/452403\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":452408,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/452403\/revisions\/452408"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/452405"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=452403"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=452403"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=452403"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}