{"id":452020,"date":"2021-07-16T18:08:55","date_gmt":"2021-07-16T18:08:55","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=452020"},"modified":"2021-07-16T18:10:23","modified_gmt":"2021-07-16T18:10:23","slug":"raiisul-wasaaraha-xfs-oo-soo-dhaweeyey-jadwalka-hannaanka-doorashooyinka-labada-aqal-ee-uu-soo-saaray-guddiga-doorashooyinka-ee-feit","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/raiisul-wasaaraha-xfs-oo-soo-dhaweeyey-jadwalka-hannaanka-doorashooyinka-labada-aqal-ee-uu-soo-saaray-guddiga-doorashooyinka-ee-feit\/","title":{"rendered":"Ra\u2019iisul Wasaare Rooble oo soo dhaweeyey Jadwalka doorashooyinka ee ay soo saareen Guddiga Hirgelinta doorashada"},"content":{"rendered":"<div class=\"kvgmc6g5 cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\">Muqdisho (SONNA)-Ra\u2019iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo dhaweeyay jadwalka hannaanka doorashooyinka labada aqal ee BFS ee uu soo saaray Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ee FEIT.<\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<\/div>\n<div class=\"o9v6fnle cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\">\u201cWaxaan soo dhaweynayaa oo bogaadinayaa jadwalka ay shaaciyeen guddiga maamulka doorashooyinka ee heer federaal, kaas oo si faahfaahsan u qeexaya xilliyada iyo qaabka ay u dhaceyso doorashada Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya\u201d ayuu yiri Ra\u2019iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.<\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<\/div>\n<div class=\"o9v6fnle cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\">Ra\u2019iisul Wasaare Rooble oo dowlad-goboleedyada dalka uga mahadceliyay dadaalkooda iyo dabacsanaanta ay muujiyeen, ayaa ku boorriyay in ay ku dhaqsadaan hirgelinta qabsoomidda doorashada.<\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<\/div>\n<div class=\"o9v6fnle cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\">\u201cShacabka Soomaaliyeed waxa ay naga sugayaan doorasho nabdoon, daahfuran oo ka fog eex iyo qof jecleysi, kuna dhacda xilligii lagu heshiiyay, sidaas darteed waa in aan iska wada xilsaarnaa hirgelinta howshaas muhiimka ah, si aan dib u dhac lahayn\u201d ayuu yiri Ra\u2019iisul Wasaare Rooble oo mar kale shacabka Soomaaliyeed uga mahad celiyay dulqaadka iyo sidii ay ugu garab istaageen dadaalladii uu hormuudka ka ahaa ee horseeday heshiiska doorashooyinka dalka.<\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<\/div>\n<div class=\"o9v6fnle cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\">Ugu dambeyn Ra\u2019iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa beesha caalamka uga mahadceliyay kaalintooda nabadeynta iyo dowlad dhiska Soomaaliya, waxa uuna ugu baaqay in ay taageeraan howsha hirgelinta doorashada.<\/div>\n<\/div>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho (SONNA)-Ra\u2019iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo dhaweeyay jadwalka hannaanka doorashooyinka labada aqal ee BFS ee uu soo saaray Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ee FEIT. \u201cWaxaan soo dhaweynayaa oo bogaadinayaa jadwalka ay shaaciyeen guddiga maamulka doorashooyinka ee heer federaal, kaas oo si faahfaahsan u qeexaya xilliyada iyo qaabka ay u [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":7,"featured_media":452021,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-452020","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/452020","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/7"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=452020"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/452020\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":452024,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/452020\/revisions\/452024"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/452021"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=452020"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=452020"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=452020"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}